Xoogsi (gabay: Darwiish Ismaaciil Mire)
- Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye
- Xaluun baan xaddaas gabay la kacay, oo xafiiltamaye
- Dhaqashaba ha xaalaysanine, maqal xuruuftayda
- Cabdi iyo Xuseen iyo Xirsi baa, kaa xusuus badane
- Xiniin-yoolihii kula sinnaa, xoogsi buu tagaye
- Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsadaye
- Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode
- Liiraha rag baa Xamar u tagay, xeeb intuu maraye
- Niman baa dayuurado ku xiran, xiima samadaase
- Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede
- Niman baa xaraabada gala oo, xoolo saanyada e
- Niman baa xarrago quudhsadoo, xaarka iibsada e
- Hablaha Xuurul-Caynta rag baa, xeelad ku guursado e
- Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qodo e
- Soddon gu’ baan ku xisaabiyiyo, weliba xaabxaabe
- Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
- Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada e
- Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxayow toose
- Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye
- Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele
No comments:
Post a Comment