Thursday, May 28, 2020
The most special person in my life is my Father
My Dad is my real hero because he is the most special person in my life.
His name is Mohamed Bakaal, he is 45 years old, he is a very good person, he is my best friend i can discuss everything with him without any hezitation. He is a funny, cool adventurous and smart human being.
My Dad is the most precious gift of allah to me. He is a loving father and the most gracious person i have ever seen in my life.
Tuesday, May 26, 2020
Qura'an-ka & Saynis-ka
Qur’aanka iyo Afeef, Hibeyn, Mahadnaq Hordhac
© XUQUUQDA DAABACAADDA
Xuquuqda daabacaadda waxay u dhowrsantahay qoraaga buugaan, Mr. Abdulaahi Abdi-kadir Abdi-Aziz (mr. Tukade). Lama daabici karo lamana badin karo guud ahaan ama qeyb kamid ah iyadoon ogolaansho qoraal ah laga heysan qoraaga.
Daabacaaddii koowaad, July 2019
Dhaka, Bangladesh.
AFEEF
Waxaan ka afeefanayaa wixii khalad
iga dhacay in uu yahay mid aanan u qasdin haday ahaato qoraal iyo haddii ay
ahaato wax qalin dhaw ah maadaama aan ahay qof bani-adam ah.
cid walba oo lafal gasha dhiganaha
aan ugu magac daray “Qur’aankaiyo Sayniska”
waxaan ka codsanayaa khalad walba oo
ay ku arkaan in ay igu baraarujiyaan si aan dib iskaga saxo.Sidoo kale waxaan
ka afeefanayaa wax walba oo ku saabsan hab-qoraalka afka Soomaliga maadaama
aanan ahayn qof suugaanta aad u garanaya.
Ugu danbayn waxa aan akhristayaasha
marti uga ahay wixi talo,tusaale iyo toosin ah in aad iigu soo hagaajisaan
Gmail-ladaan.
Haruuse130@gmail.comama shabeeldhaka1 @gmail.com.
TEL: +8801829221681
+ 252618644130
HIBAYN
Dhiganaha “Sayniska iyo Qur’aanka”
waxa aan u hibeeyay Hooyo Xaawo Cali Xirsi sidoo kale waxa aan u
hibeeyay.
Dr Kasim Haaji
Huseen oo ah bare wax ka dhiga jaamacado
badan oo ay ka mid tahay jaamacada Jazeera waxaan xasuusan doonaa dhiira
galintii joogtada ahayd.
Waxa kaloo aan u hibeeyay
dhiganahaan Dr Abdullaahi Abdi Aaziz Farahoo ah adeer in badan iga
taageeray heererka kala duwan ee waxbarashadayda.
Ugu danbayn waxaan u hibeeynayaa
dhiganahan “Qur’aankaiyo Sayniska” qof walba oo daneeya in uu wax ka ogaado Sayniska
casriga ah iyo Qur’aanka.
MAHADNAQ
Ugu horayn waxan mahad guud iyo gaar
ah ba leh ALLAHA ina baray wax aanan garanayn Allaha ii siisay waqti, Caafimaad,
Aqoon iina sahlay in aan idleeyo buugan.Intaas kadib waxa aan u mahad naqayaa Eng
Ahmed Abdulkadir oo gacan wayn ka geestay qorida dhiganahan, sidoo kalana
isiiyay talooyin badan.
Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa
adeer Abdulkadir Kaliif Hashi oo iga caawiyay nashqadaynta buuga.Waxaan
kaloo u mahad naqayaa saaxiibkeey Mohamuud Mohamed Mohamud(dhagayare) oo
in badan aan taageero ka helay.
Ugu danbayn waxa aan u mahad naqayaa
qof walba oo mar uun gacan iga siiyay qorista buugan.
Abdullhi Abdulkadir Abdiaziz
(Tukade)_________________________
HORDHAC
Eebbe kor ahaaye markii uu kown-kaan sameeyey waxa u ku dhex abuuray noole aynu ka
mid nahay. Markii Aadan- calayhi salaam la abuurayna waxaa la baray dhammaan magacyadii wax yaalihii jirey.
Isaga iyo Xaawoba calayhima salaamwaxaa
loo kala sheegay dhirtii ku hareeraysneed kuwa dheefta u leh iyo kuwa dhibta u
keeni kara, iyada oo la ogeysiiyey in wixii ay rabaan ay ku raaxaysan karaan,
laakiin laga rabo in ay ka dheeraadaan hal geed oo laga xaaraantinimeeyey.
Waxaana la baray in ay ka feejignaadaan Ibliis oo cadow u ah.
Waa aqoontii ugu horraysay ee aadane barto.
Ilaa iyo maantana aqoon kororsi ayaa aynu ku jirnaa. Sidaas ayaa ay weligeed
isu la socdeen aqoonta ku saabsan abuurka Alle (Saynis-ka) iyo ta ku saabsan
amarka Alle (Diin-ta).
Marar badan ayaad Qur’aanka ku arkaysaa tilmaamo ku saabsan abuurka
Alle, iyada oo la raacinayo in ay yihiin aayado (Calaamooyin) ay tahay in aynu
ku aqoonsanno awoodda Allaha abuuray, iyo in aynu ku waantowno, iyo in aynu
baranno sidii aynu u dheefsan lahayn.
Surat al-Jaathiyah: 13.
“Alle waxa uu idiin sakhiray (fududeeyay) waxa samooyinka iyo
dhulka ku sugan, dhammaantood isaga ayay ka ahaadeen, taas calaamado ayaaugu
sugan dad fekeraya.”
Barashada abuurkaAlle swt iyo dheefsigooda
ayaa lagu gaadhaa hormar dhanka adduunka ah, jidka lagu bartaana waa aqoonta
aynu hadda ku magacawno Sayniska. Abuurka Alle, noole iyo manooleba, oo loo
fiirsado, loo kuurgalo, tijaabooyinna lagu sameeyo si wax looga barto, iyada oo
la adeegsanayo hannaan sugan oo lagu magacaabo Saynis(science). Dad badan oo
innaga mid ah waxa aad mooddaa in ay iska dhaadhiciyeen in uu Saynis-ku yahay
hanti ay si gaar ah u leeyihiin gaalada iyo reer Galbeedka.
Waxaa la yaab leh in isla dareenkani uu ka
jirey qaaradda Yurub markii ay ku jirtey Xilliyadii Madoobaa (Dark ages)
ee Muslimiintu ay hogaaminayeen aqoonta Sayniska(science).
Xilligaas in badan oo reer Yurub ka mid ahi
Sayniska buufis ayaa ay ka qabeen iyaga oo uga carari jirey in uu yahay wax
Muslimiintu wataan! Aqoonta Sayniska ee maanta adduunka taallaa waa waayo-aragnimo
iyo garasho daafaha dunida laga uruurinayey ilaa iyo bilowgii nolosha
aadamaha, cid gaar ahina ma laha.
Qur’aan-kuwaxa uu nabarayaa sidii aan
dadaal dheer usamaynlahayn oo waliba an caqligeena u dheefsanlaheen, waxaad in
badan Qur’aan-kaku aragteen aayado badan oo ka hadlaya Caqliga iyo hab
fikirka nolosha.
Sayniska (Science) iyoQur’aan-ka markii aad
isku fiiriso waxaad arkaysaa wax walba uu Saynisku ka hadlay in ay yihiin qayb
ka mid ah shay uu Qur’aan-kuka hadaly 1400 sano ka hor.
Shay walba oo daaha
laga qaaday ma’ahan mid adduunka dheeraad ku ah balse waa wixii Eebbe ku
diyariyay kown-ka qayb ka mid ah oo la ogaaday.
Aadamuhu waxa uu dadaal dheer u galay in uu wax uun ka ogaado
abuurka adduunka iyo waliba sida uu shaqeeyo, sidoo kale waxa uu dadaal u galay
in uu ogaado amase wax ka garto hadafka nolosha. Baaritaankaas dheer ayaa
sababtay in wax badan oo adduunka dushiisa saaran lasoo iqtiraaco (daaha laga
qaado).
Cilmi-baarayaal(Scientist) aan muslim ahayn ayaa kaalin
muuqata ka qaatay in wax badan laso ogaado taas oo keentay in ay ku doodaan in
aan ciddna oga horayn, hasayeeshee marki doodo adag lala galay oo xujooyinka Qur’aankaah
loo soo ban dhigay ayay gar waaqsadeen in Qur’aan-ku yahay masdarka saxda ah ee
wax walba ay ku diyaarsanyihin.
Qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa wali ku adkaystay
diidmadodii oo aaminsan in ay wax cusub yihiin waxa ay ogaadeen.
Sayniska iyo Qur’aankawaa dhigane (buug)
aan ku soo bandhigi doono in kabadan toban xaqiiqoyin oo saynis ah kuwaas oo daaha
laga qaaday ama la ogaaday oo waa faqay Qur’aankakariimka iyo waliba in la
beeniyay aragtiyo badan oo ay qabeen Saynis-yahano aan muslim ahayn.
Balse taas macnaheedu ma’ahan in Saynis-yahannada aan Muslimka
ahayn aysan waxba qaban, oo taasi caqliga caadigaah aqbali maayo oo waxaan
aragnaa wax lataaban karo oo ay soo kordhiyeen.
Beeninta shay iyo sugida shay kale waa wax ubaahan in loo
cuskado il sax ah oo uu qof walba fahmi karo, kaasina waa Qur’aanka.
Qur’aan-ku waa kitaabka Alle swt ku soo dejiyay Nebi Muxamed(NNKH), kaas oo ku qoran luuqadda carabiga.
Kitaabka Qu’raankuwaxa uu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.Qur’a-nka kariimka ah waa hadalka alleswtkaas oo malaga Jibriil u soo gudbin
jirey Nebi Muxamed (NNKH) wakhti 23 sano ah, wakhtigaas uu nebigu(NNKH) ahaa 40 jir.
Sida ku cad Qur’aankaAlle
swt wuxuu balan qaaday in uu ilaalin doono kana ilaalin doono khaladka iyo
musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ahaan doono dhamaan aadamaha ku nool dunida..
Kitaabka Qur’aankawaxaa
loo kala saaraa guud ahaan; labo qeybood oo kala ah Makki“oo ah Qur’aan-kii ku soo dagay nabiga (NNKH) waqtigii uu joogay magaalada Makkah”iyo “mid madani ah oo ah Qur’aankii
ku soo dagay Nabiga (NNKH) wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa”. Intaasi
kuma eka qeybaha Qur’aan-kuee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo
yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala
saaro aayado.
Qur’aan-kuwaxa uu ka
kooban yahay boqol toban
iyo afar Suuradood kuwaasi oo ay ugu
horeeyso suurada Al Faatixa (oo macnaheedu
tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka kooban 7 aayadood illaa laga gaadho suurada 114-aad ee Al-Naas (Macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.
Kitaabka Qur’aankaah dhexdiisa
waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka
noolaha.
Sidoo kale, Ilaahay swt waxa uu
ugu talo galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Qu’ran-ka Kariimka ahi
wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.
Wadajirka Qur’aankaiyo Xadiisku waa sharciga saxda
ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo
yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Qur’aankaoo lagu
akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la
akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114-ta
Suuradood ee Qur’aankawaxaa loo yaqaanaa Xaafid, Jiijiidida iyo
qurxinta codka marka la akhrinayo Qur’aankawaxaa loo yaqaanaa Tajwiid.
Si kastaba ha
ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiintaah waxay dhamystiraan akhrinta dhamaan Qur’aan-ka ayagoo ku
tukanaya salaada taraawiixda.
Kitaabka Qur’aankawaxa uu
saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed, isla markaana wuxuu kala saaraa runta iyo beenta,
mugdiga iyo iftiinka jannada iyo cadaabka, ifka iyo aakhirada.Kitaabka Qur’aan-ka
kariimka ah ee Ilaahay swtku soo
dejiyay Nebi Muxamed(NNKH)waxaa lagu
magacaabaa Al-Furqaan, kaasi oo ah tilmaamid ("Al-huda"),
xikmad, xasuusinta Alle ("Al-dikri"), iyo mid samada sare laga soo diray ("tanziil").
Dhererka
Suuradaha Qu’raanka way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood; halka
suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo
ka kooban 286 aayadood, Boqol
toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Qur’aan-ka kariimka ah waxay kala
yihiin 86 suuradood oo
ah Makki iyo 28 Madani ah.
Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo
dageen, oo ka hor intii aanu Nebi Muxamed(NNNKH) ka tagin
magaalada Makkah Qur’aankaku
soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki, halka
markuu Nebigu(NNNKH) u
hijrooday magaalada Madiina waxyigii
iyo Qur’an-kii ku soo dagay ay noqonayaan Madani.
Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaan aakhirada iyo xoojinta
iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah.
bilaabmaan “Ku Bilaabida
Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guudba lehBismi
Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi”.
Dhinaca kale, qeyb ka mid
ah Suuradaha ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu guda
jiro tukashada salaada taasi oo rakcad
kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.
Xaqiiqooyin badan oo
cilmi ah oo daaha laga qaaday ayaa larumaysnaa in ay tahay wax cusub oo uusan Qur’aan-kusheegin,balse
culimada islaamka aya dunida uso ban dhigay xujooyinka Qur’aankaoo soo dagay
1400 oo sano ka hor.
Taas oo layaab ku noqotay
cilmi-baarayaal aan Muslim ahayn kadib xaqiiqsaday in Qur’aanku yahay hadalkii
Eebbe.
Saynisku:waa cilmi kasta oo la
xaqiijin karo, iyadoo la isticmaalayo tijaabo sayniseed. Xaqiijintiisuna kuma
xirna goob, xilli, sidoo kalena sayniska iyo saynisyahanku wax xiriir ah
malaha! Tusaale:haddii la doonayo in la xaqiijiyo in biyuhu samaysmeen ka dib
markii labo curriye (labo atam oo haydrojiin ah iyo hal atom oo ogsajiin) ay falgaleen, sida ugu fudud ee loo xaqiijin karo waa in la soo qaataa
labadii curriye, ka dibna la falgeliyaa! Maxsuulka mar walba ka soo baxaya
tijaabadaas waa "biyo". Saynisku waa cilmiga ka madax bannaan
dhaqanka ay bulsho leedahay iyo waxa ay aaminsan tahay.
Kelmadda saynis markaad aragtid ama aad
maqashid waxaa maankaada kusoo dag dagaya muuqaalo aad u badan, sida falgalyo kiimikeed,
sida uu u shaqeeyo bani-aadama jirkiisu iyo wax yaabo kaloo dhamaantood kamid
ah sayniska mid walbana uu wato cilmigiisa iyo hab barasho
cusub.
Saynisku waa barasho xaqiiqooyin caalami ah
oo horay u dhacay iyo daahfurka qaar kaloo cusub, saynisku waa daahfurka wax
yaabo cusub oo yaala dunida korkeeda iyo sida ay u noqon lahaayeen kuwo faa
iido leh la iskuna halay karo, loona isticmaali karo hormarinta nolosha
qaybaheeda kala duwan sida tiknoolojiyada, caafimaadka, dhismaha, soosaarista
daawo cusub IWM.
Saynisku waa cilmi ku jira socdaal joogta
ah oo maalin walba waxbaa lasoo ogaadaa oo waxaad maqashaa waxaa lasoo saaray
tiknoolojiyad cusub, daawo cusub.
Saynisku waxa uu ka qayb qaata hormarinta
nolosha aadamaha iyo waliba kobcinta hab fikirkooda akhriste adiguba waxaad
noqon kartaa “saynis-yahan” si aad oga qayb qaadato hormarinta nolosha.
Waxaa qarniyo badan oo kala duwan la isku dayay in wax laga ogaado wax
uun ku saabsan dhulka aynu ku noolnahay iyo koonka oo dhan (the Universe)
dhamaantii.
Waxaa soo baxay aragtiyo kala duwan
oo qoloba ay si u aragtay oo keenay in ay dhaliso doodo (Arguments) doodahaas
oo socday ilaa qarnigaan aynu marayno, waxaana ugu cuslaa aragtiyadaas labo
aragti oo aad u soo shaac baxday.
A- kown-kan waa uu iska samaysmay oo
cid abuurtay majirto (steady state theory).
Aragtidaan waxa ay aheed aragti asal
ahaan kasoo jeeda dad aaminsanaa in wax walba ay dabeecaddu abuurtay oo aysan
jirin awood wayn oo ka danbaysa, waxaana loo yaqaan mulxidiin (Alle diid) afka
qalaadna lagu dhaho (Atheist).
Hase ahaatee aragtidaan waxa ay
noqotay mid dhicisowda oo shaqayn waysay kadib markii su’aalo dhowr ah la hor
dhigay kadibna ay u waayeen wax jawaab ah, waxaa lawaydiiyay “mawaysan jirin
wax walba oo nidaamsan awood ka danbaysa oo nidaamisay”?
Waxa ay qireen in ay awoodaas jirto
laakiin waxay wali ku dooda-yeen waa dabeecad, balse aragtidaas waxay noqotay
mid aan cilmi ahayn oo khalad ah.
B- kown-kan cid samaysay ayaa jirta
iyo meel uu ka yimid (the big bang theory).
Aragtidaan danbe ee qarixii waynaa (big
bang theory) aan wax yar ka tilmaamo ciddii keentay, waqtigii ay soo shaac
baxday, maxay sheegaysaa aragtidaan iyo inQur’aankalagu sheegay, micnaheeduna
tahay in islaamku ogaa arintaan 1400 oo sano ka hor, iyada oo aan ognahay in
aragtidaan ay goordhow ogaadeen kuwo aan rumaysnayn allaah iyo kutubkiisa(Qur’aanka).
Aragtidaan iyo kuwo kale oo kown-ka
wax looga ogaanayo waxaa bidhaamiye u ah cilmiga lagu magacaabo “Cosmology” oo
ah qayb kamid ah culuumta lagu barto cilmiga Cirbixiyeenimada (Astronomy)taas
oo salka ku haysa su’aalo asaasi ah hadey noqon lahayd asalkiisa,qaabdhismeedka
iyo horumarka kown-ka.
Cilmigaan waxaa aad loo fahmay 1915
kii markii ay soo shaac baxdy aragtidii AlbertEinstein (General theory
of relativity)kadib baaritaano iyo isku dayo socday sanadihi 1920-naadkii nin
lagu magacaabo Edwin Hubble ayaa ogaaday in kownku ka koobanyahay tiro
aad ubadan oo falagyo dibadeed ah oo ka baxsan caqligeena caadiga ah, kadib nin
lagu magacaabo Vesto Slipher iyo Saynis-yahano (Scientist) kale ayaasoo
saareen in kown-ku uu fidaayo amase balaaranayo (expending universe).
Horumar laga gaarey cilmga Cirbixiyeenimada ayaa macquul ka
dhigay in la qiyaaso asalka kown-kan, sidoo kale aragtiyadaas waxay fududeeyeen
in ay soo shaac baxdo aragtida qaraxii waynaa (the big bangtheory) oo uu daaha
ka qaaday Georges Lemaitre, waqtigu markuu ahaa 1927-dii.
Xogta Qur’aanka laynagu siiyey waxay si buuxda u waafaqaysaa
waxyaabaha sayniska casriga ahi helay maanta. Geba gebada ay cilmi felagga
fiisigisku gaadheen maanta waxay odhanaysaa in adduunka oo dhan, guud ahaantii
cabbirkiisa iyo waqtiguba ay ka yimaaddeen qarax aad u wayn oo dhacay waqti aan
la ogayn xilli ay ahayd.
Qaraxa xilligaas dhacay waxa loo yaqaan (the Big bang)
(Qaraxii waynaa) taas oo caddaynaysa in aan kawn-ka laga abuurin wax aan ka
ahayn qaraxaas hal mar dhacay. Sayniska maantuna waxay qirayaan in qaraxii waynaa
yahay sida keliya ee macquulka ah ee lagu sharxi karo barbilowga adduunyada iyo
sida adduunyadu ku noqotay mid jirta, qaraxaas wayn ka hor waxbaba ma jirin.
Waxay ahayd xaalad la yidhaahdo waxba ma jiraan (non coexistence) taas
oo lagu fasiri karo xaalad Maatar ah(walax), oo aan tamari jirin, waqtina
jirin. Xaaladdaas sida keliya ee lagu cabbiri karaa wa sifada looyaqaanno metaphysically sidaa
darteed Maatarka(walaxda), Tamarta iyo waqtiga dhamaantood waa la abuuray, xaqiiqadan
waqti dhowayd ayaa la daahfuray oo ay Fiisigis-yahannadu ogaadeen.
Aragtida
balaarashada kown-ka(expending of universe) waa koritaanka masaafada u dhaxaysa
laba shay oo kala fog kuna yaala kown-ka, waana fikin (kala bixid) qoto dheer
kaas oo cabirka hawada sare ayadu is badalayso.
Balse
kown-ku wax balaariya ama saameyn hawada sare (space) uga timaada majiraan ee
waa arin xagaALLAH ka qadaran.
Balaarashadaas
(expansion) iyo baaritaanadii la xiriiray ayaa waxa ay abuurtay in la
saadaaliyo in ay jirtay midnimo (singularity) taa soo sida caadigaa lala
xiriiriyay ugu danbayn in uu jiro qarax wayn (big bang).
Cabbirro faahfaahsan oo ku salaysan xadiga barashada kown-ka
(rate expansion) ayaa lagu sheegay in qarixii waynaa ee kown-kan laga joogo
hadda 13.8 billion sano ka hor taa soo loo tix galiyay kown-kan inta uu jiro.
Aragtidaan
ayaa ah aragti in muddo ah ay ku doodeen cilmi-barayashu in aan cidna kaga
horayn, hase ahaatee kadib lagu qanciyay in Qur’aankalagu xusay 1400 sano ka
hor.
Qur’aankaarintaan
malagu sheegay? (Haa).
Waxaad
arkaysaa in Qur’aan-kuuu ka hadlay 1400 oo sano ka hor aragtidan mardhow soo
shaac baxday ee loogu magac daray Qarixii waynaa (the big bang) in uu koonkan
ahaa hal beeg midaysan (singularity) iyo in uu fidayo ama balaaranayo (expansion).
Allaahwuxuu yidhiisagoo ka hadlaya
in kown-kan uu ahaay halbeeg midaysan iyo in uu kala soocay.
Suurat
“al Anbiyaa”Aayadda 30-aad.
“miyeyna arkayn kuwa gaaloobay in samooyinku (hawada
sare) iyo dhulka ay ahaayeen halbeegyo isku go’an(singularity) kadib aan kala
firdhinay ama qarxinay (big bang) oo aan wax walba ka yeelnay kuwo ku nool
biyaha, miyayney rumaynayn”
Kelmedda Ratqi macneheedu waa (isku
tolan) oo macneheedu noqonayo wax isku dhegsan. Sida
qaamuusyada Carabtu u qeexeen waa laba shay iyo wax ka badan oo hal mid
layskaga dhigay. Jumladda ah (Anagaa kala furfurnay) waa
ficil carabi ah waxaa la yidhaahdaa Fataq oo ah kala fujin, taas oo
tusaysa shay si ahaa oo la kala jeexjeexay ama laga burburiyey qaabkii uu lahaa
markuu Ratqiga ahaa. Kala dhillinta siidhka
marka ciidda laga soo saaro waa mid ka mida ficillada ay kelmedda Fataqa
tilmaamayso.
Bal aynu yar milicsanno aayaddaan mar labaad inaga oo
maskaxda ku haysanna cilmigan. Aayaddani waxa ay sheegaysaa ee isku dhegsanaa
waa cirka iyo dhulka (ratqi).
Markii la kala
bixiyeyna mid waliba kan kale ayuu kasoo dhex baxay, sidaas oo kale, marka aynu
xasuusanno daqiiqaddii ugu horeysay Qaraxa-wayn waxaynu arkaynaa in hal meel ay
ka yimaaddeen dhamaan waxa kawn-ka dul saarani, si kale haddii loo yidhaahdo
wax kaste “oo ay ku jiraan cirka iyo dhulka” iyaga oo aan weli la abuurin in ay
hal xaalad ku wada jireen oo ah RATQI.
Xaaladdaasi ay qaraxday, qaraxaasna ay ka dhasheen kala furfurashada
iyo qaabaynta kawn-ka oo dhammi.
Hadaba marka aynu is barbar dhigno sida aayadda Qur’aanku sheegtay
iyo waxyaabaha ay saynis-yahannadu sheegeen si aan kala habaabis lahayn ayey
isu waafaqayaan, waxaa layaab inoogu filan waxyaabahan lama ogeyn illaa laga
soo gaadhay qarnigii 20aad.
Halkaan waxa aan ku ogaanay in Qur’aankalagu sheegay aragtidii
soo bilaabaty muddo dhow markii loo eego Qur’aankaoo so dagay 1400 oo sano ka hor,
Hadalka eebbe wa mid dhab ah waqti kastana dhab ahaan doona.
Dhulka waa meeraha seddexaad ee qoraxda u dhaw, waxa uuna kamid yahay
meerayaasha qoraxdu mideeysay.Waa meeraha ugu muga iyo miisaanka weeyn iyo
midka shanaad ee ugu xajmiga weeyn sideedda meere eeBahda Qoraxdu Midaysay.
Dhulka
waxa lagu naaneeysaa Meeraha Midabka Buluugansababtoo ah
marka hawoda sare laga soo fiirinayo waxa muuqda midabka buluuga.Dhulku
waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano in kastoo ay jirto
aragtiyo dhowr ah oo sheegaya in ay jiran meerayaal kale oo ay suura gal tahay
in nolol ay ka jiri karto. Waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku
dhawdahay4.5 bilyan oo sanno.
Dhulka isku wareegiisu (circumferance) waa
40,007.86 km marka laga xisaabiyo dhul baraha, sidoo kale baaxada guud ee oogada
dhulku waa 510,072,000 km2 taas oo ka kooban 148,940,000 km2
dhul ama carro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2% iyo 361,132,000 km2
biyo iyo bad ah taas oo u dhiganta 70.8%.
Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg. Sidoo kale,
miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, halka cufisjiidadka dhul baruhu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g. Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).
Heerkulka oogada sare ee dhulku waa meel dhexaad taas oo ah mida taageertay
in nolol ka jirto meerehan.
Kulka iyo qaboowga dhulku wuu kala duwan yahay
ayadoo Cidhifyada (polars) oo ugu heerkul hooseeyo taasoo ka dhigtey qaboow badan,
laakiin meelaha ku beegan dhul
baraha ayaa ugu heerkul sareeya dunida.
Guud
ahaan, heerkulka dunidu marka uu ugu hooseeyo wuxuu gaadhaa 184 K ama 89.2 °C,
dhex-dhexaad markuu yahay heerkulku waa 15 °C ama 288 K, marka uu ugu
sareeyo kuleeylku wuxuu gaadhaa 56.7 °C ama 330 K.
Cirka ama Samada sare ee dunidan aan ku nool nahay waxay ka sameeysan tahay
78.08% curiyeha nitrojiin (N)
taas oo ah hawo,20.95% ogsajiin (O), 0.93% argon, 0.039% Kaarboon-labo-ogsaadh (C2O) iyo qiyaastii 1% uumi biyo ah (in kastoo mararka qaar ay kala duwan tahay cimiladu).
Meeraha
dhulku waxa uu sameeyaa labo wareeg: mid uu ku wareego xariijintiisa taas oo loo yaqaano “Sidereal
rotation period” oo ku qaadata wakhti dhan 23
saacadood, 56
daqiiqo iyo 4.100
ilbiriqsi taas oo ku dhow 24
saacadood oo ah habeen iyo maalin.
Wareega
labaad dhulku waxa uu ku sameeyaa qoraxda waxa ayna ku qaadataa 365.25744 maalmood oo ah wakhti dhan hal sanad.
Aragtidaan
ayaa ah aragti aad u baahansan laguna dhigo iskuulada iyo jaamacadaha, balse
markii loo eego Qur’aan-ka waxa soo baxaya in aysan sax ah ahyn sababtoo ah
Qur’aan-ka waxa uu sheegaya waxa wareega in ay tahay qoraxda sida aad ku arki
doontaan cutubka ka hadlaya wareega qoraxda.
Anigu ma ihi qof taa
geersan aragtidaan ilaa aan u helo caddayn rasmi ah.
TAARIIKHADA DHULKA
Taariikhda
dhulku aad ayay u dheer tahay oo waxaa la sheegaa in dhulku uu sameeysmay 4.5
bilyan oo sano ka hor. Isla mar ahaantaana
sii jiri doono 8 ilaa 10 bilyan
oo sanno oo soo socota.
Sida ay
isku raaceen culimada sayniska gaar ahaan culimada cilmi falaga,meereha dhulka waxa uu sameeysmay 4.5 bilyan oo sano ka hor, taas oo halkii bilyan ee ugu
horeeyay dhexdiisa nolol ka bilaabatay,isla wakhtiyadaas ayay sameeysantay oogo
cir ama (atmosphere) kaas oo difaac u ah nolosha dunida kana difaaca ilayska
haliska ah ee qoraxdu soo dayso(solar raditaion).
In ka badan 71% oo dunida
ah waa biyo kuwas oo isku darsan dhanaan iyi macaan, inta soo hartay ee ah 29%
waa dhulka caadiga ah ee qalalan kuwaas oo ay kuyaalan qaaradaha.
Cirifyada adduunka sida
cirifka waqooyi iyo kan koofureed waa qabow ama wa baraf waana meelaha ugu
qabow adduunyada waana meel uu hooseeyo heerkulkeedu, cufisjiidadka dunida waxa
ay xariir is dhexgal oo dhaw laleedahay meerayaasha kale gaar ahaan dayaxa iyo
qoraxda taas oo suurta galisay in miisaanka dhulku dheelitirnaado.
Jiritaanka dunidu waxay ku xiran tahay nolosha Qoraxda haddii isbedel ku yimaado qoraxda nolosha dhulka iyo waxkasta weey
doorsoomayaan.
Sida la qiyaasayo, hal bilyansano ka dib, midabka qoraxdu waa isbedeli doonaa iftiinkuna waa sii
kordhi sababto ah Hiliyaamta bu'da qoraxda ayaa sii kordheeysa taas oo keeni doonta in 10%
kordho iftiinka, heerkulka iyo falaaraha khatarta ah ee ka soo baxa qoraxda,
halka 3.5 bilyan sano ka dib ay badan doonto 40%.Aqoonyahanada
waxa ay sheegeen isbedelkaas qoraxda ku yimid wakhtigaas uu sare u qaadi doono ilayska
halista ah ee "radiation" ka taas
oo lumin doonta biyaha
badaha ee dhulka.Wakhti yar gudaheed waxaa
kor u kici doona heerkulka oogada sare ee dhulka, sidoo kale isku wareega caarboon labo ogsaydh-ka
(CO2) oo muhiim u ah nolosha dhirta ayaa jaho wareer gali doonta iskuna badali
doona caarboon afar (C4) oo sun ah.
Dhirtu haday ka dhamaato dunida waxaa dhici
in la waayo hawada Ogsajiin midaas oo sababaysa dhimashada noolaha oo dhan,hal bilyan sano oo kale kadib, heerkulka maqaarka sare ee
dhulka wuxuu gaari doonaa, ugu yaraan, 70 degree Salsiyas midan oo jaho wareer
ku keenaysa miisaanka iyo cufis-jiidadka dunida.
Midabka qoraxdu wuxu noqon doonaa casaan(guduud)
5 bilyan sano ka dib, isla markaan gacanka qoraxdu wuxuu gaari meel ka badan
250 jeer meesha uu hada joogo, wakhtigan lama hubo, sida dhulku noqon doono,
laakiin waxa la og yahay in wareega dhulku isbedeli sababto ah aad ayuu uga
fogaan doonaa qoraxda.
Mudo
yar ka dib, bu'da qoraxda waxay isku bedeli cadaan bilaa kul iyo ileys ah, halkaas ayaana ugu dambeeysa isku xidhnaanta Bahda Qoraxdu Midaysay.
Qaabka uu dhulku u egyahay haddii laga
hadlo waxa soo baxaysa in dhulku uu u sameeysanyahay qaab ah goobo labada
dhinac u dheer, kaas oo qaab ahaan u eg ukunta goronyada (ostrich eeg) midaas oo ka dhigeeysa cirifyada kuwo yara fidsan marka la bar-bar dhigo dhul
baraha.
Dhul baraha ayaa 43 kilomitir ka
dheer cirifyada dunida taas ayaana keentay in u eekaado qaabka ukunta.
Xiliyadii hore
dadku waxa ay aaminsanaayen in dhulku uu ahaa mid fidsan muddo qarniyo ah aragtidaas
in muddo ah ayay la noolayeen dadku.
Nin lagu magacaabo Francis
Drake ayaa ahaa ninkii ugu horeyay ee ogaada in uu dhulku yahaya “goobo
labada” dhinac u dheer (spherical) Tusaale ahaan goronyada ukunteeda oo kale,
xiligii 1597 dii.
Alle swt wuxa uu qur’anka innoogu sheegayaa
Surat al Luqmaan Aayadda 29-aad
“miyeydaan
ogayn in eebbe habeenka dhex galiyo maalinta, maalintana dhexgaliyo habeenka.”
Aayadaan waxa ay
inoo caddeeynaysa in Eebbeis dhex galiyo maalinta iyo habeenka midba mid.”
Dr Zakir Naikwaxa uuleeyahay“in dhulku yahay goobo u dheer labada
dhinac(spherical) waxa ay sababaysaa in uu san habeenka si dhaqsi ah u galin
maalinta ama maalintu si dhaqsi ah aysan u galin habeenka.”
Taas micnaheedu wa in la helaa habeen
dheer iyo maalin dheer oo ay san isku dhex qasmin,balse haddii uu dhulku ahaan
lahaa goobo (circle) waxaa meesha ka bixi laheed in lahelo waqti dheeli tiran
oo waxa dhici laheed in habeenku si dhaqsi ah maalinta u dhex galo, ama
maalintu habeenka si dhaqsi ah u dhax gasho wax walbana awooda eebbe ayay ku ahaadeen.Sidoo
kale Alle wuxuu mar kale ina tusinayaa qaabka uu dhulka ka dhigay.
Surat Al Zumar Aayadda 5-aad.
“Alle isagaa
abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna habeenka ku daboolaa maalinta,
maalintana ku daboolaa habeenka”
Markii luuqada carabiga loo eego
erayga “kawwara” waxaa lagu micneeyay daboolid, shay ku daboolan shay (Overlap).
Markaad si fiican u eegto aayadan
waxaa kuu so baxaya labo shay oo isku daboolma in ay suuragal ku tahay shay ah
goobo labada dhinac u sheer (spherical).
Tani wa mid kamid ah xaqiiqooyinka Qur’aankawaa
faqay, hadaba waxaan garanay in dhulku yahay mid goobo labada dhinac u dheerah(spherical)
ee uu san ahayn goobo sax (circle).Arintaasna waxaa lagu caddeeyey mar kale
1400 sano ka hor Qur’aan-ka.
SuuradAl-Naazicat Aayadda 30-aad.
“Dhulkana markaas ka dib fidiyey”
Qur’aan-kuwaxa uu inoo caddeyeey in ilaahay uu dhulka
fidiyeey balse ilaahay wuxuu adeegsadaykalimada(دَحَاهَا)
Kalimada (دَحَاهَا) carabi ahaan waxa ay la micno tahy
ukunta goronyada oo kale (ostrich eeg) taas oo inoo caddeynaysa in uu ilahay
dhulka uu u fidiyey qaab-ka ukunta goronyada (ostrich eeg). Meshaas waxa ka
baxday aragtidii sheegaysay in uu dhulku yahay mid wareegsan sidaa goobada
(circle).
Birtu waxa ay ka mid tahay
waxyaabaha lagu sheegay Qur’aanka. Suuradda Al-Xadiid oo macneheedu yahay Birta
aynu naqaanno.
Surat al Hadiid Aayadda 25-aad.
“Dhab ahaan baan ula diray rasuulladannadii xujooyin,
waxaana usoo dajinnay kutub iyo caddaalad, si dadku ugu tooso caddaalad,
waxaana soo dajinnay birta iyadoo shiddo ku dheehantahay iyo nafci dadka iyo in
Eebbemuujiyo cidda u gargaari isaga (diinta) iyo rasuulladiisa iyagoon arkaynin
Eebana waa xoog badane adkaade ah.”
Kelmedda
“soo dejinnay” gaar ahaan waxa aayaddu u jeeddo waa Birta, waxa loo malaynayey
qaab ah metaphorical, waxa ay
sharraxaysaa in birta loo soo dejiyey in ay aadamuhu ka faa’iideystaan. Laakiin
marka aynu qayb uga sii fekerno macnaha aayadda waxa aad ogaanaysaa in loo
jeedo “birta si caadi ayaa Samada birta looga soo dejiyey” waxa aynu
xaqiiqsannay marka aynu aayaddan aragnay mucjisooyinka Qur’aanka ee saynisku
daahfuray.
Waxyaabaha aynu kor kusoo sheegnay oo dhammi waxa ay
tilmaamayaan in aan birta dhulka lagu farsamayn oo ee ay tahay maxsuulkii ka
dhashay qaraxa xiddig kululaatay falliidhadeedii oo ay wada socdeen meteors ka
dibna “Dhulka loo soo dejiyey” waa
sidii ay aayaddu sheegtay oo aan waxba kaga geddisanayn, sida xaqiiqadu tahay
dhamaan waxyaabahan war looma haynin qarnigii 7aad oo Qur’aanku soo degayey.
Birtu waxa ay udub dhaxaad u tahay dhamaan nolosha aadamaha,
mana jirto meel looga maarmo, hase ahaatee waxa ay kamid tahay mucjizooyinka Qur-anka
lagu sheegay waliba suurat dhan ayaa loogu magAc daray “Al xadiid.”
Waxa yaabaha kale oo mucjizada ah waxaa kamid ah in suurada al
xadiid ay tahay kala barka Suuradaha Qur’aanka, taas si lamid ah ayay birtu laf
dhabar ugu tahay nolosha aadama.
Meere kasta wuxuu ku gedgedoomaa (rotate) xariijin udub-dhexaadkiisa ah
taasi oon la arki Karin. Gedoonkaasi meere oo ka soo bilaabma bari ilaa galbeed
ayaa waxay keentaa maalinta iyo habeenka, sababtoo ah iftiinka qoraxda ayaa kolba dhinac ka mid ah meerahaasi
u muuqda.
Inta badan meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay waxay u soo gedoomaan hab waafaqsan wareega saacada, marka
laga reebo meeraha uraano oo asaga lagu wado in uu u gedoomo jiho lid ku ah wareega saacada.
Gedgedoonka meerayaashu way kala duwan tahay, meeraha Dusaa waxay ku qaadataa dhowr saacadood inuu dhamaystiro gedoon xidhan, taasi oo ah habeen iyo maalinta
Dusaa; halka meerayaasha waawayn ee neefta ah ay ku qaadato maalmo badan iney
sameeyaan hal gedoon oo dhamaystiran.
Dad badan ayaa waxa ay aminsanyihiin in
dhulku wareego halka dadka qaaar ay diideen aragtidaas, wadaadsucuudiyaan ah
ayaa qaba in uusan dhulku wareegin waxa uuna yiri “dhulku waa mid taagan balse
waxa wareegaya waa qoraxda”
Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu si raaciyay
Qur’aanka iyo caqliga saliimka ah ahiba nooma sheegayan in dhulku wareego balse
waxa wareega qoraxda.
Intaa kadib buu bilaabey
inuu aayado Qur’aanka ku jira oo ku saabsan taagnaanta dhulka iyo wareega ay
qoraxdu ku wareegeyso dhulka soo daliiliyey.
waxaa ka mid ahaa aayadaha uu keeney aayado uu
macnahoodu yahay “Qoraxdu waxey ku socotaa (yacni wado ahaan) meel lagu
toosiyey wuxuu kaloo yiri “qoraxda iyo dayaxuba mid walba meel falag oo u
khaasa oo uu kasoo buxuu leeyahay” wuxuu kaloo yiri markuu nabi Ibraahim
Caleyhi Salaam. la hadalayey ninkii Ilaahnimada sheegtey “Alle qoraxda Bari buu
subaxdii kakeenaaye bal galbeed adna ka keen (Yacni hadaad sheeganeyso Ilaah
kale oo arliga ku heysta Alle” aycni qoraxdaa socota oo bari alle ka keenaa
hadana makhribkii bari u dhacaysa, hadana barri subax kugu soo noqoneysa.
Xaga Caqliga iyo nadariyada wuxuu soo qaatey tusaale:
Wuxuu yiri hadaan ka duulo garoonka diyaarada ee shaariqa oo aanu u socono
shiinaha, oo sidey sheegteen dhulku u wareegaya xagayaga soow markaa diyaaradu
hadey hawada dhexe la joojiyo oo aanu sugnu inta wadanka shiinuhu soo gaadhayo
meeshii shaariqa markii hore ku taaley ma suuroobeysaa (yacni weligii hadaan
sugno china imanmeyso meeshii shaariqa ku taaley), hadiise uu dhulku xaga
shiinuhu naga xigo u wareegayo ka warama taa macnaheedu waa weligeed ma
gaadheyno, waayo anana waan la wareegeynaa saa la ajligeed weligiis gaadhi
meyno
Waqti dheer Faylusuufyada iyo Saynis-yahanada reer galbeedku waxa
ay aaminsanaayeen in qoraxdu ay san samayn wax socod ah oo ay iska taagantahay
booskeeda, qaar kale ayaa aaminsanaa in qoroxdu samayso socod kabaxsan booska
ay ku jirto.
Saynis-yahan u dhashay dalka Jarmalka laguna magacaabo Yohannus
Keppler ayaa daabacay joornaal xiligu marka uu ahaa 1609-kii kaas uu ku
sheegayo in qoraxdu samayso socod aan habaysnayn (irrugular motion). Balse
aragtidaas waxaa diiday Saynis-yahanadii kale ee reer galbeedka ahaa waxa ayna
sheegeen in qoroxdu ay samayso socod quman.
Sidoo kale waxaa labeeniyay aragtidii Nicholas oo
aheed in qoraxdu aysan aheen mid ku dhaqaaqda bartamaha nidaamka qoraxda (solar
apex).
Waxaa la caddeeyay in qoraxdu ay ku dhaqaaqdo nidaamka loo
yaqaan bartamaha qoraxda (the solar apex) iyo in xiddiguhu yihiin kuwo ku
hareeraysan qoraxda.
Qarnigii 20-aad waxaa si fiican loo fahmay cilmiga
cirbixiyeenimada lagu barto (astronomy) waxaana lagartay in qoraxdu tahay mid
socod ku jirta kuna socota xeero ku taala bartmaha (milky way galaxy).
Surat Al-Anbiyaa
Aayadda 33-aad.
“Eebbewaa kan abuuray habeenka,
maalinta, qoraxda iyo dayaxa mid walbana falag (xeero) buu dhex dabaalan”
Xaqiiqooyinkan uu qur’aanku inna
baray maanta ayaa Saynis-yahannada cirbixiyeenada daahfureen. Marka loo eego dadka
xisaabaadka ku takhasusay cilmiga cirbixiyeenimada waxa lagu sheegay in ay
cadceeddu socoto xawaare ah 720,000 kiilo mitir saacaddiiba jihada loo yaqaanno
Star Vega oo ah xeero khaas ah oo la yidhaahdo Solar Apex. Taas macneheedu waxa
weeye in ay cadceeddu socoto 17,280,000 kiilo mitir maalintii. Sida cad ceedda
oo kale dhamaan meerayaasha waxa ay socdaan fogaan intaas la mid ah. Weliba
intaas waxaa raaca dhamaan xidigaha caalamku waxa ay u socdaan socdaal isla mid
ah oo qorshaysan. Markaa waxa kuu muuqanaysa in kown-ka oo dhan ay ka buuxaan
waddooyin kuwan la mid ah.
SuratAdh-daariyaat
Aayadda 7aad.
“Waxaan ku dhaartay samada ay ka buuxaan waddooyinka iyo
majiireyaashu.”
Waxaa
jira ilaa 200 oo meere oo mid kasta ka kooban yahay 200 oo xiddigood, intooda
badan xiddigahani waxay leeyihiin meere gaar ah, meera kastana waxa uu leeyahay
qaab u gaar ah, dhamaan walxo haweedyadani waxay si qiyaasan u maraan xeeradooda.
Malaayiin sannadoodna waa ay qulqulayeen dhammaantood midna kama baxo xeeradiisa
loogu talo galay. Weliba waxaa kale oo xeerada kula jira waxyaabo badan oo kale
sida Baraf, Qiiq, iyo Hawo.
Weliba
majiireyaasha oo keli ahi ma laha waxyaabaha loo yaqaanno celestial bodies -ka
meerayaasha laftoodu waxa ay ku socdaalaan xawaare xisaabsan iyo xeero
qorshaysan. Dhamaan socdaalladan iyo dhaqdhaqaaqyadani marka ay socdaan midna
mid kale kuma khaldamo ama iskuma khaldamaan.
Sida xaqiiqadu tahay waqtigii uu Qur’aan-kusoo degayey
bani-aadamka ma aysan haysan Telescope ka aynu maanta haysanno iyo qalabkan
casriga ah ee malaayiin kiilo mitir wax lagaga arkayo oo hawada sare ah, sido
kale ma aysan jirin cilmigan casriga ah ee fiisigiska iyo cirbixinyeenimada midna.
Sidaa darteed waqtigaas ma aysan jirin si cilmiyaysan oo lagu ogaan karayey in
ay hawada sare ay tahay wado iyo xeero “full of path and orbits” sida aayaddu u
sheegtay. Si kastaba ha ahaatee Qur’aan-kusi furan oo la fahmi karayo ayuu
innoogu sheegay waqtigaas. Taas ayaa inoo caddeynaysa in Qur’aanku yahay hadalkii ilaaheey.
Sidoo kale waxaa jira walxo haweedyo badan oo
ee ay ka midka yihiin Halley’s comet (iftiin aad u cad oo dhulka laga arko75-76
sanadoodba hal mar) laftoodu waxa ay ku socdaan xeero qorshaysan, waxa ay
leeyihiin xeero u gaar ah oo ay si quman ugu socdaalaan iyaga oo meerayaasha
kala is garab socda.
Mid walba oo ka mid ah meerayaasha waxa uu ku
socdaa xeero u gaar ah mana jiro mid ku dhacaya mid kale, Kan sidaas quruxda
badan u fadhiisiyey ee haddana halkooda ku ilaalinaya waa ALLAHA kown-ka
oo dhan abuuray wax walbana ay xagiisa ka yimaadeen.
In badan waxaa dadaal lagu bixiyay in wax laga ogaado
aragtida ah in kown-kan uu waasacmayo (kala fidayo), waxa jiray aragtiyo
sheegayay in aysan jirn aragtidaas, halka kuwo kalana ay sheegayeen in ay jirto
oo uu kown-kan kala fidayo.
Xiligu markuu ahaa 1925 kii cirbixiyeen u dhashay dalwaynaha
maraykan-ka laguna magacaabo Edwin Hubble ayaa sheegay aragti ah
“dhamaan xidiguhu midba midka kale ayuu ka fogaanayaa taasina waxa ay caddayn u
tahay in kown-ku fidayo”
Aragtidaan waxa ay hordhac u aheed in wax badan laga ogaado
arinka ah fiditaanka kown-ka balse hadda aragtidaan waxa ay noqotay aragti
cilmiyaysan oo saynisku si wacan buu u qeexay.
Haddii aad si fiican u fiirisan aragtidaan waxaa macquul ah
qaar idinka mid ah in aysan u noqon wax maan gal ah, qaar kalana ay cilmi ahaan
u fahmaan hadba qofku inta uu ka fahansanyahay sayniska ayay ku xirantahay hab
fahamka aragtidaan.
Fiditaanka kown-ka waxa ay ka mid tahay aragtiyada ugu waynee
la xaqiijiyay qarnigii 20 aad dhexdiisii, kadib markii si balaaran loo fahmay culuumta
fiisigiska sidoo kalana la helay qalabka lagu eego fogaanta sare “Telescope”.
Aragtidaan markii loo eego Qur’anka ma’ahan mid cusub oo
Qur’aanku waxa uu kawaramay 1400 oo sano ka hor, balse sayniska casriga ah ayaa
dhawaan garaawsaday in ay sax tahay.
Qur’aanka oo soo degay 14 qani ka hor,
waqtigaas oo barashada cilmi feleggu ay ahayd socod barad, ayaa fiditaanka
adduunyada laynoogu qeexay sidan.
Samada waxa aanu ku
dhisnay gacmahayga, annaga ayaana sii fidinayna (Suuradda Daariyaad aayadda 47aad).
Kelmedda (Samada) sida ay aayaddan ugu jirto
meelo badan oo kale oo Qur’aankana lagu isticmaalay macneheedu waa Felegga iyo
kown-ka oo dhan. halkanna sidaas oo kale ayaa ay ugu jirtaa.
Meelo kale oo Qur’aanka ahna waxay ugu
jirtaa “Fiditaan”. Waana tan ay maanta
saynis yahannadu gaadheen.
Ilaa
la gaadhay qarnigii 20aad aragtida keliya ee laga qabay caalamka saynisku ka
aaminsanaa waxay ahayd “kown-ku wuxuu leeyahay dabeecad joogto ah oo aan is
beddelin illaa maalintii la abuuray”.
Cilmi
baadhis, u dhugyeelasho xeeldheer iyo xisaabo badan oo laysku daray waxaa
tiknoolajiyadda cusubi ogaatay in adduunyadu ay lahayd bar bilow mar kastana uu
ku jiro “Fiditaan”.
Bilowgii qarnigii 20aad ayaa khabiirkii
Ruushka ahaa ee dhanka Fiisigiska lana odhan jiray Alexander Friedmann
iyo khabiir kale oo reer Biljam ahaa oo la odhan jiray George Lemaitre
waxay soo saareen aragti odhanaysa “kowwn-ku wuxuu ku jiraa socdaal joogto ah waana
uu fidayaa”.
Aragtidan waxaa lagu caddeeyey xog la
daahfuray 1929 kii Ka dib markii cirka lagu daawaday Telescope kii Edwin
Hubble, maraykanka aqoonyahannadoodu waxay daahfureen in xidigaha iyo
Meerayaashu ay ku jiraan socdaal oo midba midka kale kasii fogaanayo.
Wax kasta oo kown-ka dulsaarani waxa uu u
soconayaa dhinac kale oo ka fog meerihiisa taasina waxay caddaynaysaa fiditaan caalamku
ku jiro. Sidaa darteed baadhitaanno xeel dheer oo muddo soconayey ka dib waxa
laysla xaqiijiyey in kown-ku si joogto ah u kala baxayo. Xaqiiqadan waxaa si
cad u sharraxay Qur’aanka iyada oo aan cidina ogaanin. Taasi waxay caddaynaysaa
in Qur’aanku yahay hadalkii ILAAHAY (SWT), Abuuraha iyo maamulaha kown-ka.
surat al
daariyat aayada 47 aad
“samada annagaa u dhisnay si xoog ah waana
waasinay”
Imam ibnu khathir marki loo eego kelimadaan (muusicuun) waxa
uu leeyahay micne ahaan “waan fidinaynaa, sare Ayaan u qaadaynaa tiir la’aan illaa
ay ahaato mid madax banaan sida ay hadda tahay oo kale”.
Daraasad kasoo baxday 2005 tii magaalada Bayruudcaasimada
wadanka lubnaan ayaa lagu yiri “markii loo eego xiligii imam ibnu kathir
sharaxaadiisa ma muujinayn in ay tahay aragti saynis ah balse markii si fiican
loo bartay cilmiga fiisigiska ayaa la xaqiijiyay in fasiraada imam-ka iyo
aragtida saynisku ay yihiin kuwo isku mid ah”.
Sidoo kale daraasada ayaa tibaaxday xiligii imam ibnu kathir
uu sharaxayay kelimada “muusicuun” iyo xiligaan aan noolnahay ee sayniska
casriga ah wax badan laga ogaaday ay isku micne keenayaan.
Daraasadaan waxa ay leedahay sidoo kale waxaan mugdi ku
jirin in kown-ku yahay mid fidaya, kuna jira fiditaan joogto ah, qaar kamid ah
culimada samaysay daraasada ayaa sheegay in Qur’aanku ay ku jiraan aragtiyo
badan oo cilmi ah illaa hadana uu saynisku casriga ah baaritaan ku wado.
David wands oo ah khabiir
ku takhasusay culuumta cirbixiyeenimada ayaa sheegaya “in kown-ku uu fidayo
ilbiriqsi kasta una fidayo dhamaan dhinacyada, markii aan fiirino kelimada
(muusicuun) oo aan barbar dhigno xaqiiqooyinka cilmiga casriga ah waxaan
arkaynaa in kelimaadan ay tahay kelimad si sax u bidhaaminaysa aragtida
fiditaanka kown-ka”
Macne ahaan Qur’aanka kelimada “muusicuun” cilmiga manta
laga ogaaday fiditaanka kown-ka waa kelmad ku haboon booska kasta, waqti kasta,
sdioo kale kelmadaan haddi laga eego qaamuusyada carabta waxa ay leedahay micne
yaal badan oo waliba xeel dheer, balse markii loo eego aragtida ah fiditaanka
kown-ka kelmadaan waa midda ugu haboon oo qeexaysa.
Saynisyahanada casrigaan waxa ay leeyihiin fiditaanka
kown-ku waa mid aan ka dheeha karno xidigaha waa wayn markii lagu eego
Tescope-ka in ay yihiin kuwo kala fogaanaya oo mid walba booska uu joogay kasi
sikanayo.
Waxaa la xaqiijiyay in kown-ku yahay mid fidaya waana aragti
sax ah oo cilmiga casriga si fiicaan u bidhaamiyay.
4.1 HOGAGGA MADOW (THE BLACK HOLES)
Hogagga madow waa qodob dhawaanahaan kusoo biirayay saaxada
sayniska casriga ah, bal aan isla eegno hogagga madow waxa ka jira iyo
xaqiiqadoodu waxa ay tahay.
Waxa ay aqoonyahanada fiisigisyahanadu tibaaxayaan in
xiddiguhu sida aadamaha ay maraan heerer nololeed oo kala duwan sida
caruurnimo, barbaarnimo, qaan gaarnimo illaa ay gaboobaan oo ay dhintaan.
Qaabka uu u marayo marxaladahaasina waxa ay u dhigantahay in
asal ahaan xiddiggu ka samayso Haydrogen iyo xoogaa Helium ah si
uu si aad ah ugu adkaadana wa in uu helaa xoogaa cuf ah ama culays ah kadibna
haydrogen tii ayaa si xoog ah u fal galaysa kadibna si aad ah iskugu dhagysa
illaa ay isku badasho Helium heerkul kuna oo noqdo mid sareeya.
Kadib xiddigga ayaa yeelanaya bu’ ama (nucleus), kadib
xiddiggaas waxa uu iska ilaalinayaa in uu baaba’o oo xiddigaha kale oo ka cuf
iyo soo jiishada badan ku milmo oo ay dhufsadaan aad ayuuna iskula fal galayaan
illaa uu soo saaro maadada birta (iron) halkaas ayayna kusoo af meermaysaa soo
saarka curiyayaasha xiddigaas, markaas ayuu bilaabayaa in uu dib u noqdo oo uu
gaboobo.
Marka uu gaboobo ama uu dhinto ayaa uu noqonaya hog madow
(black hole) taasi waa habka uu ku samaysmo hogga madow, sayniska casriga aha
ayaa wali ku howlan in uu wax badan ka ogaado aragtidaan ah hogga madow.
Kadib marka uu xiddigaas dhinto waxa uu noqonaya mid aad u
madow oo waxaa katagaya iftiinka sidoo kale waxa uu yeelanayaa cuf aad u
sareeya iyo waliba culays aan lasuurayn Karin, kadib waxa uu yeelanayaa awood
soo jiidasho oo aad u saraysa.
Waxa uu awood u yeelanayaa in uu liqo wax walboo kasoo ag
dhawaada, waxa kasoo ag dhawaada ha ahaadeen wax yar ama wax wayn isku si ayuu
uso jiidanayaa wixii galaana waa sida ay u galeen oo kasoo laabsho majirto.
Saynisyahanada ayaa aminsan in habka hogagga madow ay wax u
dilaan ay tahay hab aan horay loo arag shay walba uu kusoo dhacaa waxa ay
samaynayaan in ay kala jiidaan oo sida rabarka ama cinjirka ukala jiidaan kadib
ayuu shaygu noqonayaa mid aad u dheer kadibna kala go’a.
Aragtida hogagga madow waxa ay soo ifbaxday kadib markii la
is waydiiyay sababta ay xiddiguha iftiinkoodu u sii kordhi waayeen waxaana
aragtidaan loo tiiriyaa in uu daah qaaday Karl
Schwarzschildsanadkii 1916-kii.
Aqoonyahanadu waxa ay sheegayaan hogagga
madow ee xaggeena soo xiga in ay noo jiraan 1600 oo sanad ilays in loo socdo
sidoo kale aqoonyahanadu waxa ay sheegayaan in aysan noo dhaween hogagga madow.
Hogagga madow malahan wax iftiin ah wax
walboo iftiin lehna oo u soo dhawaadana way liqayaan marka saas darteed aad bay
u adagtahay in la arko.
Marka kali ah oo ay suuragal tahay in la
arko waa marka uu laqayo shay iftiin ah ama uu kasoo ag dhawaado shay iftiin ah
waxaana lagu arki karaa Telescop-ka.
Hogagga madow waxa ay ku jiraan socod
joogta ah sida ay tibaaxayaan saynisyahanada cirbixiyeenimada bartay sidoo kale
fiisigis yahanadu way amisanyihiin in ay jiraan hogaggan madow baslse bulsha
waynta caalamka way is moogaysiiyaan in ay jirto aratgtidaan tibaaxaysa hogagga
madowb, bulshada soomlida ayaa iyaduna ah mid aan wax badan ka ogayn aragtidaan
ah hogagga madow.
Si loo xaqiiqsado aragtida hogagga madow
aan eegno waxa ay isku waa faqsanyihiin dhamaan aqoonyahanada ka hadlay
aragtidaan ugu horayn waxa ay ka mideeysan yihiin in:
1-
In aan la arkayn marka
kaliya o la arkayo ay tahay marka uu u dhawaado shay iftiimya.
2-
In ay ku jiraan
socdaal joogto ah.
3-
In ay leeyihiin awood
soo jiidasho oo wixi kasoo ag dhawaada ay so jiidanayaan.
Intaas oo qodob ayaa cadayn u ah in ay
jiraan hogagga madow aragtidaan ayaa lagu sheegay Qur’aanka 1400 oo sano ka hor
balse fahanka dadka ayaa aha mid ka gaabiyay in la ogaado aragtidaan.
Hogagga madow in wax laga ogaado isku
daygoodu waa arin aad u muhiim ah, maadaama uu yahay aragti ku baahday
caalamka.
Haddii aan ka eegno kitaabka alle
aragtidaan hogagga madow, alle SWT waxa uu ku dhaartay in badan oo
makhluuqaadkiisa ah sida qoroxda, dayaxa, buuraha iyo in kaloo badan.
Alle SWT oo arinkaan inoo caddaynaya waxa
uu leeyahay.
Surat at Takwir aayada 15 aad iyo 16 aad
“Waxa aan ku dhaaranaya kuwa qarsoon ee aan la arag”
“Ee socodka joogtada
ah ku jira”
Markii la eego erayga “khunnas” waa waxa qarsoon ee aan la
arag oo waxaad aragteen in shaydaankaba loogu yeero “khannaas” oo ah shay
qarsan.
Shiikh lagu magacaabo Ismaaciil al Buruusaawi ayaa ka
faa looday aragtidaan hogagga modaw Ismaaciil al Buruusaawiwaxa uu sugay
asaga oo sharxaya labadaan aayadood ee an kor kusoo xusnay in ay sharaxayaan
waxa loogu yeero hogagga madow kitaabkiisa “Tanwiir al ad haan min
tafsiir ruuxul bayaan”safxada 501mujaladka afaraadshiikhaan
waxa uu geeriyooday 1137 hijriyadii. Sayniska casriga ah waxba macluumaad ah
kama hayn ilaa lasoo gaaray qarnigii 10 aad.
Sidoo kale culimo kale ayaa sharaxday aayadahaan oo uu kamid
yahay Imaam al Qurdubi kitaabkiisa “jaamic al axkaam al Qur’aan”
waxa uuna ku sheegay in ay aayaadkaan ay ka hadlayaan xiddigaha balse tafaasiil
dheerad ah siima gelin.
Si kastaba ha ahaatee aayaadkaan aan kor kusoo xusnay ayaay
culimadu islaamka u soo daliilsadaan jiritaanka hogagga madow, sidaa darteed
aragtidaan wa mid waafaqsan Qur’aanka kariimka ah.
Mar kale wadaad lagu magacaabo Xusniinwaxa uu leeyahay
aayaadkaan waxa ay si toos ah kaga waramayaan hogagga madow (black holes) isaga
oo kala macneeyay labada eray ee kala ah “al khunnas” oo uu ku sheegay
xiddigaha nool iyo erayga ah “kunnas” oo uu ku sheegay xiddigaha dhintay
haddii xasuustiina dib u celisaan waxaan horay usoo xusnay in xiddigu ay
marayaan marxalado kala duwan illaa ay ka gaaraan heer dhimasho.
Cilmiga loo yaqaan barashada biyaha (hydrology) markii uu soo
shaac baxay waxaa abuurmay doodo fara badan oo ku saabsan sidaa uu roobku ku
da’o, heerarka uu maro, biyaha roobka ee dhulka kusoo da’a halka ay aadaan ugu danbayn.
Ka hor inta aan si fiican loo fahmin waxaa jiray aragti ah in
roobku uu ku yimaado waxa lagu magacaabo “dabeecad” Oo ay micnaheedu tahay in
ay san jirin awood wayn oo ka danbaysa imaatinka roobka, waxa ay aheed aragti Alle
diid nimo ah. Waxaa aragtidaan qabay dadka lagu magacaabo Mulxidiinta ama Alle diidka
(atheist).
Qur’aankakariimka ayaa arintaas beeniyay oo
si cad u qeexay in ay jirto awood wayn oo wax walba maamusha sidoo kale Sayniska
oo ah cilmi aan ku dhisneen aragti ama mala awaal ayaa wax badan oo aragtidaas
ah meesha ka saaray illaa markii danbe si fiican loo bartay wareega biya (the
water cycle).
1580 kii Saynis-yahan(scientist) layidhaahdoBernard
Palissy ayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee keena fikradda maanta caan baxday
ee lagu magacaabo wareega biyaha (the water cycle). Waxa uu si fiican u qeexay
in ay biyaha baddahu ay sameeyan waxla yidhahdo uumi bax (evaporation) qoraxda
oo ku dhacda darteed, kadibna uumi baxaas ay ku qaboobaan hawada sare oo ay
noqdaan sida daruur oo kale, kadibna uu sidaas roobku ku soo da’o.
Sidoo kale wuxuu sheegay in uumi bixii dib ugu soo laabtaan dhulka
qaar koodna ay ku kaydsamaan buuraha barafka ah dushooda.
Qarnigii 18-aad waxaa xog dhab ah laga helay aqoonta ku
saabsan wareega biya (the water cycle) waxaana meesha ka baxay aragtiyadii khaldanaa
ee laga haystay qaabku uu roobku kusoo da’o, biyaha dhulka hoostiisa ku jira meesha
ay ka yimaadeen.
Sidoo kale waxaa la aaminsanaa in biyaha dhulka hoostiisa ku
jira ay yihiin biyaha badda oo uu dhulku soo nuugay in kastoo fikradaas ay
beenisay xaqiiqada cilmiga ah.
Wakaaladda biyaha ee maraykanka qeebteeda cilmi baarista ee
loo yaqaan (USA Geological survey) ayaa sidoo kale wax ka qortay wareega biyaha
(the water cycle) waliba iyada oo adeegsanaysa eray cilmiyeedyo oo uu Qur’aan-kuadeegsaday
tusaale. Biyaha ku keedsan Badaha (water storage in oceans) ayaa waxaa ku
dhacaya qoraxda (the sun), sidoo kale caleemaha geedaha biyaha ku jira waxa ku
dhacaya qoraxda waxa ayna samaynayan uumi baxa qaabka dhirtu u uumi baxdo waxaa
lagu magacaaba (evapotranspiration) biyaha badaha iyaguna waxa ay samaynayaan
waxa loogu yeedho uumi bax (evaporation), ummi baxaas waxaa ku dhacaya qaboobid
(condensation) waliba waxay ku qaboobayan lakabka loo yaqaan (atmosphere).
Marxaladahaas kadib waxaa bilaabanaya soo da’itaanka roobka(precipitation),
roobkaas soo da’ay wuxuu samaynayaa in uu dhulka guntiisa hoose galo (ground infiltration),
kadibna dhulka guntiisa hoose waxaa ku keedsamaya biyo nadiif ah (fresh water
storage) qaar kalana waxay dib u galayaan badaha, hab kaas waxaa lagu magacaaba
“wareega biyaha” (the water cycle).
Hadaba aynu eegno sida uu Qur’aan-kuu caddeeyey.

Surat Al Anbiya 13-aad.
“miyaanan
dhexdeeda yeelin sirraad aad u ifi(Qorraxda)”
1.Ugu horeeynEebbe waxa uu
inoo tilmaamay in qoraxdu tahay meesha laga helayo tamarta. Taas oo markii shay
uu uumi baxayo ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar.
Surat al Nazi’at 31-aad
“Biyahiisa iyo daaqiisana soo bixiya”
2.Alle swt waxa uu aayadaan innoogu
sheegayaa kadib markii qoraxdu ku dhacdo badaha ama dhamaan dhulka in baduhu
ama biyaha dhulka ku jira ay samaynayaan uumi bax (evaporation).
Taasi waxa ay caddeynaysaa
in roobku soo da’I taankiisu uu marayo maraaxil dhowr ah xaalaadan waxaa lagu
magacaaba (water evaporation).
Surat al-Tariq Aayadda11-aad.

“Eebana wuxuu ku dhaartay samada roobka
leh”
3.Waa marxaladii seddexaad oo kamid ah
marxaladaha roobku da’itaankiisu marayo waxaan soo ogaanay markii qoroxdu
dhulka ku dhacdo in baduhu bilaabayaan uumi bax sidoo kalana shay walba oo ay
biyo ku jiraan ay bilaabayaan uumi bax. Uumigaas waxa uu ku qaboobayaa lakabka sare
oo ah lakabka soo xiga dhanka dhulka laguna magacaabo (atmosphere)sidoo kalana
ah lakabka dhulka ka ilaaliya falaaraha qoraxda.
Dhamaan uumi bixii dhulka
katagay waxa ay noqonayaan adke ama baraf(condensed).
Aayadaan haddii aad si
fiican u eegtaan waxa ay caddaynaysaa uumi baxii ay sameeyeen badaha iyo dhamaan
shay walba oo biyo kujireen in ay ku qaboobi doonaan samada waliba lakabka
dhulka soo xiga Xaaladaas waxaa loogu yeedhaa (condensention).
4.marxaladaan afaraadAlle stw
waxa uu innoogu bidhaaminayaa kadib markii ay qabooben dhamaan uumi bixii ooay
noqdeen kuwo adag in lasoo dirayo dabaylo wax bacrimiya, dabaylahaan waxay
qaban doonaan labo shaqo oo aad u muhiim ah:
a. In ay bacrimiyaan
uumi bixii ku qaboobay hawada sare taas waxay inoo faa iidaynaysaa macdanta ku
jirta uumi baxa in ay isla fal galaan oo ay soo baxaan biyo isku dheelis tiran.
b. In ay culays u
yeelaan uumi bixii qaboobay oo ay noqdaan daruuro culus oo iska caabin kara cuf
isjiidadka dhulka, haddii ay daruuruhu noqdaan kuwo aad u qafiif ah waxaa
meesha kabaxaya in biyuhu noqdaan kuwo aan si miisaan leh usoo da’i Karin oo an
iska caabin karin cuf isjiidadka dhulka. Saas darteed Alle swt wuxuu soo
dirayaa dabaylo wax bacrimiya.
![]() |
Surat al Hijrat aayadda 22-aad.
“waxaana dirnaa
dabaysha oo Tallaasha (daruurta)”
5. marxalada
shanaadAlle swtwaxa uu innoogu
sheegayaa kadib markii Eebbesoo diray dabaylihii wax bacriminayay in ay
samaysmayaan daruuro waa wayn oo aad u culus isla markaana is dul saarsaaran
kuwaas oo xambaarsan biyo qabow ah kadibna u diyaarsan in ay soo da’aan, Alle swt
ayaa udoora booska ay ku da’a yaan iyo habka ay u da’a yaan.
Alle swtoo arintaas inoo cadaynaya waxaa uu yidhi:
Surat al Nur aayadda 43-aad.
“miyaydnaan arkayn in Eebbekexeeyo daruuro markaas
isudumo kana yeelo mid is dulsaaran ood aragto roobkoo ka soo bixi
dhexdiisa wuxuuna ka soo dejiyaa (Eebbe) samada buuro qabow ah (thalaj) wuxuuna
gaadhsiiyaa cidduu doono, wuxuuna u dhawyahay nuurka hilaaciisu inuu la tago
aragga.”
6. marxalada lixaadAlle
swt waxa uu innoogu caddaynayaa in lasoo da’ i nayo roobkii waliba
iyagoo ah biyo ku haboon cabitaan, sidoo kale iyagoo ah kuwo nadiif, sidoo
kalana ah biyo badan.
Surat an Naba’aayadda14-aad.
“waxaan idinka
soo dajinay daruuraha biyo badan”
7.
marxalada todobaad
waxaan ku ogaanaynaa in buuruhu ay kaalin muhiim ah ay ku leeyihiin soo da’
itaanka roobka, arintaan mar dhaw ayay ogaadeen culimada Sayniska, balse Alle swt
ayaa arintaan inoo cadeeyay wxuuna yidhi:
Surat al Mursalat aayadda 27-aad.
“waxaana yeelay dhulka dhexdiisa buuro sugan oo waa wayn,
waxaana idinka waraabinay biyo macaan”
8.marxalaadan
sideedaad aad ayay muhhim u
tahay in aad fahantaan marxaladaan waxa ay inoo caddaynaysaa in uumi bixii
dhulka katagay ka dibna noqday roob, in roobkaasi dhulka dib ugu soo noqonayo
kadibna togogagga dhulka ay kala qaadi doonan dhulka guntiisa ay gali doonan,
qaar ka mid ah roobkaas soo da’ay ayaa badaha ku darsami doona.
Alle
swt oo arintaan inoo tilmaamaya wuxuu yidhi:
Surat az Zumar aayadda 21-aad.
“miyaadan arkayn in Eebbeka soodajiyay
samada biyo oo markaas uu galin dhulka iyagoo kasoo burqan dhulka,
markaasna Eebbeku soo bixin beer midebkeedu kala duwanyahay markaas ka dibna uu
ingagi ood arki isagoo cawlan (jaale noqotay caleentii), kadibna ka yeeli burbur,
arintaas waxa ay xasuus utahay kuwa caqliga leh.”
Haddii aad si fiican u dhuuxdaan
aayadaan waxa aad arkaysaan in biyuhu dib dhulka u galayaan, kadibna Alle swt
uu ku soo saari abuur kala gadisan.
Culimada Sayniska (science) ee aan
muslimka ahayn waxa ay qeexayaan in roobku dib ugu noqonayo dhulka, sidoo kale
waxa ay caddaynayaan in markale ay dib uumi bax usameeyan dhaman noolaha, balse
Alle swt ayaa Qur’aankaku xusay dhamaan marxaladahaas kala duwan.
Eray bixinada uu Qur’aan-kuadeegsaday
(Terminlogy) ayay adeegsadeen saynis-yahanadu, taasi waxa ay ku tusinaysaa
dhabnimada Qur’aanka.
9. marxaladaan
sagaalaad sidoo kale waxa aan ku ogaan doona
in biyihi roobka ahaa ee kuso da’ay dhulka ay dib u gali doonaan badaha,
taasina waxa ay caddayn utahay Baduhu in ay ka qayb qaatan wareega Biyaha (the
water cycle).
Alle swt oo arintaan inoo cadaynaya
waxa uu yidhi:
Surat
al Furqan aayadda 53-aad.
“Eebbewuxuu
isku daraa labada badood, kaasi waa ma caan daran, kaasna waa dhanaan daran
(afku diido) yeelayna dhaxdooda soohdin iyo xaajis owdan”
Biyaha roobku qaar kamid ah waxa ay
ku hoorayaan badaha, qaar kalana waxa lagu kaydinaya dhulka guntiisa, culimada
Sayniska waxa ay caddeeyeen in roobku uu ku jiro marxalad wareeg ah, balse Qur’aan-kumar
hore ayuu caddeeyay arintaas. Mar dhaw ayaa la ogaaday biyaha dhulka guntiisa
ku jira in ay yihiin biyihii roobka, ka hor inta aan arintaan la ogaan waxaa la
aaminsana in biyaha dhulka guntiisa ku jira ay yihiin biyo ka yimid badaha waa
wayn.
Sayniska oo ah cilmi aan ku dhisneen
aragti iyo mala awaal ayaa daaha ka qaaday arintaan, balse Qur’aan-ka ayaa mar
hore arintaan lagu caddeeyay.
Alle swt markale waxa uu inoo bidhaaminayaa
in dhulka guntiisa biyaha roobka qaar kamid ah lagu kaydiyo Alle oo a rintaas
qeexaya waxa uu yidhi:
Surat
al Hijrat aayadda 22-aad
“adinkuna
matihidiin kuwa kaydinaya”
Aayadaan waxa aan si fiican oga
dheehan karnaa in Alle swt uu biyaha roobka isagu kaydiyo kuna kaydiyo dhulka guntiisa,
halkaas waxaa ku bur buray aragtiyo khaldanaa ee laga haystay wareega Biyaha(the
water cycle). Billawga illaa dhamaadkan waxaan ku soo ogaanay habka ay Saynis-yahanadu
u qeexeen wareega Biyaha iyo sidoo kale sida ay u waafaqday Qur’aankakariimka
ah, wax walba waxa lagu caddeeyay Qur’aankabalse anagoo ah dad ay yartahay
aqoontooda ayaysan noo suura galin in aan wax badan ka ogaano cilmiga faraha
badan ee Alle dhex dhigay kitaabkisa.
BADAHA MACAANKA IYO DHANAANKA AH OO
AYSAN WAXBA U DHAXAYN.
Waa mid kamid ah xaqiiqooyinka lagu
sheegay Qur’aanka1400 oo sano ka hor in ay jiraan Bado macaan ah iyo kuwo
dhanaan ah oo aan isku milmin.
Astaamaha
badahan waxaa ka mid ah in ay isku dhexjiraan haddana aanay isku milmin haba
yaraatee. Arrintan ayaa dhawaan waxaa ogaaday dadka cilmiga Badaha waa weyn
yaqaanna ee la yidhaahdo “Oceanographers”. Sababtoo ah waxaa jira waxa loogu
yeedho physical force “surface tension” Biyaha Badahan deriska ahi iskuma
qasmaan. Waxaana sabab u ah cufnaanta labada biyood ayaa kala duwan (culus).
Markaa surface tension-ku waxa uu diidaa inay isku milmaan sidii gidaar yar oo
aan la arkayn oo kale u dhexyaallo.
Ka
hor inta aan cilmiga fiisigiska si fiican loo baran waxaa jiray jaha-wareer
badan iyo aqoon-darro baahsan oo dadka ka haysatay Badahan mucjisada ah, kadib
markii si fiican loo gartay cilmiga fiisigiska waxaa awood loo yeeshay la garto
habka badahaan aysan iskugu darsamin.
Balse
si kastoo cilmiga Fiisigiska iyo barashada Badaha hormar fiican looga gaaray
haddana waxaa awood loo yeelan waayay in la garto gidaarkan kala ilaaliya Badaha.
Taas
si lamid ah culimada Diinta Islaamka bartay ayaa dhib ka haystay in ay wax
fikrad ah dadka ka siiyaan badahan kala dhadhanka duwan oo isku darsan haddana
aan isku milmin.
Sayniska
casriga ah ayaa qeexaya in ay jirto gidaar u dhaxeeya badaha aan isku darsamin,
balse Sayniksu waxa uu caddaynayaa in uu san garan karin nooca gidaarka kala
ilaaliya labada Badood, taasi waa mucjiso rabaani ah uu Alle swtkaga waramay
kitaabkiisa 1400 oo sano ka hor.
Dr William hay oo ah qabiir ku takhasusay culuumta badaha waa
wayn sidoo kalana ah Saynis-yahan daraaseeya cilmiga lagu magacaabo Geologiga
ahna professor wax ka dhiga jaamcada Colorado ee dalka Maraykanka waxa uu
leeyahay “waxaan qirayaa in ay jirto gidaar kala qaybiya labada Badood, taasi
waa mid an ladafiri karin balse magaranayo gidaarkaas nooca uu yahay, sidoo
kale waxa aan qirayaa in ay jiraan dhowr meel oo ay badahaani adduunka kaga
yaalaan sida wabiga Niil iyo Badda Mediterranean-ka”.
Dr zakir Naik oo ah dhaqtar bartay culuumta daawaynta guud
iyo qaliinka sidoo kalana ah daaci Islaami ah ayaa dhowr jeer doodo culculus
lagalay Saynis-yahano gaalo ah oo aaminsana in aragtiyadoodu cidna kaga horayn
qaarkoodna been noqdeen.
Alle swt
ayaa dhowr meel oo kitaabkiisa ka mid ah noogu sheegay badahaan kala dhadhanka
duwan iskuna darsan oo aan isku milmin.
Alle swt oo artintaas inoo caddaynaya waxa uu
yidhi:
Surat
al Rahman Aayadda 19-aad.
“Eebbewaa kan labada badood
darsiiyay (kulansiiyay) iyagoo kulmi”
Aayadaan
waxa ay inoo caddaynaysaa in Alle swt uu labada Badood kulmiyay,
markasta maanka ku haay labada Badood ee laga hadlayo waa kuwo kala dhandhan
duwan (macaan iyo dhanaan).
Si ay
kuugu sii cadaato markale Alle swt wuxuu inoo caddaynayaa in ay jirto
gidaar kala ilaalinaya labada Badood isku darsankooda balse aanan awood u
lahayn in aan aragno.
Surat al Rahman Aayadda 20-aad.
“dhexdoodana yeelay soohdin (kala
reebta) iskumana xad gud baan”
Cajiib
awoodda Alle swt waa mid mudan ku cibra qaadasho, waxaan si fiican u garan
karnaa macluumad dhawaan uu Saynisku ogaaday in Qur’aankalagu xusay 1400 oo
sano ka hor taasi waxa ay daliil utahay mucjisa-nimada Qur’aanka.
Alle swt oo inoo sii caddaynaya xijaabka
u dhexeeya labada badood waxa uu yidhi:
Surat
al Namal Aayadda 61-aad.
“ka yeelay badaha dhaxdooda soohdin”
Waxaa
mar kale inoo caddaatay in Eebbe badaha kala dhexdhigay soohdin marnaba iskuma
xad gudbayaan labaas Badood.
Biyaha
labada Badood Alle swt wuxuu ku kala sheegay kuwo aad u macaan oo
aadamaha ay suuro-gal utahay in uu intifaacsado (cabid ahaan) halka kuwa kalana
ku sheegay kuwo aad u dhanaan oo aysan aadamuhu intifaacsan karin (cabid ahaan).
Alle swt wuxu yidhi:
Surat
al Furqaan Aayadda 53-aad.
“Eebbewuxuu
isku daraa labada Badood, kaasi waa macaan daran, kaasna waa dhanaan daran
(afku diido) yeelayna dhaxdooda soohdin iyo xaajis owdan”
Baaritanada
Sayniska waxa ay waa faqeen Qur’aankaoo maanta waxaa laga wada dharagsanyahay
badahaan kala dhadhanka ah iskuna darsan hadana aan isku milmin.
6.1 GUDCURKA BADAHA
IYO MAWJADAHA GUNTA HOOSE EEBADAHA (DARKNESS IN DEPTHS OF THE OCEANS)
Professor Durga Rao, waa khabiir ku takhasusay culuumta Badaha iyo
barashada dhulka sidoo kalana waa bare ka tirsan Jaamacada Abdul-Aziz ee
magaalada jiddeh. waxa uu sheegayaa “in ay jirto Badaha guntooda hoose mugdi
daran iyo waliba mawjado is rog rogaya”. sidoo kale waxa uu sheegay hadal cajiib ah waxa
uu leeyahay “bani-aadamku 1400 oo sano ka hor waxba kama garan karin cilmigaan
ku sugan Qur’aanka.”
Gudcurka Badaha guntooda waxaa lagu gaadhaa
masaafo ah ilaa 200 oo mitir iyo wixii ka hooseeya. Guntan Badda ma jiraan wax laydh(if)
ahi. Marka hoos loo gaadho ilaa 1000 Mitirna wax laydh ahi haba yaraatee ma jiro.
Maanta waxaan wada ognahay xaaladda iyo qaab dhismeedka Badda. Dhaqammada iyo
dabeecadaha noolaha ku dhexjira, milixdeeda, iyo dabcan biyaha ku jira inta ay
le’egyihiin, masaaxadeeda iyo inta ay hoos u fog tahay. Gujisyada iyo qalabka
casrigan la sameeyey ayaa awooday in ay xogtaas ka keenaan Badda gunteeda.
Bani-Aadamku ma awoodaan in ay quusaan wax
ka badan 40 mitir haddii aanay sidan qalabka u khaaska ah quusitaanka. Qalab
la’aan kuma badbaadi karaan gunta hoose, qaybaha gudcurka ah ee badaha waaweyn
sida 200 oo Mitir oo taxadka ah. Sababahaas dartood ayey Saynis yahannadu
awoodeen in ay xogtan daah furan ku saabsan Badda iyo gunteeda. Si kastaba ha
ahaatee kelmedda “Gudcurka badda hoosteeda” waxaa la isticmaalay oo xogteeda la
inna siiyey waqti aanay jirin wax qalab ah oo ka waramaya Badda hoosteeda iyo
inta ay hoos u hulan tahay midna.
Waa
xilli uu san aadamuhu wax fikrad ah ka haysan gudcurka badaha hoostedakajira,
balse kitaabka Alle ee Qur’aankaah ayaa lagu xusay arinkaan 1400 oo sano ka hor
dhawaan markii ladaah qaaday arintaan Saynis-yahannadu waxa ay umalaynayeen wax
cusub in ay dunida kuso dareen, balse culimada Diinta Islaamka bartay ayaa u
caddeeyay in ay arintaan garanayeen waqti hore, waana arin ku noqotay layaab.
Haddii aad si fiicaan u eegtaan Qur’aankawaxa
uu sheegayaa in ay jiraan lakabyo mawjado ah oo ay ka dhashaan mugdi aad u
wayn.
Alle swtoo
arintaas cadaynaya waxa uu yidhi:
Surat
al nur Aayadda 40-aad.
“ama waxa uu la
midyahay mugdiyo bad dhexdeed ah uu dabooli hir korkiisana yahay hir,
korkiisana yahay daruur, waa mugdiyo qaarkood qaar ka sareeyo hadduu bixiyo
gacantiisana uma dhawa in uu arko, ruuxaan Eebbe u yeelin nuur malahan nuur.
Saynis-yahannadu
waxa ay dhawaan ogaadeen in ay Badda gunteeda jiraan Mawjado ka dhex dhasha
lakabyada badda ee kala cufnaanta duwan. Mawjado hooseedyadaasi waxa ay ka
dhacaan taxadka hoose ee badaha waayo biyaha xagga hoose ee baddu way ka
cufnaan badan yihiin kuwan kale ee dusha. Mawjado hooseedyadaasi waxa ay u
dhacaan sida kuwa dusha oo kale, waxa ay u jabaan sida kuwa dusha oo kale,
mawjado gudeedkaasi laguma arki karo indhaha dadka ee qaawan. Laakiin waxa lagu
ogaan karaa marka la daraaseeyo heer kulkooda ama isbeddelka milixdooda meelo
laga soo qaaday.
Habka Qur’aan-kuu sheegay iyo habkan aan
kor kusoo sharraxnay waxa ay isu baal ordayaan si isla mid ah oo aan waxyarna
ku kala duwanayn. Haddaan cilmi baadhis la samaynin way iska fududdahay in
qofku uu arko mawjadda badda korkeeda ka jabaysa, laakiin macquul maaha in uu
ogaado mawjadda badda badhtankeeda ka jabaysa. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa
ilaahay maankeenna kusoo jeediyey in ay jiraan nooc kale oo mawjado ah oo ka
dhaca badaha guntooda. Isla markaas aad xaqiiqadan eegto waxaad ogaanaysaa in uu
Qur’aanku yahay hadalkii Ilaahay.
Saynisyahanadu lakabyada hoose badaha oo ay ka dhashaan mugdiyadu
waxa ay u bixiyeen magacyo kala gadisan, balse markase hadalkoodu waxa uu
waafaqay Qur’aankakariimka ah, aan soo qaadanao magacyadaas.
a.
Surface Waves
b.
Dense Water
c.
Less Dense Water
d.
Internal Waves
Habkaan ay lakab-yadu ukala sareeyaan waa habka aan kuso xusnay
Aayadda ku jirta Surat al Nur, sidoo kale aayaddu waxa ay qeexday lakab-yadu
sida ay ukala hooseeyaan in ay u kala mugdi badanyihiin, Saynisyahannadu waxa
ay waafaqeen habka ku xusan Qur’aanka, taasi waa awooda Alle oo an ciddna
dafiri karin.
Sayniska casriga ah ayaa isku howlay in wax badan laga
ogaado qaab dhismeedka buurah, shaqada buuraha, socodka ayku jiraan buuruhu iyo
guud ahaan macluumaad ku saabsan buuraha.
Baaritaano ay sameeyeen culimada ku takhasustay culuumta Geology-yada
ayaa tilmaamaya in buuruhu ay ku jiraan socod joogto ah, sidoo kale waxaa la
ogaaday in buuraha qaybta muuqata ee isha bani-aadamka u muuqata ay ka dheertahay
ama la egtahay qaybta dhulka guntiisa ku jirta.
Sayniska casriga ah inta aan si fiican loo fahmin waxaa la
aaminsanaa khuraafad fara badan oo ku saabsan buuraha iyo shaqadooda, dad ayaa
aaminsana aragti khaldan oo ah in buuruhu ay isku hayaan cirka iyo dhulka.
Aragtidaas aan saxda ahayn waxaa mar hore beeniyay Qur’aankakariimka
ah oo soo dagay 14 qarni ka hor, Sayniska casriga ah ayaa kaalin muhiim ah ka
qaatay in la fahmo qaab dhismedka buuraha iyo shaqadooda.
Qur’aanku
wuxuu dareenkeenna u si xariifnimo ku jirto ugu soo jeedinayaa shaqada buuraha
iyo waxa ay inoo qabtaan.
Buuruhu
waxa ay dhulka ka ilaalinayaan in uu sameeyo ruxitaan ama dhaqdhaqaaq(shaking)
taasi waa shaqada ugu wayn uguna muhiimsan oo ay inoo hayaan buuruhu.
sida
aan hore u soo sheegnay waxa ay buuruhu dhulka ka ilaaliyaan in uu dhulku dek-keeyo
oo dhaq dhaqaaq sameeyo, sidaa darteed buuruhu waa masaabiirta dhulka.
Xaqiiqadan cidina ma ogeyn
waqtigii uu Qur’aanku soo degayey, waxa ay ka mid tahay xaqiiqooyinka maanta
cilmiga casriga ah ee loo yaqaanno Geology-gu daahfuray.
Marka
loo eego qalabkaan cusub ee la helay, waxaa la ogaaday Buuraha waxa soo saaray
dhaq dhaqaaqa iyo xamaarasho xooggan oo dhulka hoostiisa ah markuu is
qaabaynayey. Haddii laba bilaydh (saxamada) la is dulsaaro kan xooggani wuxuu
hoos ula degi lahaa qaybta laga fudud yahay waxaana dhici lahaa janjeedh, sidaa
darteed marka mid la buurto foorar ayaa innagu dhici lahaa. Sidoo kale waxa la
ogaaday in qaybta dhulka ku jirta buuraha ee qarsooni in ay dhulka hoos u gasho
oo weliba ay ku fiddo, sidaa darteed buurta qaybteeda aasan iyo qaybta muuqataa
ay is le’eg yihiin ama waxaaba dheer qaybta dhulka gunteeda ku jirta.
Buuruhu
dhanka kale waxa ay leeyihiin meelo sidii ribidh-dhadii oo kale layskaga xidho
bilaydhada dhulka ee isa saaran oo mid waliba meel ku began yahay, waxay isku tolaan
dhulka si ay uga hortagaan kala siibasho in ay dhacdo, kala siibashadaas oo ah
in ay is dhaafaan lakabyada loo yaqaanno “Magma Stratum” oo bilaydhada dhulku
leeyihiin isagana tallaabaan lakabyada dhulka. Isku soo wada duub oo buuruhu
waxa ay dhulka u yihiin sida masaabiirta laysugu qabto looxaanta.
Isku
tolista dhulka ee ka mida shaqada ay buuruhu innoo qabtaan waxa ay ku soo
koobeen Saynis-yahannadu kelmedda “Isostasy” isostasy macne ahaan waxay
noqonaysaa:
Isostasy:waa miisaamaha guud ee dhulka, kaas
oo ka hor taga in ay qulqulaan oo ay socdaan dhadhaabaha dulsaaran dhulka iyo
kuwa ku dhexjiraaba iyada oo uu jiidanayo waxa loo yaqaanno “gravitational
Stress.
Shaqadan
aadka u ballaadhan ee sayniska casriga ahi ogaaday imminka, waxaa Qur’aanka la
inoogu sheegay qarniyo badan ka hor, taasina waxa ay innoo caddaynaysaa
xikmadda ilaahay kown-kan u abuuray.
Alle swt oo arintaan daaha nooga qaadaya wuxuu yidhi:
Surat al Naba’ Aayadda 6-aad.
“miyaannan dhulka gogol ka yeelin”

Surat al Naba’Aayadda
7 aad.
“Buurahana rukummo (ka yeelin)”
Aayaddaan waxa aan ka faa iidaysanaynaa ama ay inoo
qeexaysaa in buuruhu ay yihiin qaab rukumo oo kala ah kuwaas oo haya dhulka
sida masaamiirtu u hayso looxaanta (alwaaxda).
In buuruhu ay dhulka
hayaan oo ay ka ilaaliyaan in uu ruxmo ayuu Alle swt inoo sheegayaa wuxuuna
yidhi:
Surat Anbiya Aayadda 31-aad.
“waxaana yeellay dhulka sugayaal (buuro)
inayna la ilaalin dadka, waxaana yeellay dhexdeeda karimo waddooyin ah, in ay
ku toosaan”
7.1 DHAQ DHAQAAQA BUURAHA
Socdaalka buuraha waxaa sabab u ah dhaq
dhaqaaqa dhulka ay ku fadhiyaan ama dhexyaallaan. Dhulku wuxuu ku dul fadhiyaa,
qaybta hoose ee adkaha ah loona yaqaanno “mantle layer” waxa ay ahayd bilowgii
qarnigii 20aad markii ugu horeysay ee inta taariikhda aadamaha, Saynis-yahan
Jarmal ah oo la odhan jiray Alfred Wegeneruu sheegay in qaaradaha dunidu ay isku
dhegsanaayeen markii hore ee la sameeyey, laakiin sidii ay dib ugu kala
guranayeen ay caadi u kala baxeen oo ay u kala fogaadeen.
Saynis-yahannadu waxa ay fahmeen in Wegeneruu saxnaa 1980s, 50 sano ka dib
dhimashadiisi. Sida uu Wegener ku sheegay qodob la daabacay 1915-kii, uu kaga waramayey
dhulka xajmigiisu in uu isku dhegsanaa qiyaastii 500 oo milyan oo sano ka hor.
Xajmigaan cufan ee dhulka waxaa loo yaqaan ‘Pangaea’oo ku taalla cidhifka waqooyi.
Qiyaastii 180 milyan oo sano ka hor, Pangaea wuxuu u qaybsamay labo qaybood,
kuwaas oo u kala socday jihooyin kala duwan. Mid ka mida qaaradahaas waaweyn
waa Gondwana, waxaana ka mid ah Afrika,
Ustareeliya, Antartica iyo Hindiya. Tan labaadna waa Laurasia waxaana ka mid ah Yurub, koonfurta
Maraykanka, Eeshiya marka laga reebo Hindiya. 150 kii milyan ee xigayna Godwana
iyo Laurasia waxay sii wadeen kala googo’ii, waxa ayna u kala googo’een
qaybo yaryar.
Qaaradahani
waxa ay ka abuurmeen ka dib markii uu kala jajabay Pangaea socdaalna ay galeen
dhulka dushiisa iyaga oo sannad kasta soconaya dhawr senti mitir, isla
waqtigaas waxa iyana isbeddel ku imaanaya badihii iyo dhulkii ay ku fadhiyeen.
Daahfurka maxsuul ka soo baxay cilmi-baadhis ay
sameeyeen geologist-yaal bilowgii qarnigii 20-aad socdaalkaan dhulka waxa ay u
sharraxeen Saynis-yahannadu sidan:
Dhulka qaybtiisa hoose iyo inta sare ee loo
yaqaano ‘mantle’ oo dhumucdiisu isku tahay 100KM, ayaa waxa ay u qaybsamaan
qaybo loo yaqaanno ‘plates’ama lakabyo.
Waxa jira lix lakab oo ugu waaweyn iyo dhawr
kale oo yar yar. Marka loo eego aragtida “plate tectonics” ama “dhismaha
lakabyada” lakabyadani way guuraan iyaga oo wata qaaradohoodii iyo sagxaddii
badaha waaweyn ee dunida. Socdaalka qaaradaha waxaa lagu qiyaasaa 1-5 cm
sannadkiiba.
Socdaalkaas ay qaaraduhu ku jiraan ee iska
soconayaa wuxuu keenayaa in isbeddel aan badnayni ku dhaco Juquraafigii dhulka.
Socdaalkaas sannad kasta ahi wuxuu sababayaa in badihii waaweynaa ee dunidu ay
ballaadhaan xoogaa.
Waxa
jira qodob muhiim ah oo ay tahay in aan sheegno. Allah waxa uu inna ogeysiiyey
socdaalka buuraha isaga oo weliba innoo tilmaamay in socdaalkaasi yahay mid aad
u yar oo aan la dareemi Karin. Maanta sayniska casriga ahi wuxuu isticmaalay
kelmedda ah “Continental Drift” Iyaga
oo socdaalkan u jeeda
Waxaan su’aali ku jirin in ay ka mid tahay mucjisooyinka
Qur’aanka ee maanta Sayniska casriga ahi xaqiijiyey. Sayniskaas oo waqtiyar ka
hor uun la daahfuray waxa uu arkay waxa ay noqdeen wax Qur’aanku inna baray.
Arinta ku saabsan dhaq dhaqaaqa buuraha Alle swtisaga
oo inoo cadaynaya waxuu yidhi:
Surat al Namal Aayadda 88-aad.
“waxaadna
arkaysaa buurihii ood u malayn inay ingagantahay(sugantahay)
Iyadoo
u socota sida daruuraha, waase sancada Eebaha sugay wax kasta, Eebana waa
ogahay waxaad falaysaan”.
Aayadaan
waxa aan ka dheehan karnaa in ay inoo caddaysay in buuruhu ay ku jiraan socod
ka dahsoon arageena caadiga ah, socodkaas waxaa ka dhashay in ay samaysmaan
buuro cusub kana samaysmaan baro cusub.
In
badan oo kamid ah saynis-yahanada wax ka ogaaday cilmiga ku saabsan buuraha
waxa ay qireen in looga horeeyay aragtidooda waxa ayna xaqiiqsadeen in uu jiro
masdar wax walba loola laabanayo oo ah kitaabka Qur’aankaah.
Sayniska
casriga ah waxa uu kuso biyo shubtay in uu waafaqo Qur’aankakariim-ka ah, kaasoo
ah hagaha aadamaha dhamaan qaybaha kala gadisan ee nolosha, waase ciddii
garasho leh.
Waqtiyadii
hore dadku ma aysan aqoon in dhirtu leedahay labo jinsi oo kala gadisan (lab
iyo dhadig). Balse barashada cilmiga lagu daraaseeyo dhirta (Botony) ayaa
kaalin wayn ka qaatay in si fiican loo fahmo dhirta iyo jinsigeeda kala
gadisan.
Dhirta
oo kamid ah calaamadaha waa wayn ee muujinaya Alle swtjiritaankiisa ayaa
dhawaan la ogaaday in dhirtu leedahay jinsi kala nuuc ah (lab iyo dhadig)
Qur’aankaoo
ah masdarka nolosha aadamaha oo dhan aya arintaan lagu xusay 14 qarni ka hor, Alle
swt oo arintaas inoo caddaynaya waxa uu yidhi:
Surat
Taha Aayadda 53-aad.
“waa
Eebaha ka yeelay dhulka gogol, oo idinka soo bixiyay dhexdeeda waddooyin oo
idinka soo dajiyay samada biyo oon ku soo bixinay noocyo doog ah oo kala tagsan”
Haddii
aad eegtaan erayga azwaajanwaxa uu tilmaamaya shay kala nooc ah, halkaas
waxa aan ku xaqiiqsanaynaa in dhirtu leedahay labo jinsi oo kala nooc ah (lab
iyo dhadig).
Aqoon
darradii aadamaha ka haysatay jinsiga dhirta ilaa xad waa uu yaraaday markii si
fiican loo daraaseeyay cilmiga barashada dhirta (Botony).
Sayniskaan
casriga ah waxa uu waafaqay Qur’aanka oo soo dagay 14 qarni ka hor.
8.1 MIRUHU WAXA AY LEE YIHIIN LAB IYO DHEDDIG
(FRUITS HAVE MALE AND FEMALE)
Mirihu
waa qaybta ugu danbeeya oo ay soo saaraan geedahu si uu aadamuhu u
intifaacsado, balse ka hor inta aan la helin miro waxaa jira jinsi kala duwan
oo ay ka yimaadeen mirahaas, ubaxa dhirta korsaaran ayaa kaalin muhiim ah ka
qaata isku bacriminta labadajinsi (lab iyo dheddig).
Markii
la eego cilmiga barashada beeraha (agriculture) waxa aad arkaysaa in uu si fiican
kaga hadlay habka ay isku bacrimiyaan dhirta iyaga oo isticmaalaya qaabab kala
gadisan sida in dabayl ay isku bacrimiso ubaxa geedaha, ama in biyaha roobku
isku bacrimiyaan ubaxa geedaha (daadka).
Waxaan
wada ogsoonahay in ubaxu uu leeyahay shay u eg dareere oo ah dhag dhag kaas oo
dhirta u suura galiya in labada ubax ee kala jinsiga ah isku dhagaan kadibna
halkaas uu ka samayso bacrimin, kadib bacrimantaas ayaa laga faa’iidaa miro
kala duwan.
Arintaan
Sayniska casriga ah ku cusub, ayaa ku xusan Qur’aankaoo soo dagay 1400 oo sano
ka hor aAle swtwaxa uu leeyahay:
Surat
al Ra’di Aayadda 3-aad.
“midho
kastana ka yeelay dhexdiisa labo labo nooc”
Qur’aan-kuwaa
uu caddeeyay in miraha ay ka koobanyihiin labo jinsi oo kala nooc ah (lab iyo
dhaddig).
Sayniska
casriga ah waxa uu waafaqay Qur’aankaoo soo dagay 14 qarni ka hor.
8.2 SHAY WALBA WAXAAAN KA SAMAYNAY LABO NOOC (EVERY
THING IS MADE IN PAIRS)
Aragtidaan
waxa ay tilmaamaysaa in shay walba ka samaysanyahay labo nooc, markii la eego
aadamaha, xayawaanaadka, dhirta, miraha, iyo xitaa korontada oo kasamaysan
positive (balaas) iyo negative (maynis).
Sayniska
casriga ah dhawaan ayuu gartay arintaan,Qur’aanka waxaalagu xusay 14 qarni ka
hor.
Ila
eega aayadahaan Eebbenoogu caddaynayo in shay walba uu ka samaysanyahay labo
nooc Alle swt waxa uu yidhi:
Surat
adh-dhaariyat Aayadda 49-aad.
“wax
walbana waxaan ka abuuray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan”
Waxa
aan si cad u fahamnay in shay walba laga abuuray labo nooc, sayniska casriga
ahna waxa uu waafaqay Qur’aanka.
Markale
Alle swt waxa uu inoo sheegayaa in shay walba laga abuuray laba nuuc.
Surat
Yaasiin Aayadda 36-aad.
“Waxaana
nasahnaa Eebaha abuuray noocyada dhamaanteed oo ah waxa dhulku soo dhaliyo iyo
naftoodaba iyo wax ayna ogayn”
Qarnigii
20 aad ayaa la helay macluumaad badan oo ku saabsan Shinnida oo aan wada og nahay
in ay aadamaha intifaac badan u leedahay, baaritaano badan oo la sameeyay ayaa
caddaynaya in maanta dunidu si fiican kaga faa iidaysatay malabka Shinnida.
Buug
uu qoray nin lagau magacaabo Shakespear ayaa waxaa looga hadlay
macluumaad ku saabsan Shinnida Shakespearwaxa uu leeyahay “Shinnidu wa
askar waxa ayna leeyihiin boqor”.
Sidoo
kale Shakespearwaxa uu sheegay in shinnida malabka samaysa ay tahay
midda labka ah iyo in ay dhisaan guryaha Shinnida.
Saynis-yahan
lagu magacaabo Von-Frischayaa cilmi baaris ka sameeyay hab dhaqanka shinnida iyo
qaabka ay uwada xariiran waxa uuna ku qaatay shahaadada caalamiga ah ee loo
yaqaan Nobel Prize1973-kii. waxa uuna soo ogaaday in shinnida dhediga ah
ay dhisto guryaha shinnida sidoo kalana ay sameeyaan malabka.
Si kastaba ha ahaateVon-Frischwaxa
uu meesha ka saaray aragtidii uu qabay Shakespear ee aheed in shinnida
lab ay guryaha dhisto sidoo kalana isla iyadu malabka samayso.
In muddo ah ayaa la
rumaysnaa aragtida Shakespear, balse Sayniska casriga ah ayaa dhamaan
iska laalay aragtidii aan xaqiiqada ku dhisneen.
Saynisku waxa uu ku
dhisanyahay tijaabooyin lasameeyay mana ahan aragtiyo mala awaal ah, sidaa darteed
inta badan waxa uu soo saaraa xog ku dhisan xaqiiq sidoo kalena wadata caddaymo
si meesha looga saaro aragtiyada aan ku dhisneen xaqiiqda.
Von-Frischwaxa uu
sheegayaa in sayniska casriga ah ay waqti dheer ay ku qaadatay in wax laga
ogaado shinnida iyo hab dhaqankeeda.
Qur’aankaoo soo dagay 14
qarni ka hor ayaa arintaan daaha ka rogay balse saynis-yahannada casriga ah
layaab ayay ku noqotay in arintaan lugu sheegay Qur’aankawaxaan wada ognahay in
Qur’aankalagu soo dajiyay Nabi Muxamed (NNKH) oo an waxba qorin waxna aan
aqrin, arintaas ayaa ah mucjiso kale oo caalamka aan Alle swt rumaysnayn
ka yaabisay, aan isla aragno sida cajiibka ah ee Qur’aankau bidhaamiyay Shinnidda.
Surat al Nahal Aayadda 68-aad.
“wuxuu
u waxyooday (ku ilhaameeyay) Eebahaa shinnida, ka yeelobuuraha guryo iyo
geedaha iyo waxay dhistaan”
Aayadaan
waxa ay si fiican u caddaysay in shinnida dhedigay samayso malabka, Qur’aan-ku
waxa uu adeegsaday kelmadaha lagula hadlo dhediga ama haweenka sida.
اتَّخِذِىۡ“oo ah ka yeelo(mid dhedig ah)” haddii
aad luuqada carabiga eegto kelmadaha loo adeegsado haweenka ama dheddiga ayuu Alle
swt ku caddeeyay in shinnida dheddig ay malabka samayso.
Alle swt mar kale asagoo inoo caddaynaya
waxa uu yidhi:
Surat Al NahalAayadda 69-aad.

“markaas
cunmidho kasta xaggooda, qaadna jidadka Eebahaa oo layn layn(saf saf), waxaana
kasoo baxa calooshooda cabbid kala duwanatahay midabkoodu dhexdiisana waxaa ah
daawo dadka arrintaasna calaamaa ugu sugan ciddi fikiri”
Markale
Eebbe waxa uu adeegsaday kelmadaha lagula hadlo dheddigasida كُلِيoo ah cun “Tan dhedig”.
Taasi
waa mid inoogu filan caddayn, Qur’aan-ku waxa uu buriyay aragtidii khaldaneed
ee laga haystay Shinnida iyo hab dhaqankeeda.
Sidoo
kale Aayaddaan waxa aan ka dheehan karnaa in malabka shinniadu ay daawo inoogu
jirto haddii aan nahay aadamaha, caalamka hormarka sameeyay waxa uu si fiican u
gartay malabka in ay daawo ku jirto wuuna ka faa’iidaystay.
Qaybo
kamid ah dhulka soomaalidu degto ayaa dhawaan laga bilaabay dhaqashada shinnida
iyo ka ganacsiga malabka, in kastoo aysan hayn aqoon ku filan si looga
faa’iidaysto caafimaadka badan ee Alle swt ku sheegay malabka, eeg sida
Eebbe Inoogu iftiimiyay in malabka shinnida caafimaad noogu suganyahy فِيهِ شِفَاءٌ
“Dhexdiisana waxaa
ah daawo.”
Sidoo kale aayaddaan waxa ay inoo sheegaysaa in aan fikirno
oo aan caqligeena wax in badan adeegsano, Qur’aan-ku in badan ayuu la hadlay
caqliga aadamaha siyaabo kala gadisa.
Waqti
badan waxaa ladaraasaynayay caarada iyo guryaheeda, sidoo kale waxaa baaritaan
lagu sameeyay nooca caarada ee guryaha dhista, baaritaanadaan waxaa lasameeyay
qarnigii 20-aad.
Guriga caarada ayaa ah kan ugu liita, dhamaan makhluuqaadka
kale waxay dhistaan guryo adag oo ka celinaya roobka iyo dabaysha, marka laga
reebo Caarada oo dhisata guri aan faa’iido lahayn. Inta ay nooshahay
Caaradu waxa ay dhisaysaa guri hadana mudo yar oo daqiiqada ah ayuu ku dumayaa.
Caaradu waxa ay u dhistaa gurigeeda qaab laba geesood ah,
halka cayayaanka kale u dhisaan sadex geesood taas oo ka dhigaysa guri
handasadiisu hooseyso, oo diyaar u ah in dabayl, kuleyl ama qabowgu wax yeeleeyo.
Xadhkaha Caarada markay dhisto oo ay mudo ku qaadato ayay
hadana maalinta ugu horeysa dabcayaan markaasay cunaysaa xadhkaha si ay
mar labaad u sameyso guri kale.
Nolosha Caaradu waa mid kala tagsan, waxa dhici karta in
Caarada dheddig ay cunto ninkeeda, caruurteeda, walaaladeed iyo cidii kasoo hor
baxda ee ka taag yar. Nolosha Caaradu waxa ay dhab ahaan shaabahdaa nolosha
dadka Mulxidiinta ah ee aan Ilaahay iyo Rasuulna rumaysnayn.
Sidoo kale kuwa Alle swtu yeela wadaay lawadaaga
amaradiisa ama yaboohiisa kuwaasi waxa ay lamid yihiin kuwa guri caaro ka
yeeshay hooy.
Sayniska casriga ah waxa uu caddeeyay in guriga caarada wax
laga faa’iido aysan jirin, waxaaba intaas dheer guriga caarada waxbaa lagu
dhibaateeya oo wax walbo oo kusoo dhaca shabaqeeda waa lagu dhibaateeyaa.
Intaas waxaa dheer in caarada dhedig ay disho caarada labka
ah kadib markii uu bacrimiyo.
Sayniska casriga waxa uu ina barayaa in caarada dhedig ay
dhisto guryaha caarada, oo aysan dhisin caarada lab, in muddo ah ayaa baaritaan
lagu hayay arintaan si loo ogaado xaqiiqda ku saabsan caarada.
Qur’aankaoo soo dagay 14 qarni ka hor ayaa arintaan inoo
bidhaamiyay waxa uuna sheegay in caarada dheddiga ah ay samayso guryaha caarada
oo aysan samayn caarada labka si fiican u dhuux aayadan soo socota.
Surat al AnkabutAayadda 41-aad.
“kuwii
yeeshay Eebbeka sokow awliyo (so keeye u gargaara) waxay lamid yihiin caaro yeelatay
guri waxaana ugu xun guryaha guri caaro”
Haddii aad si fiican u
eegtaan aayadaan waxa aan ka dheehan karnaa labo arimood oo muhiim ah, ugu
horayn waxa ay inoo iftiimisay in guryaha kan ugu xun uu yahay guriga caarada,
sidoo kale aayadaan waxa ay inoo bidhaamisay in caarada dhedig ay dhisto
guryaha Alle swt markuu tilmaamayay waxa uu adeegsaday kalmadaha lagula hadlo
dheddiga sidaتْاتَّخَذoo ah “ka yeelatay”halkaas
waxaa ku cad in caarada dhedig ay guryaha dhisto.
Sayniska casriga ah baaritaanadiisii oo dhan waxa uu waafaqay Qur’aanka.
Culima badan oo reer
galbeed ah oo kamid ah culimada ku takhasustay culuumta Sayniska, ayaa waxa ay
baaritaan ku sameeyeen dalka Germany, iyagoo baarintaano caynkaas ah oo kala
duwan kusoo sameeyay dhulal kala duwan oo kamida shanta qaaradood ee adduunka.
Culimadaasi waxa ay baarayeen hab nolaleedka xasharaadka kala duwan iyo
qaababka kala duwan ee ay u noolyahiin. Waxayse baarintaankoodii ugu dambeeyay
kusoo saareen waddanka Germanay natiijo cajiib ah oo ku saabsan nolosha
quraanjada.
Baarintaanno
ay u adeegsadeen miqyaas iyo qalab cusub oo casri ah ayay ku ogaadeen in
Quraanjadu ay u nooshahay sida dadka oo kale. Waxa kaloo ay sheegeen in
Quraanjadu ay leedahay boqortooyo iyo maamul iyo kala dambeyn sida dadka oo
kale, iyagoo qeexay inay maamusho boqorad (dhedig ah). Waxyaabaha kalee
cajiibka ah ee culimadani ay soo bandhigeen ayaa ah in Quraanjadu ay hadasho oo
ay ku hadasho luuqad u gaar ah, iyagoo dhagaystay khudbad ay u jeedisay
boqoradda Quraanjada.
Waxay
kaloo qeexeen culimadu in quraanjadu ay tahay noole aad u taxaddar badan, oo
dhulka hoostiisa godadkana ay u samayso sida dhismayaasha dadka oo kale.
Godadka ay gasho ayaa lagu sheegay inaanay ahayn godad oo qura, balse ay yahiin
dhismayaal cajiib ah oo leh qolal iyo daaro cajiib ah, sida ay culimadu daah-rogeen.
Waxyaabaha kalee nolasha Quraanjadu ay culimadaasi ka sheegeen waxaa kamid ah
inay Quraanjadu tahay noole cududaar badan, intabadana waxa ay ka leexdaan
meelaha noolaha kale uu marayo ama kusugan yahay haddii ay ogaadaan, ayagoo u
cududaaraya si aanay iyagana u dhibin cidna khalad uga dhicin.
Haddaba macluumaadkan iyo baaritaannadani ay sameeyeen culimada aqoonyahannada ah ee reer galbeedka, ayaa waxa ay boqolkiiba boqol ayideysaa aayado Qur’aan ah oo Illaahay inooga qisooday (1400 sano kahor) xaaladda Quraanjada markuu inooga warramayay qisadii Nebiyullaahi Sulaymaan. Waxaase mucjiso ah in 114-ta suuradood ee Qur’aanka kariimka ahi mid kamida ay magac kasidato Quraanjada (Suuratun Namli).
Haddaba macluumaadkan iyo baaritaannadani ay sameeyeen culimada aqoonyahannada ah ee reer galbeedka, ayaa waxa ay boqolkiiba boqol ayideysaa aayado Qur’aan ah oo Illaahay inooga qisooday (1400 sano kahor) xaaladda Quraanjada markuu inooga warramayay qisadii Nebiyullaahi Sulaymaan. Waxaase mucjiso ah in 114-ta suuradood ee Qur’aanka kariimka ahi mid kamida ay magac kasidato Quraanjada (Suuratun Namli).
Haddaba
muxuu Qur’aan-ku ka yiri xaaladda Quraanjada:
Surat
al Namal Aayadda 18-aad.
“markey
yimaadddeen toggii, Quraanjabaa waxay tiri, quraanjooy gala guryihiinna yeyna
idin ku tumanin sulaymaan(cs) iyo ciidankiisu iyagoon idin ogayn”
Haddaba
sida macluumaadkan cilmiga casriga laga helay waxa uu caddeynayaain quraanjadu
tahay noole sida dadka u nool, aayadda Quraanka ahina sidaas oo kale ayay inoo
sheegaysaa. Waxay yiraahdeen Quraanjadu waxa ay leedahay maamul iyo boqortooya
wayna hadashaa. Aayadda Qur’aankaahi waxa ay inoo sheegeysaa inay Quraanjadu
maamul iyo midnimo leedahay oo ay hadasho.
Waxyaabaha
ay daaha ka qaadeen ayaa waxaa kamid ahaa inay u khudbeyso Quraanjo dhedig ah.
Aayadda Qur’aankaahina waxa ay inoo tilmaamaysaa in Quraanjada la hadashay
Quraanjooyinka kale ay ahayd mid dheddig ah, sababtoo ah aayaddu waxa ay
adeegsaty kelmadaha dheddiga lagula hadlo.
قَالَت,taasoo macnaheedu yahay “waxa ay tiri”ma
aanayoran aayadduقَالَ
“waxa uu yidhi” Quraanjadu waa noole aad u taxaddar badan, waxaa taasi inoo caddeysay aayadda Qur’aniga ahi marka ay leedahay Quraanjadu” QURAANJOOYGALA GURYIHIINA “YAANAY IDIN BURBURININ SULAYMAAN (CS) IYO CIIDAMADIISEE”.
“waxa uu yidhi” Quraanjadu waa noole aad u taxaddar badan, waxaa taasi inoo caddeysay aayadda Qur’aniga ahi marka ay leedahay Quraanjadu” QURAANJOOYGALA GURYIHIINA “YAANAY IDIN BURBURININ SULAYMAAN (CS) IYO CIIDAMADIISEE”.
Waxay
kaloo culimadu sheegeen in Quraan-jadu ay gasho godadka balse halka ay
kunooshahay aanay ahayn god oo kaliya ee ay dhisataa qolal iyo daaro sida dadka
oo kale. Waa halka ay aayaddu ka oranaysay” GALA GURYAHIINA”. Sababtoo
ah Illaahay markuu inooga qisoonayay Qisadii Quraanjada iyo Sulayman (CS),
maanay oran Quraanjada.GALA GODADKIINA
Ee
waxa ay tiri” gala “GURYAHIINA”.
Taasina waa cilmiga ay imminka heleen, balse
innagu aanu helnay 14 qarni kahor.
Waxay culimadani sheegeen in Quraanjadu ay tahay noole cududaar badan, aayadda Qur’aankaahi waxa ay inoo sheegeysaa in ay tiri Quraanjadu ‘‘GALA GURYAHIINA,yaanay idin burburinin Sulaymaan iyo ciidamadiisa IYAGOONAN IDIN OGAYN.Waxay Quraanjadu u cududaartay Sulaymaan (CS) iyo ciidamadiisii ayadoo sheegtay inaanan si ula kac ah loo burburinayn, balse ay dhici karto ayagoonan loo dan lahayn in la burbiryo.
Waxay culimadani sheegeen in Quraanjadu ay tahay noole cududaar badan, aayadda Qur’aankaahi waxa ay inoo sheegeysaa in ay tiri Quraanjadu ‘‘GALA GURYAHIINA,yaanay idin burburinin Sulaymaan iyo ciidamadiisa IYAGOONAN IDIN OGAYN.Waxay Quraanjadu u cududaartay Sulaymaan (CS) iyo ciidamadiisii ayadoo sheegtay inaanan si ula kac ah loo burburinayn, balse ay dhici karto ayagoonan loo dan lahayn in la burbiryo.
Ma
aanay oran dadkani way idin burburinayaan ee GURYIHIINA GALA, balse waxa ay tiri”
Yaanay idin burburininiyagoon idin ogayn Tani waxa ay ahayd Mucjiso uu Illaahay
siiyey Nabi Sulaymaan (CS) In uu maqlo codka Quraanjada, innagana Illaahay
inooga qisooday dhacdadaasi 1400 sano kahor, maantayse ogaadeen culimada
sayniska.
Waxyaabo badan oo kala duwan ayaa Qur’aanka
lagu sheegay iyada oo looga jeedo si ay dadku u rumeeyaan. Mararka qaarkood
samooyinka, marar kale xayawaanka, Kol kale dhirta waxyaabahaas oo dhammi waxa
ay markhaati u yihiin jiritaanka ILAAHAY. Aayado badan oo kale waxaa
dadka lagu wacyi gelinayaa in ay u fiirsadaan iyaga abuuri-taankooda.
Aayadahaasi waxa ay dadka xasuusinayaan bal sida ay adduunkan ku yimaadeen.
Inta marxaladood ee ay kasoo gudebeen iyo aas-aaskiisu waxa uu ahaa.
Abuuritaanka Aadamaha waxaa ku jira Mucjisooyin
badan. Mucjisooyinkanna waxaa lagu sheegay aayado kalagadisan oo badan, qaar ka
mida aayadaha xogahan ka waramaya aad bay u faah faahsan yihiin. Faah
faahsanaan aanayse macquul ahayn in qofkii noolaa qarnigii 7aad uu ogaan
karayo, xogahan waxaa ka mid ah:
v Manida ragga dhamaanteed qof kama abuurmo laakiin waa qayb aad u
yar oo kamid ah manida “sperm”.
v Ninka weeye kan ka mas’uulka ah rag iyo dumar midka uu noqonayo
ilmaha yar ee dhalanaya.
v Ilmaha yar waxa uu iska soo laad laadiyaa makaanka hooyada.
v Ilmaha waxaa lagu koriyaa seddex gudcur oo iska saaran makaanka
hooyada dhexdiisa.
Dadkii noolaa waqtigii Qur’aanku soo degayey
sida runta ah keliya waxa ay garanayeen in qofku ka samaysmo biyaha xiliga
galmada. Sida xaqiiqadu tahay ilmuhu waxa uu dhashaa sagaal bilood ka dib, wax
baadhitaan oo intaas kasii gudo ballaadhan lagama ogeyn. Waxaa cilmigan lagu
sheegay si ka qoto dheer aqoonta ay dadkaasi lahaayeen. Waxaase u markhaati
kacay sayniska la daahfuray qarnigii 20-aad.
12.1 DHIBIC MANI AH
Waqtiga
lagu jiro galmada waxa ninku soo daayaa 250 milyan oo Mani ah. Manidaasi waxa
ay gashaa safar dheer oo jidhka hooyada ah ilaa ay ka helayso biyaha hooyada
(ovum-ka). Kun ka mida 250 milyan ayaa ku guuleysta in ay gaadhaan ugxantii (ovum)
hooyada. Tartanka shanta daqiiqo ah dhamaadkiisa, ugxanta hooyada oo
cabbirkeedu le’egyahay xabbad hadhuudh ayaa u oggolaata in hal xabbo oo manidii
ahi soo gasho. Waa sidaas. Aas-aaska aadamuhu waxaa innoo caddaatay in uu yahay
qayb yar oo ka mid ah biyaha ninka ee aanay ahayn biyaha oo dhan. Arrintaas
waxaa lagu caddeeyey Qur’aanka.
“ma waxa uu u malaynayaa Aadamuhu in sidaas
lagaga tegi doono, miyaanu ahayn candhuufyar oo mani isla markaasna lagu ganayo
makaanka hooyada”.
Sida aynu arkayno waxaa Qur’aan-kuinnoo sheegay
in aan qofka laga wada abuurin manida oo dhan laakiin qayb yar oo ka mid ah
laga abuuro. Qaybtan waxa lagu ogaaday dhawaan indhaha sayniska isla markaasna
lagu dhawaaqay laakiinse waqti laga joogo 14qarni ayaa ilaahay innooga waramay
xaqiiqadeeda.
12.2 ISKU JIRKA MANIDA
Biyaha loo yaqaanno Mani ee ay ku jiraan (sperm-ka) keliya kama
koobna Sperm- oo keliya. Waa dareere-yaal isku jira. Dareere-yaashani waxa ay
qabtaan shaqooyin kala duwan waxaa ka mid ah Sonkor muhiim u ah in ay tamar
siiso biyaha “sperm-ka”, waxaa ka mid ah in ay baraxdo aysiidh-ka(acid) ka ku
jirta wadada loo maro mak-kaanka, waxa kale oo ay samaysaa deegaan sisibasho
(sabiibax) leh makaanka dhexdiisa si ay ugu fududaato in biyahu“sperm-ku dhexmaro”.
Waxaa cajiib ah markii Qur’aan-kuka waramayey biyaha manida. Xaqiiqadan ay
imminka arkeen indhaha saynisku waxaa tilmaamay in ay yihiin biyo isku Milan ah
Surat
al Insaan Aayadda 2-aad.
“Annaga ayaa Aadamaha ka abuurnay
candhuuf isku jirta si aanu u imtixaanno, markaas baanu ka dhignay mid waxna
maqlaya waxna arkaya”
Marka kale waxaa lagu sheegay in dadka laga
abuuray isku jir. Waxaana lagu qeexay in dadka laga abuuray dareere isku Milan
oo dhawr qaybood isugu jirta.
Aayadaan waxa ay si cad innoogu qeexday in
aadamaha laga abuuray candhuuf isku jirta, sayniskuna sidaa uunbuu inoo
sheegayaa.
12.3 JINSIGA ILMAHA
Ilaa
dhawaan loo ogaaday si caddaalad ah, waxaa loo haystay in lab iyo dheddig kan
uu noqonayo ilmaha ay dhalaan hooyada iyo Aabuhu uu ka samaysmo nudaha jidhka
hooyada. Amaba waxaa loo malaynayey in jinsiga ilmaha uu ka yimaaddo oo laga
jaro jidhka hooyada iyo aabbaha labadooduba. Laakiin waxaa Qur’aankalaynagu siiyey
xog ka duwan sidan, waxaa la innoo sheegay in nin-nimada iyo dumar-nimaduba ka
yimaaddaan biyaha manida loo yaqaanno ee lagu shubo jidhka hooyada.
Sida aan wada ogsoonahay manida
aabaha koromosoomyada (Choromosomes) ku jira waxa ay xanbaarsanyihiin hidde-sidaha
“XY’ halka hooyaduna ay xanbaarsantahay hidesidaha “XX” taas micnaheedu haddii
aabuhu soo daayo “X” hooyaduna mar walba waxa ay xanbaarsantahay ay tahay “XX”
ilmaha dhalan doona waxa uu noqonaya gabadh.
Sidoo kale haddii uu aabuhu soo
daayo hidde-sidaha “Y” hooyaduna mar walba waxa ay xanbaarsnatahay ay tahay hidde-sidaha
“X” ilmaha dhalan doona waxa uu noqonayaa wiil, waxaa halkaas ka cad in aabuhu
uu mas’uul kayahay ilmaha dhalan doona nooca hidde-side ee uu soo daayo xiliga
bacriminta biyaha hooyada.
14 qarni ka hor Qur’aankaoo soodagay
ayaa arintaan inoo bidhaaminaya Eebbe waxa uu yidhi:
Surat
Al Najmi Aayadda 45-aad.
“isagaana abuuray
labada nooc ee ah lab iyo dheddiga”
Aayaadan waxa aan ka dheehan karna
in aabbuhu uu mas’uul ka yahay nooca ilmaha ay noqonayaan lab iyo dheddig, Eebbekor
ahaaye waxa uu aayadan ku soo hormariyay labka halka uu dhediggaugu
danbaysiiyay.
Markasta maanka ku haay Koromosomisku(Choromosomes) waa kuwa ugu
xooggan ee jaangooya jinsiga ilmaha. Labo ka mida 46 koromosomiska ayaa
jaangooya qaabaynta Aadamaha waxaa loo aqoonsan yahay in ay yihiin
hidde-sideyaasha loo yaqaanno “XY” labka, hidde-sideyaasha dheddig “XX” maxaa
yeelay xarfahan waxa ay u taagan yihiin qaabka, Xarafka Y waxa uu sidaa
hiddihii labnimada, halka xarafka X-na uu sido hiddii dheddignimada.
Unkamista
aadame cusub waxa uu ka bilaabmaa isdhaafka xarfahan. Kuwaas oo ku jira lab iyo
dheddigba. Dumarka labada jinsi sideba waxa ay ku jiraan selka (cell). kaasina
waxa uu u qaybsamaa labo, waqtiga la soo daynayo Ovulation. Waxa uu soo qaadaa
X koromosomes. Hidde-sidaha ragguna wuxuu soo qaadaa labo. Mid waxa uu ka
kooban yahay X kan kalena waxa uu sidaa Y Koromosomes.
Haddii
X koromosomes oo dheddiga ka timid ay la midowdo X koromosomes kii biyaha labka
ka timid ilmaha dhalanayaa waxa uu noqonayaa gabadh. Sidoo kale haddii ay la
midowdo X- oo ka timid dhinaca hooyadu Y- oo la socotay biyaha Aabaha ilmuhu
markanna waxa uu noqonayaa wiil. Si kale haddii aan u iraaahdo
jinsiga ilmaha waxaa xaqiiqijiya Koromosomiska Aabaha oo la midooba biyaha hooyada.
Dhamaan xogtan midna war lagama haynin ilaa iyo qarnigii labaatanaad markii la
daahfuray cilmiga hidde-sidayaasha lagu daraaseeyo (Genetics). Dhaqammo badan
ayaa aaminsanaa in jinsiga ilmaha laga soo dheego jidhka hooyada. Waana sababta
hooyada loogu canaanan jiray marka ay dhasho gabadh. Saddex iyo toban qarni ka
hor intii aan cilmiga hidde-sideyaasha la daahfurin ayuu Qur’aan-kudiiday
khuraafaadkaas la aaminsanaa.
12.4 XINJIRTA KU DHEGAN MAKAAN-KA
Haddii aynu u fiirsanno xaqiiqooyinka Qur’aan-kuinna
hoga-tusaaleeyey ee ku saabsan abuuritaanka Aadamaha, waxaa innooga soo dhex
baxaya Mucjisooyin Sayniseed muhiim innoo ah.
Marka sperm-ka labku la midoobo ovum-ka dumarka waxaa bilaabma
bar bilowga koowaad ee qaabaynta ilmaha. Nudahan yare e midoobay waxa aynu u
naqaan “Zygote” dhanka Baayolojiga(biology), nudahan yari markaba waxa uu
bilaabaa in uu tarmo isaga oo qayb qaybsamaya, ugu dambayntana wxa uu noqdaa
“waslad yar oo hilib ah” loona yaqaanno Embryo. Markan waxaa keliya oo lagu
arki karaa indhaha aadamaha oo adeegsanaya microscope ama wayneyso.
Dabcan Embryo- yadu kuma korto meel iska cidla ah, laakiin waxa
ay ku dhegtaa oo qabsataa Makaanka hooyada, weliba sida xididka dhirtu uu u
qabsado dhulka oo kale ayey ugu dhegtaa oo dhidibada ugu aasataa. Xididkan ay
Makaanka la haleeshay ayey ka heshaa dhammaan waxyaabihii ka caawin lahaa
koritaankeeda oo dhan, iyada oo kala soo dhex baxaysa jidhka hooyada.Hadaba, halkan, mucjisada gaarka
ah ee Qur’aankalagu soo dejiyey waa. Markii ilmahaas yar lagu dhexbeeray
hooyada ayaa ilaaheey wuxuu isticmaalay kelmedda “Calaqah” oo Qur’aankalagu
sheegay waana tilmaanta keliya iyo magac-bixintii ugu habboonayd sababtoo ah
calaq afka carabiga waa wax soo laad-laada.
kelmeddan waxaa loo isticmaalay waa shay ku dhegan jidhka
hooyada isla markaana dhiigga ka jaqaya. Hadaba, isticmaalka Qur’aan-kuisticmaalay
kelmeddan mar labaad waxa ay innoo caddaynaysaa in Qur’aan-kuka yimid xagga
ILAAHAY isla markaana yahay hadalkii ilaaheey swt.
MARXALADAHA UU MARAYO UUR
JIIFKU (EMBRYOLOGICAL STAGES).
Waxyaabaha kale ee Muhiimka ah ee lagala soo
dhexbixi karayo xogaha aayaadka Qur’aankala innoogu sheegay marka laga hadlayo
marxaladaha kala duwan ee aadamuhu kusoo maro caloosha hooyada. Waxaa la
tilmaamay in lafaha marka ugu horeysa la qaabeeyo, ka dibna hilibka la huwiyo.
Daraasayn dheer kadib waxaa la xaqiiqsaday in
marka ugu horaysa la qaybiyo lafaha kadibna la huwiyo hilibka balse wax ka
horeeya marxaladda koobaadoo dhoobada uu marayo aadamuhu. Eebbe
wayne waxa uu leeyahay.
Surat al Mu’minun Aayadda 12-aad.
“Waxaan ka
abuurnay dadka wax laga soo soocay dhoobo”
Eebbe kor ahaaye ugu horayn waxa uu
inoo caddeeyay in aadamaha abuurkiisa uu ka soo bilaabmay dhoobo laga soo
soocay dhulka waana Nabi Aadam(CS).
Eebbekor ahaaye waxa uu markale inno
sheegaya marxaladda labaad.
Surat al Mu’minun Aayadda 13-aad.
“markaasan ka
yeellay dhibic ku jirta meel sugan”
Aayadaan waxa aan ka dheehan karnaa
in Eebbekor ahaaye in dhibicda manida biyaha ah ee ka kooban midda aabbaha iyo
midda hooyada uu ku sugay meel aamin ah.
Sidoo kale Eebbekor ahaaye waxa uu
markale qeexaya marxalad seddexaad ee uu aadamuhu maro inta lagu
guda jiro abuurkiisa.
Surat al Mu’minun Aayadda 14-aad.
“Markaasan ka
abuuray dhibicdii calaqo, kana abuuray calaqadii goosin, kana abuuray goosintii
lafo, oo an huwiyay lafihii hilib, markaasaa ka ahaysinnay khalqi kale, waxaa
khayr badnaaday Eebbaha abuurkiisu fiicanyahay”
Dr william Campbell oo kamid ah culimada ugu caansan cilmiga barashada uur jiifka(Embryology)
kadib doodo badan uu lagalay Dr Zakir
Naikoo ah dhaqtar sidoo kalana ah daaci islaami ah waxa uu caddaynayaa in Qur’aankalagu
sheegay eray bixinta (Terminlogy) ugu fiican marxaladaha uu marayo ilmaha ku
jira caloosha hooyada.
Sidoo kale buug uu ka qoray cilmiga
barashada uur ku jiifka(Embryology) ayuu
ku daray aayadaan aan kor ku soo xusanay isaga oo dunida u sheegaya in Qur’aan-ku
uu san ahayn hadal caadi ah ee uu ka yimid awooda koonka maamusha, balse nasiib
xumo Dr william Campbell wuu
diiday in uu rumeeyo allaha awoodaas leh uu asaguba qiray hadalkiisa.
Prof. Marshall
Johnson oo kamid ah saynis-yahanada ugu
caansan maraykanka sidoo kalana ah madaxaqaybta qalfoofta (anatomy) ee
jaamacada Philadelphia.
Ayaa su’aal waydiiyay mid ka mid ah
ragga ku takhasusay culuumta islaamka iyo barashada uur jiifka waxa uuna yidhi “Nabi
Muxamed (NNKH) ma waxa uu haystay waynaysada lagu eego sheyga yar (microscope)
sidee buu ku ogaaday marxaladaha ay maraaan ilmaha uurka ku jira?”.
Prof. Marshall
Johnsonwaxaa layaab la noqotay in 1400 oo
sano ka hor uu arintaan ka waramo Nabi Muxamed (NNKH) oo aan waxba akhrin waxna
qorin, balse waxa uu xaqiiqsaday in Qur’aan-ku uusan ahayn hadal caadi ah balse
uu Eebbe xagiisa ka yimid.
Dr. Keith Moorewaxa uu odhanayaa “way adkeed in si sahlan loo fahmo maraaxisha uu
marayo uur ku jirku loona bixiyo magacyo maraaxishaas sidaa marxalada 1aad
(stage one) marxalada 2 aad (stage two) eray bixintaas waxa ay ahed mid adag
balse Qur’aan-ku waxa uu layimid eray bixin si fudud loo fahmi karo”.
Mar kale Eebbe kor ahaaye oo arintaan si fiican innoogu
faahfaahinaya waxa uu yidhi:
Surat al Infitaar Aayadda 7-aad.
“Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay”
![]() |
Surat al Infitar Aayadda 8-aad.
“siduu doonana
kuu sameeyay”
Eebbekor ahaaye aayadahaan waxa uu
nagu dareensiyay in aadamaha abuurkiisa la qurxiyay, lasimay, lagana abuuray
suurat midda ugu fiican, Eebbeayaa xumaan ka fog.
Cilmiga
Embryology-ga waa laan ka mid ah Sayniska oo lagu daraaseeyo koritaanka Ilmaha
gaar ahaan inta uu uurka hooyada ku Jiro. Embryologist-igu illaa muddo dhawayd
waxa ay u haysteen in lafaha iyo jiidhka hal mar la wada abuuro.
Sababtaas darteed, muddo dheer, dad badani waxa ay ku andacoon jireen in
Aayaddan iyo Saynisku ay iska soo horjeedaan. Weliba, waynisooyin casri ah oo
hor marsan ayaa sheegay in tiknoolajiyadda casriga ahi iyo sida Qur’aan-kutilmaamay
in aanay waxbaku kala duwanayn isla markaana uu Qur’aan-ku isticmaalay
kelmeddii ugu habboonayd.
Markii
aad loogu fiirsaday waynisooyinka (microscope) waxaa la arkay marka koritaanka
ilmaha uurku jirta ahi in sida Aayadda lagu sheegay aanay waxba ka duwanayn.
Marka ugu horeysa, carjawda ilmuhu ka kooban yahay waxa ay isu beddeshaa laf.
Ka dibna hilbo laga soo ururiyey meelaha lafaha u dhow ayaa isu yimaadda ka
dibna waxaa la huwiyaa lafaha.Dhacdadan waxaa lagu sheegay daabicistii
Sayniseed ee loogu magac daray koritaanka Aadamaha waxaana loo qeexay sidan soo
socota:
Marka lagu jiro isbuuca toddobaad, hab dhiska lafaha ayaa
bilaaba in ay jidhka oo dhan ku fidaan, ka dibna waxa ay lafuhu bilaabaan in ay
qaabkooda samaystaan. asbuuca toddobaad dhammaadkiisa, iyo marka lagu jiro
asbuuca siddedaad, ayaa hilibku buuxiyaa boosaskii lafaha oo qaabaysan (Moore,
Developing Human, 6. edition,1998).
12.5ILMAHA WAXA AAN
KU ILAALINAY SEDDEXGUDCUR DHEXDOOD (FOETUS IS PROTECTED BY THREE VEILS OF
DARKNES).
Qur’aankawaxaa
lagu sheegay in ilmaha ku jira caloosha hooyada lagu ilaaliyay seddex gudcur
dhexdood, sayniska casriga ah ayaa isku howlay in uu arintaan wax badan ka
ogaado markii loo eego Prof. Keith Moorewaxa uu yidhi seddexda gudcur ee lagu sheegay Qur’aankawaa:
anterior abdominal wall of the
mother (darbiga hore ee ubucda hooyada)
(i)
the uterine wall (darbiga
ilma galeenka)
(ii)
the amnio-chorionic membrane (xuub uu dareere ku jiro oo
ilaaliya ilmaha).
Eebbekor
ahaaye ayaa Qur’aankaku caddeeyay arintaan Eebbewaxa uu yidh:
![]() |
Surat al Zumar Aayadda 6-aad.
“Waxa uu idinka Abuuray (ILAAHAY) naf
keli ah, ka dib waxa uu u sameeyey lammaaneheedii, ka dibna waxa uu idin siiyey
nimcooleydii oo siddeed qaybood ah, wuxuu idinku abuuray caloosha hooyadiin,
abuuris ka dib abuur kale mugdiyo saddex ah dhexdood. Kaasi waa Ilaahay,
Rabbigiin, isaga ayaa Mulkiga iska leh. Ilaah ma jiro isaga mooyee, xaggee
laydiin duufsaday”
12.6DAREEMAYAASHA MAQALKA IYO ARAGA (SENSE OF
HEARING AND SIGHT)
Dareemayaasha ugu horeeya ee
usamaysma ilmaha yar e ku jira caloosha hooyada waa maqalka, ilmaha yaree uurka
ku jira wuxuu maqli karaa dhawaqyada ku hareeraysan kadib 24 isbuuc, sidaas si
lamid 28 isbuuc kadib waxaa u samaysma dareemayaasha indhaha oo waxa uu
yeelanayaa arag.
Eebbekor ahaaye arintaan waxa uu ku
sheegay Qur’aankasidoo kalana sayniska casriga ah wuu waafaqay arintaan ku
xusan Qur’aankaAlle swtwaxa uu yidhi:
Surat al Sajdah Aayadda 9-aad.
“markaas ekeeyay oo ruuxdiisa ku afuufay
idiinna yeelay maqal, aragyaal iyo quluuba, wax yar baadse Eebbeku mahdiseen”
Aayaadaan Eebbekor ahaaye waxa uu ku
xusay in marka hore aadamaha loo abuuro maqal, kadibna ay ku xigto arag, sidoo kale
taasi waa sida sayniska casriga ah ku xusan. Mar kale si fiican u eeg aayadaan Eebbekor
ahaaye uu innoogu caddaynayo arintaan.
Al Insaan Aayadda 2-aad.
“annagaa ka abuurnay dadka dhibic isku
dheehan, imtixaan dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arke ah”
Dhamaan aayadahaan waxa ku cad in
maqalka laga hor abuuro aragga, Eebbeawoodiisa meelo kala duwan iyo qaabab kala
duwan ayuu inoo tusay.
In ku dhaw 20 jeer ayuu Eebbe soo
hormariyay eryga samci (ama maqal) marka loo eego eryga basar (ama arag) taas
ayaa ka dhigaysa in Qur’aanku dhowr boos looga xusay eryga “samci” oo ay
wehlido kelimadda “basar”.
Balse erayga “basar” labo boos kali
ah ayaa laga soo hormariyay eryga “samci” Qur’aanka dhexdiisa.
Midka muhiimsan araga iyo maqalka
waxaa ka jira kala aragti duwanaan qaar badan ayaa qaba in uu “maqalku”
muhiimsanyahay iyaga oo u cuskanaya inta jeer ee alle swt kasoo hormariyay
Qur’aanka dhexdiisa, halka culimo kale ay qabaan in uu “aragu” muhiimsanyahay
culimada qabta in maqalku muhiimsanyahay waxaa kamid ah:
-Qurdubi.
- Ibnu Qayim.
- Qutaybah.
Allow awoodaada iyo jiritaankaada
xaqnimada ah waan qirayaa‼.
CAANAHA HOOYADA
Caanaha
naaska hooyadu waa isku dar aan isku mid ahayn oo ILAAHAY isku abuuray labada
isku darba. Waa isha cunto ee ugu wanaagsanayd ilmaha, sidoo kale waxa laga
helaa waxyaabo korinaya ilmaha difaaciisa si uu isaga celiyo (xejiyo)
xanuunnada. Xitaa cuntada dad samayga ah ee la socota tignoolajiyadda maanta
iskuma dari karaan nafaqada mucjisada ah ee ku jirta naaska hooyada. Maalin
walba faa’iido cusub oo ilmaha ugu jirta naaska hooyada ayaa la daahfuraa.
Xaqiiqooyinka Saynisku ogaaday ee ilmaha ugu jira naaska hooyada waxaa ka mida
in ilmaha oo naaska la jaqsiiyaa labo sano ay faa’iido ku jirto.
Waxaa caan ah oo la ogyahay in caanaha
hooyadu uu faa’idooyin badna u leeyahay ubadka, waxaa laga helaan maaddo ka
hortag ah oo xoojisa habdhiska difaaca jirka yareysana khatarta ah in ilmahayar
uu ku dhaco cudurro farabadan.
Xilli dhaw ayaa la tilmaamayaa in dadka
qaangaarka ahna ay ka faa’iidi doonaan maaddooyinka uu ka kooban yahay caanaha
hooyada oo la doonayo in teknoolajiyadda casiriga ah lagu soo saaro, iyadoo la
filayo inuu difaaca jirka kaalin muhiim ah ka ciyaaro.
Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib markii ay
cilmibaara yaal ay ogaadeen waqti dhaweed, iney suurtogal tahay in si hor dhac
ah loo diyaariyo caanaha hoyada iyadoo la adeegsanayao bakteeriyda aadanaha.
Shirkadda Sugarlogix oo fadhigeedu yahay Berkeley
gudaha ee dalka Mareykanka ayaa aragta in hor-u-marinta fikraddaasi ee ah in
laga sameeyo kiniinno difaaca jirka ah oo lagu taageero raashinka.
Waxaan labo isweydiin lahayn faa’iidooyinka
muhiimka ah ee laga helo caanaha hooyada, waxaase la is weydiinayaa
faa’iidooyinka ay ka heli karaan dadka qaangaarka ah caanahaas.
Cilmibaarayaashu waxay ogaadeen in sirta caanaha hoyada ku jirtaa uu yahay sonkorta “HMOs” ee ku jirta gudaha caanaha oo la ogaaday in sokortaasi ay tahay mid faa’ido u leh caloosha, waxay kobcisa bakteeriyada faa’idada leh ee
“Bifid bacterium Ion gum”.
Arrintan cusub ayaa keenaysa in shirkaduhu
ay ku tartamaan fikradda iyagoo dooneya iney sameeyaan isla markaana ay
suuqgeeyaan maddooyinka ay ka kooban yihiin caanaha hooyada.
Gaaladu waxa ay ku doodeen in aan
lasoo bixin doonin haddii ay dhintaan oo ay sidaas iskaga dhinsanaan doonan
iyadoon dib loo soo celin oo an laxisaabin.
Balse arintaan Eebbewaa diiday
waxaana loo sheegay in la isku keeni doono lafahooda waliba dib loo soo celin
doon xariiqmaha farahooda oo kala gadisanaa.
Surat Al Qiyaamah Aayadda 3-aad.
“Ma wuxuu u maleeyay dadku inaanaan kulmin
doonin lafihiisa”
![]() |
Surat Al Qiyaamh Aayadda 4-aad.
“Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soo
celino) farahiisa”
Si gaar ah Eebbewaxa uu xusay faraha
aadamaha in lasoo celin doono. Qarnigii 19 aad ayaa waxaa soo if baxday aragti
sheegaysay in xariiqmaha faraha ay kala gadisanyihiin oo aysan jirin labo qof
oo isku xariiqmo eg.
Saynisyahan u dhashay dalka Scotland laguna
magacaabo Henery Fauldsayaa daaha ka
qaaday aragtidaan ah in xariiqa faraha dadka ay kala gadisanyihiin, balse
aragtidiisa in badan oo dadka kamid ah way diideen, in kastoo aragtidaan markii
danbe lagu qancay waxa ayna noqotay aragti sax ah, balse Qur’aankaayaa 14 qarni
ka hor aadamaha u sheegay.
Cid
waliba xataa labada mataanaha ah ee aadka isugu eg, waxa ay leeyihiin xariiqmo
fareed u gaar ah (unique finger print), si kale haddii loo yidhaahdo dadka
aqoonsigooda waxaa lagu summadeeyaa xariiqaha farahooda, habkan summadaynta
waxaa la garab dhigaa habka kale ee loo yaqaanno (barcode system) ee adduunyadu
maanta isticmaasho.
Tilmaanta
xariiqaha faruhu waxa ay leedahay macno aad u khaas ah. Sababtuna waxa weeye
qofkasta waxaa uu leeyahay xariiqmo isaga u gaar ah. Qof kasta oo nool amaba
weligii adduunyadan kusoo noolaa waxa u gaar ah oo aan cidina ku haysan
xariiqaha farihiisa (suul iyo saxeex). Waana sababta suulka iyo saxeexa loogu
aqoonsaday in qof kasta lagu hubiyo isaga ahaanshihiisa, iyo ahaan-shihiisa la
hubo. Ujeedadaas darteed ayaa adduunka oo dhan looga isticmaalaa.
Waxaase
ay muhiimaddu tahay arrintaan waxaa la ogaaday qarnigii 19-aad, intaas ka hor,
waxaa loo yaqaannay xariiqmo is dhaaf dhaafsan oo aan wax macno ah lahayn. Si
kastaba ha ahaatee, Qur’aan-kuwuxuu farta innoogu fiiqay xariiqaha faraha,
laakiin qofna ma ay soo jiidan waqtigaas hore arrintani maankiisa, laakiin waxa
ay si cajiib ah u soo jiidatay maskaxda iyo dareemadeenna markii la ogaaday
muhiimadda ay leeyihiin iyo sababta ilaahay u tilmaamay.
Waqtiyadii hore waxaa la aaminsanaa
xanuun ladareemo in ay ku xirantahay kaliya xanuun dareemayaasha ku yaal
maskaxda, balse dhawaan waxaa daaha laga rogay in ay jiraan xanuun dareemayaal
ku jira maqaarka oo uu san qofku waxba dareemi karin la’aan tood.
Haddii uu bukaan ka gubtay maqaarka
dhaqtar uyimaad dhaqtarku waxa uu taabanayaa meelihi gubtay ee ka tirsana
maqaarka, haddii bukaanku uu dareemo xanuun dhaqatarku waxa uu dareemaya in ay
shaqaynayan dareemayaasha ku jira maaqaarka oo uu dabku yahay maqaarka
sare,balse haddii bukaanku uu dareemi waayo waxa xanuun ah dhaqtarku waxa uu
dareemaya in dareemayaashi maqaarka ku jiray ay dhinteen oo uu dabku yahay mid
daran, sida lawada og soonyahay maqaarka waxaa uu kamid yahay meelaha ugu
dareenka badan jirka aadamaha.
Markii uu Nabi Muxamed (NNKH) uu
gaalaada cadaabka oga digayo oo uu ku yidhaahdo ka digtoonaada cadaabka Alle oo
xanuunka badan, waxa ay dhihi jireen “maqaarkeenu hal mar ayuu gubanayaa
kadibna wax xanuun ah madareemi doono”
Eebbe kor ahaaye oo arintaan Qur’aan-kiisa si cad ugu caddeeyay in
ay jiraan xanuun dareemayaal ku jira maqaarka waxa uu yidhi:
Surat Al Nisaa 56-aad.
“kuwii ka
gaaloobay aayaadk-anaga waxaanu galin naarta, markastuu gubto haragoodu waxaan
ku badalnaa harko kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka, Eebbewaa adkaade falsan”.
GUNAANAD
Surat al fusillat Aayadda 53-aad.
“Waxaanu ku
tusin aayaadkanaga jihooyinka iyo naftooda intay uga caddaato inuu Qur’aan-kuxaq
yahay, miyuuna ku filnayn inuu waxkaste ogyahay”.
-
Qof kasta oo lafal gala dhiganahan (buugan) waxa aan usoo jeedinayaa in uu si
fiican u daraaseeyo arimaha ku saabsan sayniska iyo Qur’aankasi uu garto
xaqiiqo badan oo ku jirta Qur’aankasi loo dheefsado amuuraha wayn ee dhex yaala
adduunkan si aan kaga baxno saboolnimada daran ee ka dhalatay faham la’aanta
sayniska iyo qur’anka sidoo kalana aan ugu diyaar garowno maalinta wayn ee
danbe (aakhiro) si Eebbeinoo abaal mariyo.
-Xaqiiqooyinka
sayniska ah ee Qur’aankaku xusan kuma koobna inta aan buugan ku xusay ee qof
walba ha isku dayo in uu baaro intaan kabadan.
-
Waxaan soo jeedinayaa qof walba oo bartay saynis ama arts(aartis) in uu barto
micnaha wayn ee Qur’aankasidoo kale qofkii bartay Qur’aankamicnihiisa in uu
barto sayniska si aan wax badan oo Qur’aankaku saabsan oga faa iidaysano.
-
Bulsha waynta ku hadasha afka soomaliga meel walba oo ay joogtowaxaan usoo
jeedinayaa in ay baraarugaan oo ay kabaxaan mugdiga wayn ee ka haysta addunkan
laga sameeyay horumarka sidoo kalana ay bartaan Allaha abuuray.
-
walaal haddii aad jaanis u hesho in aad akhriso buugan waxaan ka codsanayaa in
aad Eebbeii waydiiso in uu Janno igu arzaaqo maalinta abaal
marinta.
-Aqriste
waxa aan aad ugu faraxsanahay in aad ila soo gaartay halkaan, anigoo kaaga
mahad celinaya waqtigii aad ku soo bixisay aqriska, iyo dulqaadkii aad uga soo
gudubtay wixii khaladad ahaa ee aad la kulantay.
Allexaq
lagu caabudo majiro Alle wayne mooye Nabi Muxamed (NNKH) wa ergaygii Eebbeلَا إِلٰهَ إِلَّا ٱلله مُحَمَّدٌ رَسُولُ ٱلله
Sayniska casriga ah maanta waxa uu
daaha ka qaaday 80% sayniska iyo technology-yada ku jirta Qur’aanka halka 20%
wali baadi goob loogu jiro sidaas waxaa qaba Dr Zaakir Naik oo ah daaci
muslim.
Qur’aanku maahan buug science ee waa
buug signs (calaamado) taas macnaheedu waa Qur’aanku waxa uu noo ifinayaa
wadadii loo mari lahaa sayniska.
Sidaas waxaa yidhi Zaakir Naik
oo ah daaci muslim.
TIXRAACA BUUGA
1.
Qur’aankaiyo
sayniska casriga mayihiin kuwo is waafaqsan, Dr Zakir Naik
2.
https://
caynaba news.com.
3.
https:// 2018
diinta iyo nolosha Abdi Aziz Oogle.
4.
https://waajid.wordpress.com/2012/09/12/quraanjada-nolasheeda-mucjisada-quraanka-kariimkasouth western Somalia.
5.
Mucjizooyinka Qur’aankaHaaruun
Yahya.
6.
Islamic
research foundation.
7.
Maqaal sheikh
mustafe xaaji ismaaciil haaruun.
8.
Zahid patel
qur’an and science.
9.
https:/2017/10
sayniska iyo caafimaadks Fahiima Khadar
10.
https:allsc.com/2015/02/nadariyada
wareegga dhulka
11.
https:2016/3/live
science does the sun rotate.
Waxaan ahay Mr. Abdullahi Abdulkadir Abdi aziz
Subscribe to:
Comments (Atom)
Travelling to Berdaale District, 22-November 2025
My journey to Berdaale District has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...
-
Xoogsi (gabay: Darwiish Ismaaciil Mire) Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye Xaluun baan xaddaas gabay la kacay, oo xafiiltamaye D...
-
After Years of struggle, sleepless nights and surviving on a diet of maggi and coffee, I can confidently say: the world will be a better p...





