Saturday, May 2, 2020

Jirkeennu muxuu la kulmaa inta lagu jiro Soonqaadka?


Waxaa inoo bilowday 10 kii cisho ee ugu horreeyey bisha Barakaysan ee Afhaysi, waxaan mowduucan oo ka mid ah qormooyinkii Tusmada Nolasha uga hadli doonaa waxyaabo cajiib ah oo jirkeennu uu la darso inta aynnu soomannahay.

Heerka 1-aad: (Maalinta 1 aad & 2-aad)

Maalinta ugu horreysa Soonqaadka waxaa hoos u dhaca heerka Sonkorta jirka, waxaa yaraada gaabiska wadnaha iyo cadaaddiska dhiigga.  Murqaha waxaa ka baxa Glycogen taasi oo keeni karta in ay tabaryareeyaan.

Mowjadaha nadiifinta jirka ee Soonqaad waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu xun Madax-xanuun, dayaan ama warreer, neef ur, iyo carabka oo dahaar wayn uu fuulo waa calaammadaha lagu garto nadiifinta jirka ee Soonka, waxaa ugu daran xilligan baahida ama gaajada.

Heerka 2-aad: (Maalinta 3-aad ilaa 7-aad)

Xayrta jirka, tan isku badashay dufanka ayaa burburta taasi oo sii daysa waxa loo yaqaan glycerol ka imaanaysa gliceride iyo Moleekuleyaasha ayaa isku badala glucose.

Maqaarku wuxuu noqon karaa mid saliid leh,  maaddaama Saliid badan laga nadiifiyey jirka. Dadka maqaarkoodu uu yahay xasaasiga waxaa laga yaabaa inay maalmo isku arkaan nabaro jirka ama ka soo bax.

Jirku wuu isla qabsadaa si deg deg ah, habka dheefshiidkuna wuxuu awoodaa in uu keeno qaadashada nasiinnadii loo baahnaa isagoo la qabsanaya helitaanka nadaafadda uu helay iyo bogsiinta.

Waxaa kobca wareega dhiigga cad iyo habka difaaca oo isaguna kordha, waxaa laga yaabaa in aad dareento xannuun xagga sambabadda ah, waxaana taasi u sabab ah nadiifinta xubnaha jirka oo ay ka mid yihiin sambabadda ay la qabsanayaan dib isu habayn.

Waxaa badiyaa dhacda in neeftu ay wali urto carabkuna ku dahaaran yihiin walax ka dhallanaysa haraadka, haddana waxaa caafimaad hela xiidmaha yar iyo kan wayn, maaddaama saxarada darbiyada xiidmaha yar ku sameysanta ay baaba’ayso.

 Heerka 3-aad: (Maalinta 8-aad ilaa 15-aad)

Qofku wuxuu helaa awood tamareed, maskax-furan nadiif ah, laakiin haddana waxaa dhici karta in dhaawacyadii hore ee is-hagaajintii jirka ay keeni karto waxoogaa xannuun ah, taasi waxaa ugu wacan awoodda korortey ee jirku uu ula qabsaday Soonka, tusaale ahaan haddii aad ka jabtey gacan 10 sano ka hor waxaa meeshii jabtey agagaaraheeda lagu arki karaa calaamado yar yar taasi oo keenta in qofku uu xoq-xoqo. Xanuunkaasi wuxuu u fiican yahay jirka maaddaama uu ku jiro xaalad uu dib isagu saxayo.

Murqaha ayaa noqda kuwa dhagan isla markaana xanuun dareemaan taasi oo ay ugu wacan tahay sun  cun-cunka, lugaha ayaa ah meelaha ugu daran.

Afka waxaa lagu arkaa nabaro yar yar oo koronkoro ah oo qaarkood cad cad yihiin waxaana ugu wacan jeermiga afka, waxaa u daawo ah nadiifin joogto ah oo loo adeegsado biyo cusbo leh oo lagu luq-luqdo laguna xoqo meelaha nabaradan ka soo baxaan.

Heerka 4-aad: (maalinta 16-aad ilaa 30-aad)

Jirku wuxuu si buuxda ula qabsadaa Soonka, wuxuu qofku helaa tabar iyo furfurnaan maskaxeed, maalmahaas waxaa caraf noqota neefta qofka iyadoo midabka carabkuna uu dib u soo laabto.

Waxaa kororta xusuusta qofka, iyadoo jirku uu helo is badal hagaagsan oo ku yimaada habka dheefshiidka, waxaa isu dheelitirma miisaanka iyo jirka, waxaa nadiif noqda dhamaan tuubooyinka dhiigga, wareegga dhiiga ayaa dib isu habeeya, waxaa qofka ka baxa wasaqdii jirka ku kaydsaneyd.

SUBXAANALLAHA bal eeg faa’idooyinkan jireed, caafimaad iyo maskax ee qofku ka helo Ramadaan oo haddana lagu daray abaalmarinta ALLE xagiisa u jirta qofka Sooman aduun iyo aakhiro, waxay intan oo dhan inoo muujinayaan muhiimada Ramadaanka.

Illaha xigashada mowduuca:

Hay’adda caafimaadka Britain ee NHS.

http://www.nhs.uk/Livewell/Healthyramadan/Pages/fastingandhealth.aspx

Buuga Ramadan & Diabetes Care ee ay qoreen Abdul Hamid Zargar & Sanjay Kalr.

Daraasada lagu magacaabo Caafimaadka & Soonka ee uu diyaariyey Fereidoun Azizi, MD oo ah agaasimaha qaybta cilmi barista Jaamacada Shahid, Beheshti University of Medical Sciences ee dalka Iiraan.

Daraasad kale oo uu diyaariyey Isbitaalka Boqor Faysal ee dalka Sacuudiga taasi oo lagu daabacay jariirada Annals of Saudi Medicine oo Isbitaalkaasi soo saaro.

http://www.annsaudimed.net/

Fadlan asxaabtaada la wadaag qormada.

Mahadsanidiin:

Qalinka qoraa sare: Mowliid Xaaji Cabdi

No comments:

Post a Comment

Travelling to Berdaale District, 22-November 2025

My journey to  Berdaale District  has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...