Monday, May 4, 2020
Lix qof oo ku dhintay diyaarad xamuul ah oo ku dhacday magaalada Bardaale
Isniin, May 4, 2020 -Diyaaradan oo ka kacday magaalada Muqdisho islamarkaana kusii hakatay Baydhabo ayaa maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Diyaarada ayaa lasheegay inaay waday daawooyin iyo agab kale oo caafimaad.
Diyaarada oo aay lahaayd shirkada African Express Airways ayaa waxaa saarnaa 6 qof oo dhamaantood ku dhintay, waxaa laba qof aay ahaayeen Soomaali halka aan wali lashaacin dhalashada dadka kale. Sidaas waxaa VOA u sheegay wasiirka gaadiidka Koofur-Galbeed Hasan Huseen Maxamed.
Masuuliyiinta shirkada African Express ayaa xaqiijiyay in diyaarada aay lahaayeen islamarkaana aay saarnaayeen daawooyin iyo agab caafimaad oo loo waday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.
Ilaa hada lama shaacin sababaha keenay dhicitaanka diyaarad, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, balse maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegay inaay wadaan baaritaano ku aadan sababaha keenay dhicitaanka diyaarada.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Travelling to Berdaale District, 22-November 2025
My journey to Berdaale District has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...
-
Xoogsi (gabay: Darwiish Ismaaciil Mire) Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye Xaluun baan xaddaas gabay la kacay, oo xafiiltamaye D...
-
After Years of struggle, sleepless nights and surviving on a diet of maggi and coffee, I can confidently say: the world will be a better p...

No comments:
Post a Comment