Bardaale (Feysal Baka) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Diyaaradda ayaa lagu warramayaa inay ku dhacday meel u dhow garoonka, oo banaanka ah.
Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dad gaaraya illaa shan qof ay diyaaraddaas saarnaayeen, kuwaas oo illaa hadda aan la ogeyn xaaladdoodallaa iyo ma cadda waxa sababay inay diyaaraddaas ay dhacdo, waxaana weli wararka arrintan ku saabsan ay yihiin kuwa isa soo taraya.
Nagal filo faah-faahin dhowaan Insha Allah

No comments:
Post a Comment