As-salaamu alaikum
Ugu horeyn waxaa mahada iska leh alle subxaanawatacaalaa oo maanta noosuuro galiyay inaan isugunimaano mid kamid ah guulaheena ugu waaweeynaa hadaanu nahay ardayda jaamacada BUHS
Marka xigta waxaa mahad celin iyo bagaadin iyo garab istaag mudan gudiga doorashada oo uu ugu horeeyo gudoomiye abdirizaaq iyo dhamaan gudigii lashaqeeynaayay
Waxaakale oo mahadmudan dhamaan ardayda jaamacada BUHS oo maanta dantoodii gaar eheed usoo baajiyay danta guud ee jaamacada.
Intaa kadib waxaan rabaaa inaan soo kobo taariiq nololeedkeeyga kaidibna aan usii gudbo qudbadeyda musharaxnimo
Magaceeygu waa feysal Mohamed bakaal waxaan kudhashay kuna soo barbaaray magaalada beydhabo janaay xarunta gobalka Baay
Waxbarashadeydii dugsiga hose dhexe iyo sare waxaan kusoo qaatay magaalada beeydhabo intaa kadib waxaan usoo ambaxay taariikhdu markeey eheed 20/February 2019 wadanka Bangladesh si aan usii rumeeyo rajadeyda waxbarasho ee jaamacadeed waxaana kubiiray jaamacada BUHS waxaana kabilaaway faculty public health gaar ahaan departmentiga environmental health and safety
Alxamdulilaah hada waxaan marayaa semester ka 4aad
Intaaa kadib waxaan maanta isusoo sharaxay gudoomiyaha ardayda somaliyeed ee jamacada BUHS.
Hadii aan kuguulesto xilka gudoomiyaha ardayda somaliyeed ee jaamacada BUHS
Oo aad iidoorataan hadana si hagar la,aan ah ii lashaqeeysaan waxaan qabani doonaa qodobadaan
Magacaabista gudi tayo leh una taagan u adeegida ardayda jaamacada BUHS Anigoo gaashanaya gudiga doorashada iyo gudigii hore ee jaamacada
Kawarheeynta xaaladaha ardayda ee sida waxbarashada iyo caafimaad ka
Kawar heynta xaaladaha ku aadan guryaha aay kunolyihiin ardayda
sameeynta kulamo isdhaxgalka ardayda sida: dood cilmiyeedyo iyo tartamo sports ka
sameeynta xaflad sagootin ardayda dhameeyso waxbarashada ee usafreyso wadanka
arimaha waxbarashada
sameynta dood cilmiyeed 2 billood mar
xalinta waxkasta oo ugu yimaado ardayga jaamacada anigoo kashanaya ardayda cabanaayo iyo madaxda department uu baranaayo
sameeynta groups kuwaasoo isku faculty ah oo bilkasta soo diyaariyo seminars aqoon kororsi ah
arimaha sports ga
sameeynta kulamo sports 2 bilood mar
sameeynt kulamo lagu ciyaari doono magacyada department yada
diyaarinta fanaanado aay ku buufsanyihiin magacyada department yada
diyaarinta banooniyaal iyo garsoorayaaal aqoon u leh arimaha sports ka
bixinta koob lagu dhiiri galinaayo kooxdii guuleysata mise departmentigii guuleysata
arimaha caafimaad ka
kawar heeynta qofkii xanuunsada anigoo ugu tagayo guri ama isbitaal uu kuxanuunsanyahay
kawarheynta xaaladiisa caafimaad ilaaa uu kacaafimaado
Ardayda cusub oo imaaneysa
waxaan usameyndoonaa kulan soo dhaweeyn iyo isbarasho ah
inaan dajiyo guri uu kusii nagaado inta looga kireeynaayo guri kale
hadii aan helo xog kusaabsan imaashihiisa waxaan usii qabani doonaa guri si uusan cidkale korfuul ugu noqonin
in aan kashaqeeyo inaan dajiyo guri udhaw jaamacada
inaan kuxiro arday departmentigiisa ah oo dhigta jaamacada
inaan kawarhaayo xaaladiisa ilaaa uu kafariisto class kiisa ugu horeeya
gaba gabadii waxaan si sharaf leh idiinka codsanaa in aad codkiina isiisaan si aan cadaalad iyo sinaan ugu adeego ardayda jaamacada BUHS.
wabilahi towfiiq

No comments:
Post a Comment