Friday, May 1, 2020

Maxaan Ku jeclahay Soonqaadka?

Maxaan ku jeclahay Soonqaadka ?

Waan ku jeclahay Soonka waayo qof aan waligiis tukan ayaa tukada

* Gabar aan timaheeda asturin ayaa asturta.

* Wiil aan waligiis Soomin ayaa Sooma.

Ugu yaraan dadkaasi waxay tijaabiyeen macaanka caqiiddada hal bil oo kaliya ka dibnna nolashooda waxaa laga yaabaa in Ramadaanka ka dib is badasho gaar ahaan cibaadadda.

Waxaa laga yabaa in dadka qaar ugu yeeraan dadkaasi “Muslimiinta bisha Soonqaadka oo kaliya”, yacni dadka cibaadeysta Ramadaanka oo kaliya. Laakiin dadkaasi u aqoonso Muslimiinta ay badasho cibaadadoodu bisha Afhaysi.

Ha dhayalsan saameynta bishan barakaysan ee Ramadaan ama qof ILAAHAY u dhawaaday.

Macnaha ereyga Ramadaan:

Macnaha ereyga Ramadaan waxay culimada & aqoonyahanada taariikhda Islaamka ku macneeyeen ereyga Ramadaan uu ka yimid ereyga Ramadi oo ah erey Af Carabi ah oo la macno ah gubasho, waxaa jira qoraallo ama xigashooyin kale oo oranaya ereygan wuxuu asalkiisu ahaa erey ka soo jeeda ereyga Ramaadt (رمضت ) oo ah erey Faarisi oo la macno ah gubasho.

Imam Abu 'Abdullah Al-Qurtubi oo ahaa caalimkii weynaa ee Muslimka ahaa ahaana sharraxe Qur’aanka iyo Axaadiista Nabiga CSW wuxuu ku yiri Kutubkiisa Tasiirka Qur’aanka ee loo yaqaan Tafsir Al-Qurtubi Qaybta labaad bogga 271-aad.

إنما سمي رمضان لأنه يرمض الذنوب أي يحرقها با لأعمال الصالحة

“Waxaa loogu magacaabay Ramadaan sababtu waa in ay gubayso dambiyada dadka ayna u badalayso camal wanaagsan”

Sidee Soonku u gubbaa dambiyadeenna ?

Abuu Hureyrah ILAAHAY raali ha ka noqdee wuxuu yiri: Nabigu (Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa EEBE ha yeelee) wuxuu yiri: "Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga dhacay (aan kabaa’irta ahayn/dambiyada waa weyn oo ay ka mid yihiin dilka gardaradda ah, gogoldhaafka, ribada shirkiga, sixirka, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar ALLE ah iwm.)". Bukhaari iyo Muslim.

Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay.

Macnaha luqadeed ee Soon:

Ereyga صوم‎ (sawn) Soon waa erey asal ahaan Carabi ah, macnahiisuna ka af-xirasho, taasi waxay inoo cadeynaysaa in uu ereygaasi sal ku leeyahay hadalkii uu ALLE subxaanuhu Watacalaa ku lahaa Maryama Bintu Cimraan CS  " Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidinna lama hadlayo maanta". Suuradda Maryama aayadda 26-aad.

فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنْسِيًّا

Macnaha aynnu fahmaynna waa xaqiiqda ah in laga af-xirnaaddo wax kasta oo soonka burinaya ficil iyo oraah ahaanba.

Xigasho: Qur'aanka Kariimka ah Suurada Maryama, Kitaabka Tafsir Al-Qurtubi, Axaadiis iyo ay wariyeen Muslim iyo Bukhari ILAAHAY ha barakeeyee.

Fadlan sii faafi oo la wadaag asxaabtaada ALLAHA ku barakeeyo.

Qalinka: Qoraa sare Mowliid Xaaji Cabdi.

No comments:

Post a Comment

Travelling to Berdaale District, 22-November 2025

My journey to  Berdaale District  has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...