Thursday, April 30, 2020

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa



السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ

Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin.
Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah.

Muxuu Yahay Soon?

Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Islaamka uma aqoonsanayo in waxaa lala yimid ay yihiin soon sharci ah.
Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan niyo la imaan haddii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya oo dhan, sida cunidda, cabidda iwm, falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray ma noqonayo mid loogu dhowaado Alle Subxaanahu Watacaalaa (SW), ajarna kama helayo. Sida tusaale ahaan: dadka cunta joojinta sameeya marka ay rabaan inay ka ashtakoodaan dhib ay tabanayaan, ama dadka raba inay iscaateeyaan, amaba duruufo kale oo haysta awgood isaga joojiyey waxyaabaha soonka jabiya.

Bisha Ramadaan

Bisha Ramadaani waa bil khayr, waa bil barako, waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadiilooyin iyo wanaagyo badan, oo ay ugu horreeyaan kuwan soo socda:
1) Waa bishii Quraanka:
Waxaa la soo dejiyey kitaabkii qatimay oo ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo dejiyey Nabigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey (swt) uu soo diray waa Nabi Muhammad(ﷺ).
2) Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey:
Rasuulkuna ﷺ isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yiri:

Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii) Nebi Ibraahim.

Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan.

Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan.

Zabuurna waxaa la soo dejiyey 18kii Ramadaan.

Qur’aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan.

3) Waa bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu:
Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood), waana habeen barakaysan. Habeenkaasna wuxuu ku jiraa 10ka bari ee ramadaanka ugu danbeeya.
4) Waa bishii xoraynta:
Waa bil habeen kasta oo ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslim ahina uu maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).
4) Waa bisha shayaadiinta la xiro:
Waa bisha shayaadiinta oo dhan la xiro, albaabada Naarta oo dhanna la xiro, albaabada Jannada oo dhanna la furo. Arrimahaas oo dhani waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya bishaas. Rasuulkunaﷺ isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yiri:

“Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xiraa shayaadiinta”.

Xadiisku wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo galo shayaadiinta la xir-xirayo, marka la xirxirana way taag darraynayaan oo way daciifayaan, oo ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan bishaas lagu jirin.
Xadiisku ma dhihin shayaadiinta waa la dilayaa ama way dhimanayaan, laakiin waxaa kali ah oo uu yiri: waa la xir-xirayaa, shaydaanka xiranina waxaa dhici karta inuu wax dhibo oo haraati, iwm rido isagoo meeshiisa ku xiran, laakiin dhibkiisu wuu ka yaraanayaa midkii uu wadey bishaa ka hor. Maadaama uu xiran yahayna dhibkiisu wuxuu la ekaanayaa hadba qofka uu rabo inuu dhibo inta soonkiisu uu awood leeyahay, oo qofkii soonkiisu dhamaystiran yahay oo xoog leeyahay wuxuu isaga celinayaa si uusan iskaga celin karin qofka soonkiisu xosh-xoshka yahay.

Fadliga Bisha Shacbaan

In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN:

”Caa’isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka ﷺ ayey waxay tiri: “Ma aanan arkin Rasuulku ﷺ bil uu ka soon badnaa bisha Shacbaan.”

Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa’ideysano, oo aan soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa’ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-

Soonka Iyo Taariku Salaadka

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 2aad

Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay iswaydiiyaan sidee ayuu noqonayaa dadkaa soonkoodu, ma soon dhamaystiran oo Ilaaheey aqbalayaa mase…? Su’aashaa waxaaan leenahay: Islaamku waa mid is-haysta oo aan kala goo-go’i karin, sidaa awgeed waxaa ruuxa muslimka ah ku waajib ah inuu waajibaadka oo dhan ula yimaado sida ay yihiin, si uu u helo Ilaaheey raalli ahaanshihiisa, uguna guulaysto naxariistiisa.
Tiirarka Islaamka oo shanta ahina waxay la mid yihiin dhisme dhamaystiran, wuxuuna Rasuulka ﷺ ku tilmaamay salaadda in ay tahay dhismahaa tiir-dhexaadkiisa ama laf-dhabartiisa, waxayna cibaadooyinka kale dheertahay ahmiyad wayn oo dheeraad ah, qofkii iyada ka tagaana wuxuu noqonayaa qof dhismahaa dumiyey. [Akhri ahmiyadda Salaadda]
Qofkii salaadda ka tageyna haddii uu rumaysan yahay inaysan salaaddu waajib ku ahayn uusana ahayn qof Islaamka dhowaan soo galay oo ka jaahil ah iwm, wuxuu noqonayaa mid gaaloobay, oo xerada Islaamka ka baxay, laakiin haddii uu aaminsan yahay in salaaddu waajib ku tahay laakiin uusan xaqqeeda ka soo bixin wuxuu noqonayaa mid faasiq ah, oo iimaankiisu daciif yahay, Islaam-nimadiisuna kala dhiman tahay, haddii uu markaa la yimaado soonka waxaa ka dhacaya soonkii laga rabey, oo aakhiro loo ciqaabi mayo soon la’aan awgeed.
Laakiin wax ajar iyo fadli ah oo uu sugayaa ma jiraan, in Ilaaheey uu isaga naxariisto uun ma ahane. Ilaaheeyna ha ka cabsadeen dadka soomaya oo aan salaadda tukanaynin, hana xasuusteen ciqaabka wayn oo loo diyaariyey dadka salaadda ka taga, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado in qofku wax kasta oo wanaag ama xumaan ah oo uu la yimaado in mid walba buug gooni ah loogu qorayo, oo uu ajar ka helayo wixii uu sifiican u guto, wixii uu ku xad gudbaana dushiisa ay noqonayaan, sida uu Ilaaheeyba u yiri: “Qofkii camal fala oo sameeya wax la’eg Atamka (amaba ka sii yar) oo khayr ah wuu arkayaa (aakhiro oo waxba la duudsiin mayo), qofkii sameeya intaa wax la’eg oo xumaan ahna wuu arkayaa, oo waa la soo hor-dhigayaa”.

Fadliga Ramadaanka

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 3aad

Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo qormadeenan aan lagu soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaarkiis faah-faahinaysa axaadiistan soo socota:
1) Soonka Jannada ayaa lagu galaa: waxaa laga wariyey saxaabi la yiraahdo Abuu Umaama (a.k.n) in uu Rasuulka ﷺ ku yiri: “Waxaad itustaa camal aan Jannada ku galo? markaas ayuu Rasuulku ﷺ ku yiri: Soonka qabso, oo ka adkaaw, wax isaga la mid ahi ma jiraane”.
2) Soonku waa gaashaan Naarta la iska xijiyo: wuxuuna Rasuulka ﷺ yiri “Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xijiyo Naarta”. Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda ah. Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ayna u sahlan tahay inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska dabaasho, ooddaa Naartuna waa mid jilicsan oo ay sahlan tahay in inta laga tillaabsado loo gudbo Naarta. Jannada laftikeedu way u baahan tahay soonka, sababtoo ah Jannada waxaa lagu wareejiyey oo darbi iyo xayndaab looga dhigay waxyaabaha naftu dhibsato oo ku adag, soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha ay marka hore jeceshahay, oo loo yaqaan “Shahawaatka”, laakiin ay dib uga shallayso. Camalka Jannada lagu gaaraa wuxuu la mid yahay buur la fuulayo, midka Naarta lagu gaaraana wuxuu la mid yahay iyadoo buurta laga soo degayo oo kale.
3) Dadka soomani waxay leeyihiin albaab albaabada Jannada ka mid ah, oo layiraahdo “Ray-yaan”, albaabkaa iyaga oo kaliya ayaa loo sii qabtay (loo xajisay), cid kalena ka gali mayso, sida ku xusanba xadiis ay Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.
4) Soonka iyo Qur’aanku waxay u shafeeco qaadaan qofka sooman, oo Ilaaheey ayey kala hadlaan iyadoo soonku leeyahay: Ilaaheyoow waxaan anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u shafeeco qaadayo iga yeel. Qur’aankuna uu leeyahay: Ilaaheyoow waxaan u diiday hurdadiisii oo aniga aqrintayda ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Ilaaheey shafeecadooda aqbalayaa oo Jannadiisa galinayaa. Qofkii wanaag sameeyey oo Qur’aan ku soo jeeday xaaladdiisu waa middaa quruxda badan oo aan xusnay, laakiin qofkii ku soo jeeday turub, dubnad, filin iwm, waa inuu ogaado in waxyaabahaasi aysan Alle SW Janno uga codsan karin, waxay ay qaban karaanna waa lala wada socdaa.

Tiirarka Soonka
Uu Ku Dhisan Yahay

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 4aad

Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo, labadaa tiirna waxaa kala yihiin:
1) In laga reebtoomo oo aan loo dhowaan waxyaabaha soonka buriya, laga billaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaro qorrax dhaca.
2) In lala yimaado niyada soonka: sida aan horay u soo xusnayba niyaddu waxay kala saartaa waxyaabaha cibaadada ah iyo kuwa aan cibaadada ahayn, oo aan loogu talagalin in Ilaaheey loogu dhowaado, sida haddii ruux uu iska daayo maalin dhan waxyaabaha soonka jabiya, isagoo ulajeeda mudaharaadid iyo ashtakoosho, markaa wax ajar ah ka heli mayo soonkaa uu la yimid, cibaadana noqon mayo, laakiin haddii uu u niyaysto inuu Alle SW ugu dhowaado, dabadeedna uu iska daayo waxyaabahaa wuxuu u noqonayaa soonkaa uu la yimid cibaado laga abaal marinayo, Ilaaheey agtiisana giime ku leh.

Wax Yaabaha
Soonka Burriya

Waxaa jira waxyaabo la doonayo in soonka laga ilaaliyo oo laga dhawro, oo haddii ay soonka isku yimaadiin uu soonku burayo, waxyaabahaasina waa shan waxyaabood oo kaliya, wuxuuna soonku shantaa waxyaabood ku jabaa marka si ula kac ah loo sameeyo, laakiin haddii qofka la qasbo ama uu soonka hilmaamo, dabadeedna uu sameeyo oo uu la yimaado mid kuwaas ka mid ah isagoo hilmaansan, soonkiisu ka jabi mayo, isla marka uu ogaado oo uu soonka soo xasuusto ayuu joojinayaa wixii uu ku jiray, dabadeedna soonkiisa ayuu sii wadanayaa, lagamana rabo wax qallo ah, haddii laakiin qofku uu mid shantaas waxyaabood ka mid ah sameeyo, isagoo u bareeray, soonkiisu waa jabayaa, inta maalintaas ka dhimanna waxaa ku waajib ah inuusan waxyaabaha soonka jabiya u dhowaan, oo uu baaqi ku ahaado una dhaqmo sida dadka sooman oo kale, ilaa qorraxdu ka dhacdo.
Waxaa shantaas ahayn oo soonka jabin karaana kuma jiraan kitaabka iyo sunnada, wax daliil ahna looma hayo, waxaana sida badan muslimiinta diinta ku adkeeya waxyaabo daciif ah, amaba aan asal iyo raad toona diinta ku lahayn, oo mar dambe ku soo kordhay, sida cadhuufta tirada badan oo dhulkeenii lagu hallayn jiray, dadkana dhuunta ka qallajin jirtay, bal fiiri Allaha na hanuuniyee sida ay dadku ugu dhibtoodeen waxyaabaha aan diinta ka tirsanayn, dhulkiina uu ugu wasaqoobay, qofkuna haddii uu shantaas si-fiican u fahmo wuxuu aad iyo aad u kala garan karaa waxyaabaha soonka jabiya iyo kuwa aan jabin.
Waxayna shantaasi kala yihiin:

1) Galmada (raga iyo dumarka isu tagidooda):

Haddii arrintaasi dhacdo soonku waa jabayaa, waxaana waajib ah in maalintaas sida xaraanta ah loo afuray la soo qalleeyo, intaana waxaa sii dheer sidoo kalena waajib ah in ninka soonkiisa sidaa ku fasahaadiyey uu la yimaado, oo uu bixiyo kafaarogud, wuxuuna ula imaanayaa sidan soo socota:
(A) Wuxuu xoraynayaa qof addoon ah (sida qof dagaal diineed oo dhexmaray muslimiinta iyo gaalada lugu soo qabsaday), haddii uu awoodi waayo xorayntaas xag dhaqaale awgiis ama wayn iyo jirid la’aan uusan addoonkiiba jirin, waba sida hadda taagan oo kalee, wuxuu u gudbayaa darajada labaad, oo ah:
(B) Inuu laba bilood oo isku xigta, kala go’na aan lahayn uu soomo, haddii uusan awoodi Karin inuu labadaas bilood soomo wuxuu haddana u gudbayaa darajada saddexaad, oo ah:
(C) Inuu quudiyo oo raashin sooyo lixdan miskiin.  Haddii uu saddexdaa qaybood uu midna awoodi waayo kafaaradii way ka dhacaysaa, sababtoo ah Rasuulka ﷺ ayaa waxaa u yimid nin falkaa ku kacay maalin Ramadaan, tabar iyo awoodna u waayey inuu kafaarogud sameeyo, wuxuuna markaa ka riday kafaaaro gudkii, isagoona siiyey timir uu reerkiisa siisto, maadaama uu ka cabtay faqri fara-goys ah, Ilaaheeyna dadka kuma uu waajibiyo wax aysan awoodin.
Laakiin haweentii soonkeedu sidaas ku fasahaaday iyada lagama rabo kafaarogudka ninka laga rabo, ee waxaa laga rabaa wixii ka soo hara.

2) Is-matajinta:

Haddii qofku si ula kac ah isku matajiyo, soonkiisu wuxuu noqonayaa mid buray, laakiin haddii mataggu ka awood bato oo isagu uusan iska raad-raadin, dabadeedna uu matago soonku ka jabi mayo, waxaa sidaas la mid ah haddii qofku uu rabey inuu cadaysado, dabadeedna uu sidaas ku matago isagoon isagu rabin inuu matago, markaas oo kale soonku ka jabi mayo, waxaa Abuu Hurayra (a.k.n) laga soo wariyey inuu Rasuulka ﷺ yiri “Qofkii mataggu ka awood bato oo sidaa uu uga yimaado wax qalle ah lagama rabo, qofkiise isagu is-matajiya isagoo ula kacaya ha soo qalleeyo soonka”.

3-4) Cunitaan iyo Cabitaan:

Haddii qofku isagoo soonka og uu wax cuno ama cabo soonkiisu waa jabayaa, laakiin haddii uu wax cuno ama cabo isagoo la qasbay ama hilmaansan inuu sooman yahay, soonkiisu jabi mayo, sida Rasuulka ﷺ u yiri “Qofkii sooman oo wax cuna ama caba isagoo hilmaansan soonkiisa ha dhamaysto oo ha sii wato, Ilaaheey ayaana wax uu cuno iyo wax uu cabo siiyey”, marka uu soo xasuusto oo ay ku soo dhacdo inuu sooman yahay waxaa laga rabaa inuu raashinka iska joojiyo, dabadeedna soonkiisa sii wato.

5) Imaashaha dhiigga caadada (xaylka) ama dhiigga nifaaska oo yimaada ka dib marka haweenku dhalaan:

Marka dhiiggaasi yimaado soonku waa jabayaa, waxaana kaliya oo laga doonayaa haweentaa muslimadda ah oo dhiiggaasi ka yimid in marka soonku dhamaado ay soo qallayso intii maalmood ee dhaaftay, iyadoo wax dambi iyo daalac ah aan loo raacanayn, sababtoo ah kuma aysan kicin wax dambi ah, ee sidii la faray ayey samaysay.

Goorma Ayaa Lala Imaanayaa
Soonka Niyaysashadiisa?

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 5aad

Soonka waajibka ah sida Ramadaanka, soonka kafaara gudka iyo midka la nadray (la sharday, sida iyadoo la yiraahdo Ilaaheeyoow haddiii aad I caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Soonku waajibka yahay waxaa ku wajib ah qofka soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa marka qorraxdu dhacdo iyo marka waagu baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti haddii uu soonka niyaysto soonkiisu wuxuu noqonayaa mid sax ah, haddii uu si ula kac ah uga tagana soonkiisu ansixi mayo, sida uu Rasuulkubaﷺ u yiri:

“Qofkii niyada soonka aan soo go’aansan, oo aan soo sugin waa bariga ka hor, soon uma jiro.”

[Waxaa wariyey Tarmiidi, Abu Da’ud, Wanisaa’I, iyo Daaramiye oo uu ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix].
Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee subaxdii xasuusta, amaba aan ogayn in bishii soonku dhalatay, ee ka dib markuu wax cunay ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa laga rabaa in isla marka uu xasuusto ama ogaado uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax qallo ahna lagama rabo, dhibna ka soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan la’aantaa, sababtoo ah Rasuulkaﷺ ayaa wuxuu yiri:

“Ilaaheey wuxuu ummaddayda ka daayey oo ka dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan, iyo wixii lagu qasbaba.”

[Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku wariyey kitaabkiisa Irwaa].
Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay qof niyadii la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u suxuurtay inuu Alle ugu dhowaado iyo inuu awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa awgeed u suxuurtayna waxaa laga helay ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola jeedo, uuna ka soocmo cunta iska joojinta, iwm.
Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku daalacan karin, sidaa awgeedna marka lala imaanayo afka looga dhawaaqi mayo, korna loo qaadi mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay sameeyaan, oo marka salaadda Maqrib la tukado ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirtay ogaanteey in imaamka lagu yiraahdo noo xir soonka, dabadeedna markaa ayuu u meerin jiray, iyadoo iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka iyo cibaadooyinka kalena wasy ka siman yihiin in aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn, sidan horay u soo xusnayba.

Musaafirka Soonkiisa

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 6aad

Waxaa u bannaan oo loo rukhseeyey qofka musaafirka ah inuu iska afuro haddii bil Ramadaan lagu jiro, waxaana rukhsaddaas la siiyey qof kasta oo musaafir ah, waxaana aan kala duwanayn qofka soonka ku rafaadaya oo aad ugu dhibtoonaya, sida dadka lugta ku safraya, gaar ahaan dhulka kulaylaha ah, iyo qofka aan rafaadkaas marayn, sida dadka diyaaradaha, maraakiibta, baabuurta, tareennada ku safraya qaarkood.
Xigmad wayn ayaana ku jirta rukhsaddaa iyaga oo dhan la wada siiyey, sababtoo ah safarku sidiisaba waa mid rafaad iyo dhib aan ka marnayn, haba lagu kala badnaadee, oo waxaa laga yaabaa in qofku meel uusan aqoon u safro, dabadeedna uu lumo, ama meel uu wax ka gato uu waayo, amaba inuusan af-garanayn dadka ku nool meesha uu u safray, wuxuuna Rasuulkuﷺ ku tilmaamay safarka inuu yahay qayb ama jab cadaabta ka mid ah, wuxuuna Abuu Hurayra (a.k.n) ka soo wariyey Rasuulkaﷺ inuu yiri:

“Safarku waa cad ama qayb cadaabta ka mid ah, wuxuuna qofka u diidaa hurdadiisa, cuntadiisa iyo cabitaankiisa, ee qofku marka uu dantiisa dhamaysto ha u deg-dego reerkiisii iyo ciddiisii.” [Waxaa wariyey al-Bukhaari]

Qofka Mar Walba Ama Badanaaba Safar Ku Jiraa Ma Afuri Karaa?
Haa, waa afuri karaa, sababtoo ah afuridda looma bannayn qofkii mar kaliya safraya oo kaliya, ee waxaa loo banneeyey qof kasta oo safar ku jira, haba noqdo mid badanaaba safar ku jira, sida dadka diyaaradaha, tareennada, tareellada iwm wada, oo marna waddada ku sii jira, marna ku soo jira.

Habeenka Leylatul Qadriga

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 7aad

Marka hore Ramadan Wacan. Wabacdi, sidaa la wada soconaba waxaaa ku dhex jirnaa tobankii habeen ee bisha Ramadan ugu danbeysay, tobankaas habeen oo ay ku jirto habeen la yiraahdo “Habeenkii Leylatul-Qadri”.
Marka waxaa su’aal u baahan inaa is weydiino maxay habeen kaasi habeenada kale uga duwan tahay ama uga fadli badan tahay?
Jawaabtu waa sida soo socota.
Laylatul-Qadriga waa habeen fadligiisu aad iyo aad u wayn yahay, waxaa ka mid ah:
(1) waa habeen camalka la qabtaa uu ka khayr badan yahay midka la qabto kun bilood (yacni 83 sanno iyo 4 bilood) oo habeenkaas uusan ku jirin.
(2) waa habeenkii Quraanka Lawxul-Maxfuudka laga soo dejiyey, iyadoo la keenay meel la yiraahdogurigii Cizziga iyo Sharafta, dabadeedna qayb-qayb Nabiga ﷺ loogu soo dejiyey, muddo saddex iyo labaatan sano gudohood ah.
(3) waa habeenka Lawxul-maxfuudka laga soo dejiyo oo laga soo qaado sannadka waxyaabaha dhacaya, sida wixii dhimanaya, wixii dhalanaya, risiqa iwm, iyadoo loo keenayo oo loo dhiibayo malaa’igta u xilsaaran arintaas.
(4) Waa habeen malaa’igta la soo dejiyo, iyadoo uu ka mid yahay Malaku Jibriil, habeenkaa Allaah (swt) ayaa karaameeyey, kitaabkiisa ku xusay. Waxaana qof kasta oo muslim ah u haboon ah inuu ku dadaalo sidii uu u haleeli lahaa habeenkaas qaaliga ah, oo uusan u seegi lahayn, habeenkaasi waa habeen Ilaaheey uu ummaddaan u gaar yeelay, qofkii haleelana khayr dhamaantiis ayuu haleelay.
Rasuulkuna ﷺ isagoo fadliga habeenkaas ka hadlaya ayuu wuxuu yiri:

“Qofkii Laylatul-Qadriga kaca (yacni habeenkaa cibaado sameeya) isagoo aaminsan, ajar iyo xasanaadna Ilaahey ka dalbanaya waxaa loo dhaafayaa dambigiisii hore”. [Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim]

Habeenkaas maadaama uu yahay mid fadli wayn leh, ahna mid aad iyo aad qofka muslimka ah ugu muhiim ah, ayaa asaxaabtu waxay jeclaysteen inay ogaadaan habeenka uu yahay, qaar iyaga ka mid ahi waxayba ku riyoodeen inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, markaa ayaa Nabiga ﷺ wuxuu yiri:

“Ku dadaala Laylatul-Qadriga habeennada tirada is-dheer (kisiga) ah, sida 21, 23, 25, 27, iyo 29, oo ku jiraan tobanka ugu dambeeya Ramadaanka.” [Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim]

Markii uu Rasuulku ﷺ sidaas yiri ayaa waxaa la ogaaday inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, gaar ahaan habeennada kisiga ah, laakiin axaadiista badankood waxayba sii cayimeen oo ay sheegeen inay tahay habeenka 27-aad, iyo kuwa kaleba waxaa haboon in dadaal dheeraad ah la sii-siiyo, oo si fiican loogu dadaalo, iyadoo cibaado lagu soo jeedayo.

Hadaan Ogaado Habeenka
Leylatul Qadriga Maxaa Leeyahay?

Maadaama asaxaabtu aysan ogolayn in waqti muhiimaddaas lehi uu dhaafo, ayaa Caa’isha oo ahayd xaaskii (sowjadii) Nabiga ﷺ waxay Rasuulka ﷺ ku tiri: Haddii aan ogaado habeenka uu yahay Laylatul-Qadrigu maxaan leeyahay? Markaas ayuu ku yiri:
Waxaa aqrisaa ducadatan:

” اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي “

“ALLAAHUMMA INNAKA CAFUWWUN, TUXIBBUL CAFWA, FACFU CANNII”
….oo ay macnaheedu tahay
“Ilaaheeyoow waxaad tahay Ilaah cafin badan, jecelna cafinta, ee i cafi.”
[Waxaa xaddiiska wariyey Axmed Ibnu Maajah iyo Tarmidi]

Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 8aad

”Fidrada macnaheeda:
Waa sadaqo labixiyo soonka markii la furo.”

Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah:
Cabdullaahi Ibnu cabaas wuxuu yiri (Allah haka raali noqdo) Nabigaﷺ wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1)
Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto
Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka ﷺ waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.(4)

Cabirka La Bixinaayo Iyo
Noocyada Lagu Bixinaayo

Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga ﷺ (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada, burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga ﷺ iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.

Yaa la siinayaa

Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.

See loo bixinayaa

Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9)

1 ehelkiisa.

2 dariskiisa.

3 qofkasta oo muslima ah.

Fure:

Abuu Daawuud 1371. Can Ibnu Cabaas.

Ibnu Qudaama fii Almuqnii Kitaabka 2 fasal waqtu wujuub zakaat alfitir.

Albukhaari Can Naafic Can Ibnu Cumer.

Almajmuuc LiANnawawii Kitaabka 6.

Bukhaari 1414.

Iclaam Almuwaqiciin Li Ibnu Qayim Kitaabka 2.

Alum li Alshaaficii baab daycatu Zakaatu Alfitir qabla qasmihaa.

Muwata’a Maalik Kitaabka 1 Baab fii ikhraaj almusaafir zakaat alfitir.

Almukhtasar Li Alshaaficii walmajmuuc Li ANnawawii Kitaabka 6.

Iidaha Iiyo Salaadahooda

Soonka Iyo Ramadaanka Fadligiisa

Qaybta | 9aad

Walaalayaal maadaama aan la wada socono in ay fooda nagu soo heyso maalintii faraxa badney, ee aheyd “Ciidul Fitriga” ayaa waxaa jeclaadey inaan wax ka ogaano maalintaa iida ah iyo waxa qofka muslimkaa looga baahan yahey. Sidaa awgeed waxaa idiin soo gudbinaayaa macluumaad ku saabsan iidaha iyo salaadahooda, ee fadlan markaa aqirsatid ku camal fal una sii gudbi dadka aad taqaanin.
Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa ummad kastaa lahaan jirtay ciido ay iidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxooddana ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulkaﷺ uu magaalada Madiino yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka ﷺ waydiiyey iyaga waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasayna ku yiraahdeen:
Waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay,
Markaas ayuu ku yiri:

“Ilaaheey wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaaheey ayaa ummadda Nabi Muxammed ﷺ siiyey.”

Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaaheey uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu aysan ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caynayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida qamro iwm, muustikana aan la raacsiinayn.
Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: “Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka ﷺ niman Xabashi ahi uu Rasuulku ﷺ Caa’isha (a.k.n) u yeeray, dabadeedna ay fiirsatay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd Rasuulka ﷺ gadaashiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku ﷺ maalintaa yiri: “Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn.”
Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: “Caa’isho ay tiri: maalin iid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka ﷺ, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka ﷺ ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku ﷺ maradii iska fayday, kuna yiri Abuu Bakar: “iska daay, qolo waliba waxay leedahay iid, middaanina waa iiddeeniiye”, laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba aysan xadkooda dhaafin, Ilaaheey ka cabsashaddiisana aan la hilmaamin.
Islaamka ma lahan iido aan ahayn kuwaa aan soo xusnay, laakiin dadka badan oo muslimiinta ka mid ah ayaa waxaa lagu emteleeyey inay samaystaan iido kuwaa Islaamka aan ahayn, sida iidda maalinkii dhalashada Rasuulka ﷺ, habeenka la yiraahdo “Laylatut-Micraaj”, iidda dhalashada qofka, iyo iido loo sameeyo boqorrada iyo madaxwayneyaasha, sida maalinta ay kursiga xukunka ku fariisteen, maalinta dalku xornimada qaatay iwm, oo ka mid ah iidaha bidcada ah oo shareecada wax idan ah aan ka haysan, waxaana aan bannaanayn in iidahaas la jideeyo ama la sameeyo, waxaa sida Kirismiska iyo sannadka cusub oo loo yaqaanno “Habbi niyuu yeer/Happy new year” iwm.

“IIDA” Xukunkeeda Iyo
Meesha Lagu Tukanaayo

Waxay culummada Islaamka isku qilaafeen xugunka ay iidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yiraahdeen waa sunno, qaar kalena waxay yiraahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka ﷺ uu amar ku bixiyey inay iidda yimaadiin rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin (maqbiyooyinka), iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeneey asaxaabta ka mid ahi Rasuulka ﷺ waydiisay sida ay samaynayso haweentii aan haysan jilbaab ay ku timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku ﷺ ku yiri: “walaasheeda muslimada ahi ha soo siiso jilbaab.
Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasuulkuna ﷺ weligiis kama uusan tagin salaaddan.
Iidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulkaﷺ meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay iidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda lagu tukado masjidka Rasuulkaﷺ ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uusan Rasuulkuﷺ ku tukan masjidkiisa salaad iid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa waxaa sunno ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa aysan jirin, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xigmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya, iskaalmaynaya, isla markaana kalimada (diinta) Alle sare u qaadaya.

Waxyaabaha Sunnada
Ah Maalinta “IIDA”

Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:
1) In dhar wanaagsan la soo xirto marka salaadda iidda laga soo qayb galayo, Rasuulkunaﷺ maalmaha iidaha wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkanaﷺ ka sugnaatay, sidan soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isi soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.
2) In iidda loo soo qubaysto, arrintaani Rasuulkaﷺ kama aysan sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.
3) In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkubaﷺ samayn jiray maalmaha iidaha.
Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado iyadoo aan waxba la soo cunin.
4) In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahinyadeeyo, iyadoo la leeyahay: “Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo”, sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulkuﷺ ay isugu tahniyadayn jireen markii ay kulmaan maalin iid ah. Laakiin waayahaan dambe waxaa lagu bedeshay wixii sugnaaday oo la soo wariyey arrimo aan kuwaa xiriir la lahayn, sida iyadoo dadku isku yiraahdiin: “Kullu caam, wa antum bikhayr”, sidaasi iwm, waa ku bedelasho wixii wanaagsanaa lagu bedeshay wax liita oo aan qiimo lahayn.
5) In la takbiirsado (Allaahu akbar la yiraaho) marka guriga laga baxo ilaa salaadda laga tukado, iyadoo dadku aysan isla qaadayn, ee qof waliba goonidiisa u takbiirsanayo, laakiin in la isla takbiirsado oo la isla qaado sida dadkuba sameeyaan sunnada kuma sugna, ee sidaas ha loo ogaado. Haddii Iidul-adxaa ay tahay iiddaasi intaa waxaa u dheer in saddexda maalmood oo iidda ka dambaysa ay sunno tahay in la takbiirsado, waxaana takbiirta la joojinayaa saddexdaa maalinta ugu dambaysa Casarkeeda, waxaana la takbiirsanayaa iyadoo takbiirtu aysan ku xirnayn waqti gooni ah.
6) Kutubta

Axkaanta Soomidda Bisha Ramadaanka


TACRIIF
Waa maxay soon?

Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka ah.
Soonka Islaamiga ah waa nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lagu janno tago.
Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah. Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay [eeg Tiirarka Islaamka lifaaq # 1], qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.

Waajibnimada Soonka

Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: “Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha).” Al Baqarah, aayadda 183d
Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.

Tiirarka Soonka

Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka.
Waxayna kala yihiin:
1.| NIYADDA: Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah: Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon”. W.W. Alkhamsa ~ Shantii.
Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: “Wax ma haysaa (la cuno)?
Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, “Dabeeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan.” markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.
2.| In laga afhaysto oo laga joogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)” W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.

Yaa Lagu Leeyahay
Soomidda Bisha Ramadaan

Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:

1 – QOF MUSLIM AH:
Qofka soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.

2 –  QOF QAANGAAR AH:
Qofka soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa aan soon laga rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.

3 – IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY
Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo. Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.

Dadka Loo Ruqseesay
in ay Affuraan Bisha Ramadaan

Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay fasax u haystaan in ay afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka loo ruqseeyay in ay afuraan waxay kala yihiin:

4 – QOFKA SAFAR KU JIRA

Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90 km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, maxaa yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u dheereeya sida diyaaradaha, tareennada, iwm.
Haddaba su’aashu waa sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo?
Habka ugu wanaagsan waxaa weeye:
Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka haddii aysan wax dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.) siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsaddiisa la qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa waa mamnuuc in uu soomo.

5 – QOFKA XANUUNSAN

Qofka xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.

6 – QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA:

kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.
Allaah (S.W.) wuxuu yir:

“Haddii uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla tiradii uu afuray waa in uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan.” {Surat: Al Baqarah,184}

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “saddex qalinka waa laga qaaday (oo dembi looma qorayo)

Qofka waalan inta uu ka miyirsado,

Qofka hurda jeer uu hurdada kasoo koco, iyo

cunuga jeer uu baaluqo”.

Kuwaani mukalafiin maaha, dembina looma qorayo.

Fadliga Soonka

Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaanka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka & fadliga uu helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada Nabiga (S.C.W.), sidii uu Nabiguba (S.C.W.) ku tilmaamay asagoo yiri:
“Badanaa qof sooma oo aan soonkiisa ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon”. Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku nuuriya. Soomiddu waa sifayn iyo hagaajin nafta looga dan leeyahay in la dareensiiyo daciifnimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada iyo daba-galka ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta, cayda, beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran iyo qaylo, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu daahiriyaa oo ka dhigaa naf Alle (S.W.) ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna nuuriyaa iimaanka qofka.
Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah:

7 – SOONKU WAA GAASHAAN

Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta). Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa jirkaba) in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa yeelay soonku wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay shahwadu ka mid tahay.
Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu yiri: “Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo (guurku) wuxuu xakameeyaa indhataagga, sinadana gaashaan buu uga yahay, kii aan guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay rabintaanka galmada).” Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay”. Bukhaari iyo Muslim.

8 – QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY LABA FARXADOOD

Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood sida ku cad xadiiska Nabiga (S.C.W.).
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:

“Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afurayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa (Allaah).” Bukhaari iyo Muslim.

9 – NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA KA UDGOON

Qofka sooman neefta afkiisa ka soo baxaysa waxay ka udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “…….Neefta afkiisana (qofka sooman) ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga” Muslim.

10 – IRIDKA (ALBAABKA) AR-RRAYAAN OO JANNADA KU YAALLA:

Waxaa jira Jannada gudaheeda irid ama albaab magaciisa la yiraahdo Ar-Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay geli doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki uu galo waala xirayaa iridka Ar-Rayaan. Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu cabbayaa sharaab. Sharaabkaas qofkii cabbana weligiis ma oomayo.
Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nabigu S.C.W. wuxuu yiri:

“Waxaa jira Jannada dhexdeeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo keliya dadkii soomi jiray ay geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan, iridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.” [Waxaa weriyay Bukhaari]iyo Muslim.

11 – SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA WAY SHAFEECAYAAN:

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Soonka iyo Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo waxyaalihii ay naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Qur’aankiina wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Wuxuu yiri: Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa.” W.W. Axmed.

12 – SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY DEMBIYADA QAAR

Soonka waxaa lagu dhaafaa dembiyada yar yar sida ku cad xadiiskan: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarrada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa laba Jimco iyo laba Ramadaan.” W.W. Muslim.

13 – SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA DHACAY AYAA LAGU DHAAFAA

Fadliga soonka waxaa kale oo kamid ah in dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horay uga dhacay qofka muslimka ah loogu dhaafayo soonka dartiis: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga dhacay (aan kabaa’irta ahayn)”. Bukhaari iyo Muslim.

14 – IRDAHA JANNADA OO LA FURO – IRDAHA NAARTA OO LA XIRO – SHAYDAAMMADA OO LA KATIINADEEYO:

Fadliga weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda dhibi jirtay la xir-xirayo.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Markii ay bisha Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa, Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)”. [Bukhaari iyo Muslim]
F.G. Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkaysaa dad badan oo towbad keenaya oo diyaar u ah in ay Rabbigood u noqdaan; dad badanna waxaa yaraanaya macaasidii iyo xummaantii ay sameyn jireen. Haddana, waxaa laga yaabaa in la arko dad kale oo wali macaasi iyo xummaan samaynaya, haddaba sidee baa taas lagu fasirayaa?
Dadku waa laba nooc: dad sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bay u fasahaadsan yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban (fasahaadsan) xataa haddii sheydaanku uusan raad weyn ku yeelan waxaad arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex dabaalanaya.

Fadliga Bisha Ramadaan

Fadliga bisha ramadaan maaha wax qormo keliya lagu soo koobi karo: Ilaahay (S.W.) ayaa u gartay bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo dejiyay dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad darajada iyo qiimaha ay dheer tahay bilaha kale.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri:

“Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka, isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo baadilka).” {Surat: al-Baqarah, 185}

Allaah (S.W.) wuxuu yiri:

“Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka Qadarka.“. {Surat: Al-Qadri, 1}

Allaah (S.W.) wuxuu yiri:

“Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen barakaysan (Habeenka Qadarka).“ {Surat: Ad-Dukhaan, aayadda 3}

Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid tahay habeen la yiraahdo LAYLATUL QADRI oo ka kheyr badan kun (1000) bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay habeennada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in habeenkaas uu ku jiro tobanka ugu dambeeya bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu sii reja weyn yahay habeennada kinsiga ah (21, 23, 25, 27, 29), waxaa suura gal ah in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku dadaala cibaadada, baryada Ilaahey, salaadda, dambi dhaaf dalabka, taraawiixda iyo tahajudka.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u kaca in uu tukado salaad taraawiix bisha Ramadaan, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horay uga dhacay”. Bukhaari iyo Muslim.

Waxyaabaha Soonka Buriya ama
(Jebiya) inta Sugan oo Laysku Raacsan yahay

Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo. Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:

1 – IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL GAALNIMO AH

Falka gaalnimo (murtadnimo) Alle (S.W.) baynu ka magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhammaan camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiro, waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.)

“Oo dhabtii waxaa laguu waxyooday adiga (Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (S.W.) (markaa) hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan wax aan waxba ku ool, oo waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha.” {Surat: Az-Zumar, 65}

2 – JIMAAC (GALMADA)

Ninka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si bareer ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan hilmaansanayn, ama si kama’ ah aan u sameyn, ama aan lagu qasbin) soonkiisu waa burayaa. Qofkii soonkiisu ku buro galmo waxaa korkiisa ah qalayn (gudid) iyo kafaaro wada jira, waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa u yimid Nebiga (S.C.W.) (Ninkaas waa Salma bin Sakhar Al-Bayaadi) oo yiri: Waan hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku hoojiyey? Wuxuu yiri: Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin Ramadaan ah. Wuxuu markaas weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu yiri: Maya; wuxuu yiri: Haddaba ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir ah?
Wuxuu yiri: Maya; Wuxuu yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60) miskiin? Wuxuu yiri: Maya; markaasuu fariistay! Markaasaa Nabiga (S.C.W.) waxaa loo keenay dambiil (ay ku jirto soddon madaal oo) timir ah, oo yiri: Sadaqeyso, ninkii wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye inaan siiyo cid naga saboolsan? (Madiina) labadeeda shiil madow dhexdooda qoys iga baahi badani ma deggana, markaasuu Nabigu (S.C.W.) muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen. Dabadeedna yiri: “Orod oo reerkaaga u gee”. W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana waa tii Muslim.
Qofka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:

In uu san waxba cunin ama cabbin maalinta inta ka harsan (af-haysasho).

In uu Ilaahay (S.W.) uu u towbad keeno, maxaa yeelay wuxuu galay dembi aad u weyn.

In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.

In uu kafaaro bixiyo: KAFAARADUNA waa in uu addoon xoreeyo, haddii uusan heleyn, in uu 2 bilood oo isku xigta soomo, haddii uu awoodi waayana, in uu lixdan (60) miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu awoodi waayo oo uu sidaas ku dhinto kafaaradii waa ka dheceysaa).

3 – CUNID ama CABBID BAREER AH

(oo si u kas ah loo sameeyay): Waxaa u daliil ah Qowlkii Ilaahey (S.W.)

“.…Cuna oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka fajarka salaadda subax) idinkaga caddaado liilanka madow (mugdiga habeenka), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca…” {Surat: Al-Baqarah, aayadd 187}

Aayaddaan waxay caddeyneysaa in cunnidda iyo cabbidda ay soonka jebiyaan, waxaana arrintaan lagu gaar yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac). Qofku haddii uu wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lagu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u daliil ah Xadiiska soo socda: Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: “Qofkii is illaawa isaga oo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay”.
Macnaha risiq Ilaahey (S.W.) siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac). Sidoo kale Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: “Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay”.
F.G. Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay “wanaaga (macruuf), samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo Munkarka oo layska reebo.
Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:

In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).

In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay.

In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.

4 – IS-MATAJINTA

Qofka sooman haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama wax kale afka iska geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa burayaa. Waxaana u daliil ah: Abuu Hureyra (A.K.R) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii uu soo dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase qalle baa korkiisa ah” W.W. Al-Khamsa.
Qofka haddii uu si kas ah isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:

In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).

In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay.

In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.

5 – DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA (DHALMADA):

Haweeneyda sooman haddii ay caadadii hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado yar, waa in ay afurtaa oo dib kasoo qalaysaa maalintii (ama maalmihii) ka tegay. Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan; haddii haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma ansaxayo, dhiigga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii uusan farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay isku aragto ayaa la xukumayaa.

6 – NIYADDA OO LAGU BURRIYO:

Qofka sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka furro, soonkiisu waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso.
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) in uu yiri waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa…….”.

7- CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH (Faleebo, iwm.)

Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara kaalintii cunnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka, soonkiisu waa burayaa. Qaybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.

8- IN AY IBTA FARJIGA BIYO KAAGA YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH

Soonku waa ku buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u ahayn soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix.
Caa’sha (A.K.R.) waxay tiri: Rauulkii Alle (S.C.W.) wuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna laabta i saari jiray isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya ee idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu u hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.
F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa in uusan ku xeel-dheeraan luqluqashada ama sandaarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in ay biyo ku cararaan.
Laqiid bin Sabira (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “U weeseyso si dhan oo waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin), aadna u sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin calooshaada xagga sanka)”. W.W. Abuu Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa xasan ah oo saxiix ah.
Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Culimada qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay soonka jebiyaan. Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay ajarka soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u noqdo mid miro dhal ah.

Waxyaabaha Aan Soonka Burin

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay rumeysan yihiin in ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:
(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasbay (IKRAAH) soonka waxba uma dhimayaan.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: “Qofkii is illaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay”. (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: “Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay”
(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa (yacni maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib markuu waagu baryo.
Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim
SIDOO KALE Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: “haddii Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah”. Bukhaari iyo Muslim
(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.
(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.
(5) Toobinka – Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo miikariskoobka lagu eego oo sheybaarradu ka qaadaan dadka.
Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: “Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii.” Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. [Xadiiskuna waa saxiix.]
6. Xuqna : suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.
7. Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.
8. Indha kuusha indhaha la marsado.
9. Tisxi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).
10. Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin “xarafka X meesha uu kasoo boxo”.
11. Cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada.
12. Biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.
13. In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.
Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u gudbinayo dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka faa’iideysanno fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan; haddaba, yaan laga dhoohnaan fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii aan si dhab ah oo iimaan leh ugu soo jeesanno bishan barakaysan ee Ramadaan.
LIFAAQ # 1
TIIRARKA ISLAAMKA uu ku dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid kamid ah haddii uu qofku ka tago aysan muslinnimadiisu sax ahayn. Xadiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R. Wuxuu yiri: “Islaamka waxa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in la qiro in uu Ilaahay mooyee ilaah kale uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.) uu yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la bixiyo, in la soomo, iyo in Xajka la tago”.

Shahaadadu waa

In la ictiqaadiyaa carrabkana laga sheegaa. Shahaadadu waa aasaaska ansixitaanka acmaasha oo dhan, taasoo ah in lagu socdo jidkii uu Ilaahey na faray, innagoo ay naga tahay ikhlaas (run), lana raaco sunnadii Nabiga (s.c.w.) MIRAHA SHAHAADAD: Qalbiga oo nadiif noqda, nafta oo ka xurowda addoonsiga aadamiga iyo raacidda qof aan rasuul Ilaahay ahayn. Marka diinta Islaamka la gelayo waa in si ikhtiyaari ah loo qiro ASHAHAADADA – “inaan ilaah jirin xaq lugu caabudo Allaha awooda sare leh ma ahee, iyo in Nebi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay”.
SALAADDA OO LA OOGO WAA:
Ilaahey oo lagu caabudayo ficilka salaadda, iyadoo si toos ah Rabbi loogu tukanayo iyo iyadoo la ilaalinayo waqtiga salaadda. Salaadu waa tiirka 2-aad ee Islaamku ku taagan yahay, qofkii ka tagaana waa qof Alle ku kufriyey. MIRAHA SALAADDA: Xabadka oo furma iyo ka dheeraashada dambiyada waaweyn iyo kuwa yar yarba.
SAKADU WAA:
Ilaahay oo lugu caabudo bixinta maalka ku waajibay qofka. Sakada waxaa laga rabaa in uu bixiyo qofka leh xoolo ay ka waajibtay. MIRAHA SAKADA waa oo daahir ka noqota akhlaaqda xun oo ay ka mid tahay bakhiilnimada iyo iyadoo la daboolay baahida Muslimiin baahan.
SOONKA BISHA RAMADAAN WAA:
Ilaahay oo lugu caabudo ayadoo laga af-qabsado wixii soonka jebinaya oo laga reebtoomo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. MIRAHA SOONKA: Nafta oo la baro in laga reebo waxa ay u baahan tahay, iyadoo Ilaahay dartiis loo sameynayo. Inaad soontid bisha Ramadaan, oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.
XAJKU WAA:
Ilaahay oo lagu caabudo aadidda xajka, iyadoo la nooleynayo calaamadaha Islaamka. MIRAHA XAJKA: Nafta oo lagu tarbiyeeyo in la bixiyo maal iyo iyadoo qofkii guriga Ilaahay uu u qasdo in uu soo siyaarto, sidaas darteed ayuu xajku u noqday nooc ka mid ah jihaadka. Inaad u xajidid Baydka Alle (S.W.) ee Makka ku yaalla waxaana laga rabaa tiirkaan qofka awoodda u leh. Tiir kasta oo ka mid ah shanta tiir ee kor ku xusan, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabto waxaad ka heli kartaa kutubta fiqiga.

Qofka soonka badan Maalinta Qiyaamaha Jannada Wuxuu Ka Galayaa Albaab la Yiraahdo (Baabu Rayyaan)








سيدنا محمد الصادق الوعد الأمين، اللهم لا علم لنا إلا ما علمتنا، إنك أنت العليم الحكيم، اللهم علمنا ما ينفعنا، وانفعنا بما علمتنا وزدنا علماً، وأرنا الحق حقاً وارزقنا اتباعه، وأرنا الباطل باطلاً وارزقنا اجتنابه، واجعلنا ممن يستمعون .القول فيتبعون أحسنه، وأدخلنا برحمتك في عبادك الصالحين

.أما بعـد
Mahad Allaah (swt) bey u sugnaatay, asaga ayaanu ku mahadineynaa, asaga ayaanu kaalmo weydiisaneynaa, Ilaahay (swt) ayaan ka magan galeynaa nafteenii shararkeeda iyo camalkeenii xumaantiisii. Alle kor ahaayee, qofkuu hanuuniya wax lumin karaa ma jiro, qofkuu lumiyana wax hanuuni karaa ma jiro. Waxaan markhaati ka ahay Ilaah kale inuusan jirin Allaah sokadiisa, waxaan qiraayaa Nabi Muxammadnaﷺ inuu yahay adoonkii Allah iyo rasuukiisii.

Tobanka Dambe ee  Bisha
Barakeysan ee Ramadaanka

”لَيْلَةَ الْقَدْرِ ”

Bisha Ramadaanna waxaa ku jidho habeen, habeennada sannadka ugu kheyr badan, oo ah habeenka Laylatul Qaddarka, habeenkaa oo ajar iyo lagu heli deeq Ilaah ka badan tuu qofku ku heli lahaa kun bilood oo ah 83 sano iyo afar bilood.
Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay (ﷺ): […]

:قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

مَنْ قَامَ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ وَمَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ.

[رواه البخاري 1901]
Macnaha xadiis kana waxaa weeye:

“Qofkii habeenka Leylatul Qadarka salaad habeenkii u kaca qiyaamu leylka – taraawiixda – isagoo Ilaahay darti ugu kici kagana abaal dooni, Ilaahay wuxuu u dhaafaa waxii horay dembi uga dhacay.”

Qofka dumarka ahina waxaa wanaagsan inay gurigeeda ku tukato taraawiixda iyo qiyaamu leylka oo dhan, hadduu masaajidka ka fog yahay, gaadiid gaar ahna ayan heysan, ama jidku aamin aheyn. Waxaana qofka muslimka ah laga dooni inuu si gaar ah u daneeyo, una eegto habeenka Leylatul Qadarka, kuna duceysto ducadii uu rasuulka (ﷺ) baray Caa’isha – Ilaahay ha ka raalli noqdee – ee ahayd: […]

” اللَّهُمَّ إِنَّكَ عَفُوٌّ تُحِبُّ الْعَفْوَ فَاعْفُ عَنِّي ”

Macnaha xadiis kana waxaa weeye:

“Allow waxaad tahay cafiye cafinta jecel ee i cafi.” [Waxaa soo wariyey Al-Tirmidi, saxayna].

Qofkuna ha ka eego Leylatul Qadarka, oo si gaar ha u daneeyo tobanka cishee ugu dambeeya ee Ramadaan, gaar ahaan habeennada 21aad, 23aad, 25aad, 27aad iyo 29aadka. Habeenka Leylatul Qadarkana waxaa soo daaddaga malaa’igta oo dhammi, iyagoo salaamaya, nabadgalyana u fidin Mu’miniinta tan iyo intay qorraxda habeenkaa – Leylatul Qadarka soo bixi – iyadoo aan fallaaro laheyn, sida ku soo aroodhay xadiiskan: […]
:قال صلى الله عليه وسلم

(صبيحة ليلة القدر تطلع الشمس لا شعاع لها كأنها طست حتى ترتفع)

(رواه ومسلم)
Maxaa ka wanaagsan habeen kaa aan kululeyn, qaboobeynna, ee ku dadaal walaalkay Muslimka ahow badsashada kheyrka iyo inaad Ilaahay ugu dhowaato samafallo kala duwan. Waxaana wanaagsan inaad fariisato ood ku ictikaafto masjid jaamic ah adigoo Ilaahay kaga abaal dooni, ictikaafkaa oo aad ka billaabi gabbal dhaca habeenka ay bisha Ramadaan tahay 21ka kuna dhammeyn gabbal dhaca maalinta ugu dambeysa ee Ramadaanka, tixraac xadiiskan Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee ay Rasuulkaﷺ ka soo warisay: […]
عن عائشة رضي الله عنها قالت : كان رسول الله صلى الله عليه وسلم

كان رسول الله إذا دخل العشر، أحيا ليله، وأيقظ أهله، وجدَ ، وشد المئزر

(رواه البخاري ومسلم)
Waxaana aan ugu yeeri walaalahay Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay bisha Soon ay ka faa’iideystaan, xumo oo idil ka fogaadaan, bishaa iyo wixii ka dambeeyaba daacadda Ilaahay lasumaan, ku dadaalaan, addooma dhab ah Eebbe u noqdaan, dadkuna isu naseexeeyaan wanaagga lays faro, xumaha layska reebo, rugaha ay casharrada diiniga ah ka socdaan laga wada qayb qaato, cilmiga laga soo bartana la dhaqan galiyo.
Qof kastana bishaa waxaan kheyr aheyn Ilaahay uusan ku arag, samaha loo kala tartamo.
Soon kana sidaynu horay u soo xusnay fadli weyn buu leeyahay iyo deeq Allaah – farad kiisa iyo naafila diisaba. Waxaa laga soo wariyey Sahal bin Sacad in Nabiga ﷺ yiri: […]

:الحديث المتفق عليه من حديث سَهْلٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ

 إِنَّ فِي الْجَنَّةِ بَابًا يُقَالُ لَهُ الرَّيَّانُ يَدْخُلُ مِنْهُ الصَّائِمُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ يُقَالُ أَيْنَ الصَّائِمُونَ فَيَقُومُونَ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ فَإِذَا دَخَلُوا أُغْلِقَ فَلَمْ يَدْخُلْ مِنْهُ أَحَدٌ

[(البخاري ( 1763 ) ومسلم ( 1947]
Waxaa laga soo wariyey Sahal bin Sacad in Nabiga (scw) yiri:

“Waxay jannadu leedahay irrid la yiraahdo al-Rayaan, waxaana la oran aakhirada aaway ehlu-soomkii? Kol kuu galo qofka ugu dambeeya ee iyaga ah, ayaa irrid kaa la xiri.” [Waxaa soo wariyey al-Bukhaari iyo Muslim].

Siduu qof kana uga mid noqdo kuwaa ha ku dadaalo soonka faradka ah ee bisha Ramaadaan, iyo soonka sunnada ah ee uu rasuulka ummaddiisa ku boorriyey, waxaana ka mid ah inuu qofka bisha Soonfur (Shawaal) lix cisho ka soomo, shardina ma aha inuu qofka is xijiyo:
:عَنْ أَبِي أَيُّوبَ الْأَنْصَارِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ

“مَنْ صَامَ رَمَضَانَ ثُمَّ أَتْبَعَهُ سِتًّا مِنْ شَوَّالٍ كَانَ كَصِيَامِ الدَّهْرِ”

Wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay:

“Qofkii bisha Ramadaan sooma, dabadeedna raaciya lix maalmood ee uu ka soomo bisha Soonfur, wuxuu la mid yahay qof cimri giisii oo idil soomay.” [Waxaa soo wariyey Muslim].

Waxayna u noqon sida qof cimrigiisa oo idil soomay, waayo waxay Rabbi iyo Rasuulki (scw) inoo sheegeen in qofka hal kii wanaag uu la yimaado toban looga dhigi.
Sidaa awgeed hadduu qofka soo soomay bil Ramadaan oo dhan waa 30 cisho, kaddibna hadduu lix maalmood ka soomo Soonfur, isu geyn tooda waa 36 cisho, markaa buu Ilaahay siduu ballan qaadan 36kaa maalmood ka soo qaadi ajar ahaan 360 maalmood, waayo halkii maalin qofka Ilaahay toban maalmood buu uga qori xagga ajarka.
Sidaa buu qofka hadduu soomo bisha Ramadaan, dabadeed raaciyo lix maalmood ee uu bisha soonfur ka soomo uu ula mid yahay sida qof cimrigii oo idil soomanaa.
Ilaahay (swt) ha inaga aqbalo Acmaasha wanaagsan.
Fadlan sii gaarsii walaalahaaga mu’miniinta iyo mu’minaatka.
Jazaakum Allaahu Khayra.

Wednesday, April 29, 2020

(ٱلَّذِی خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَیَوٰةَ لِیَبۡلُوَكُمۡ أَیُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلࣰاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِیزُ ٱلۡغَفُورُ)

(ٱلَّذِی خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَیَوٰةَ لِیَبۡلُوَكُمۡ أَیُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلࣰاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِیزُ ٱلۡغَفُورُ)
Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah.

Nolosha dhan ee ad aragtaan waa #Imtixaan ee ku dadaal in ad guulaysto

[Surat Al-Mulk 2]

Friday, April 24, 2020

Allow Soonka iyo salaada naga Aqbal.. Aamin

Ramadaan Mubarak dhamaan Musliminta meelwalba oo dunida ka joogan gaar ahaan umada somaliyed waxaan idin leeyahay alle bisha barakeysan kheyrkeda hana siiyo.

Cibaado suuban iyo camal wanaagsan baa inoo ballan ah saxibayal. 🌙

Dr. Zakir Naik

Ramadan isn't just about not eating/ drinking, but Ramadan is a holy month for you to collect as much deen as possible, and to also UPGRADE yourself as a better Muslim.

#DrZakirNaik

Thursday, April 23, 2020

I am where you came from. When you look at me, you are looking at your past and your future rising to get you.

Here I am. Here you have my salty teeth. My endless kiss goodnight. Here you have: Your big unknown. Call me ocean, all you want. We both know better, and for one: I am no liar. I am where you came from; your primordial soup, your point of departure, the beginning of time. When you look at me, you are looking at your past and your future rising to get you. You are paging through the family album, and there I am: Your ancestral mother. The very space that nursed the specimen that would become you. Prepare for a wet and salty hug; I am getting up from my chair to kiss you.

It is all for love. It was always just for love, but not just for the love of you. Matter meets time and things start growing. I spent aeons longing for movements down below. A current here, a sparkle there, and you have no idea how small you were when you finally fluttered. My abyss holds many mysteries, but do not flatter yourself. I created many enigmas before you. I was a great botanist. I made anemones, kelps, weeds, corals and algae. And I blew life into jellyfish, starfish, any kind of fish, even the ones that you would later pray upon, but there you were, finally. Tailfin, gills and all. Swimming blind and not too smart in your prebiotic broth. Your little skeleton resembling that of a shrimp. Lucky you that Earth was still barren. Imagine the beings that would have considered you a tasty first course. White wine, Friday night, your fragile little self, trying to escape a plate full of dill at a candlelit supper.

Wednesday, April 22, 2020

Cidii rabto KGS jabkeeda runtii been ayuu qoor sagaare ku haya KGS tagtayo wey talaabsatey...

"Lahjadda Barawaaniga waa lahjad ay ku hadlaan Bulshada reer Baraawe oo ka mid Shacabka Maamulka KoonfurGalbeed, xaq ayay u leeyihiin in ay ku hadlaan, warbaahinta kaga hadlaan, dhaqankoodana ku ilaashadaan si cabsi la’aan, si la mid ah  Bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed.
‪Aniga iyo Maamulkeygaba waxaan u taagan nahay difaaca xaquuqda Dadka Soomaaliyeed, marnaba maamulkeygu ma caburin doono Bulsho ku dhaqan KG." Madaxweynaha Koonfurgalbeed.
The companions of the Prophet (may Allah be pleased with them) struggled and suffered so much, they realized that their reward rests with Allaah and that Allaah will not burden them greater than they could bear.  Remember our pious predecessors and take their examples of how we can handle our present stressors and struggles in life.

Monday, April 20, 2020

Baydhabo the headquater of Bay region.

Baydhabo the headquater of Bay region

Baidoa and the broader Bay region is home to a number of important ancient sites. Archaeologists have found pre-historic rock art on the city's outskirts, in Buur Heybe.[5]
During the Middle Ages, Baidoa and its surrounding area was part of the Ajuran Empire that governed much of southern Somalia and eastern Ethiopia, with its domain extending from Hobyo in the north, to Qelafo in the west, to Kismayo in the south.[6]
In the early modern period, the Baidoa area was ruled by the Geledi Sultanate. The kingdom was eventually incorporated into Italian Somaliland protectorate in 1910 after the death of its last Sultan Osman Ahmed in 1910.[7] After independence in 1960, the city was made the center of the official Baidoa District.

Civil warEdit

Baidoa later incurred significant damage in the early 1990s, following the start of the civil war.[8] In September 1995, United Somali Congress militia attacked and occupied the town.[9] They remained in control of Baidoa until around January 1996, while the local Rahanweyn Resistance Army militia continued to engage the USC in the town's environs.[10] In 1999, the RRA seized control of the wider Lower Shabelle, Gedo, Bay and Bakool provinces. The town and larger region gradually rebounded to become among the more stable areas in the south.[8]



Military positions during the Battle of Baidoa (26 December 2006).

In 2002, the RRA's leader Hasan Muhammad Nur Shatigadud founded the Southwestern State of Somalia regional administration, with its headquarters in Baidoa. The creation of the autonomous state was a move to show the RRA leadership's disaffection with the nascent Mogadishu-based Transitional National Government, which had been established two years earlier.[11] In 2005, the Southwestern State was officially dissolved after its leader Shatigadud had joined the Transitional Federal Parliament in November 2004 and later became Minister of Finance in January 2005 in the Transitional Federal Government (TFG), the TNG's successor.[12]
In early 2005, the TFG sent official delegations to Baidoa and Jowhar to assess the suitability of each city as a temporary headquarters for the TFG before an eventual relocation of government offices to Mogadishu.[2] In June–July 2005, the Transitional Federal Government established an interim seat in Jowhar due to ongoing insecurity in the capital. To strengthen its presence in the town, the central authorities built an improved airport and inaugurated the Duduble Canal.[13] The TFG later moved its temporary headquarters to Baidoa.[14]
In December 2006, Ethiopian troops entered Somalia to assist the TFG against the advancing Islamic Courts Union,[15] initially winning the Battle of Baidoa. On 28 December 2006, the allied forces recaptured the capital from the ICU.[16] The offensive helped the TFG solidify its rule.[17] On 8 January 2007, for the first time since taking office, President Abdullahi Yusuf Ahmed entered Mogadishu from Baidoa to engage in consultations with local business, religious and civil society representatives as the TFG moved its base to the national capital.[18]
Following their defeat, the Islamic Courts Union splintered into several different factions. Some of the more radical elements, including Al-Shabaab, regrouped to continue their insurgency against the TFG and oppose the Ethiopian military's presence in Somalia. Throughout 2007 and 2008, Al-Shabaab scored military victories, seizing control of key towns and ports in both central and southern Somalia. At the end of 2008, the group had captured Baidoa but not Mogadishu.[19] In February 2012, Somali government forces and allied Ethiopian troops re-captured Baidoa from Al-Shabaab.[20]

Southwestern StateEdit

In December 2013, a convention began in Baidoa between Federal Government officials and local representatives with the aim of establishing an autonomous state in the area under the Provision Federal Constitution.[21] Two simultaneous political processes for the establishment of a new Southwestern State of Somalia were underway: one led by former Parliament Speaker Sharif Hassan Sheikh Adan, which proposed a three region state consisting of the Bay, Bakool and Lower Shabelle provinces; another led by convention organizer Malaq Ali Shino, former MP Madobe Nunow Mohamed and erstwhile Bay region Governor Abdifatah Geesey, which proposed instead the re-establishment of a six region Southwestern Somalia state consisting of the Bay, Bakool, Lower Shabelle, Gedo, Middle Jubba and Lower Jubba provinces.[22]

Ishii Baydhabo 2020...


Baylah igu helyoo
Booraan igu ridyoo
Baasaha jacel 
BuusooBahayee

Baggaad i dishoon
Beerkiyo wadnaha
Birta uga jartee
May bixin laheyd.

Boogtii haddana 
Sii ballaarantoo 
Bogsan weydayee

Bardihii ku yiil isha Baydhabo
Intuu Guniyo baarbaxay
Caleemuhu Ballaarten
Baxarsaaf la moodyey.

Baddanaan ku dhacay
Sidan uga baxaa
Badbaadaa Alle 
Waa adigoys Baddala.

When does Ramadan begin in 2020?

With many Muslim-majority nations under coronavirus lockdown, millions around the world are to fast from dawn to dusk.

The first day of fasting for the holy month of Ramadan, which is determined by the sighting of the new moon, is likely to be Friday, April 24 in most Arab nations, with several still under lockdown due to the coronavirus pandemic.

Qatar, Egypt, Indonesia, Lebanon, Morocco, Syria, the United Arab Emirates and many other Muslim nations are likely to begin fasting starting Friday.

Amid the coronavirus outbreak, many activities during Ramadan are certain to be curtailed in Muslim-majority nations in the Middle East and elsewhere.

Saudi Arabia's government said it would maintain the ban on all congregation prayers in the country, including Taraweeh - a set of special prayers that take place during the holy month.

In the United States and Europe, Muslim communities rely on astronomical calculations and are likely to observe Ramadan from Thursday evening as well, with Friday being the first day of fasting.

Travelling to Berdaale District, 22-November 2025

My journey to  Berdaale District  has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...