Tuesday, May 12, 2020

81 Xaaldo Cusub Oo COVID-19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-Kii Saac Ee Ugu Dambeeyay












Muqdisho; Talaado, May 12, 2020 —-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 44 Jubaland 24 Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2.
Bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,170, Geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo.






                                                             —DHAMMAAD—

No comments:

Post a Comment

Travelling to Berdaale District, 22-November 2025

My journey to  Berdaale District  has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...