Saturday, November 21, 2020

Caleema saarka Malaaga guud ee beesha leysaan Malaaq Maxamed Cadow Maxamed






Beesha Leysaan Oo Ka Mid Ah Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Maxamed Cadow Maxamed udoorata  Malaaqa guud ee Beesha Leysaan.

Munaasabad lagusoo bandhigaye ayaa maanta waxaa ay kadhacday magaalada Baydhabo.

Beesha Leysaan oo kamid ah beelaha dega gobolada dalka Soomaali iyo wadamada Kenya iyo itoobiya ayaa maanta Munaasabad lagu shaacinaayey islamarkaana lagu caleemasaaraayey malaaq guud ay dooratay beeshaasi waxaa ay ka dhacday magaalada Baydhabo xaruunta dowlad goboleedka Koonfur-galbeed .

Xafladan  caleema saaarka Malaaqa cusub ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan ugaasyo,suldaano,cuqaal,nabadoono,culmaaudiin,haween iyo boqolaal dadwene oo deegaano kala duwan ka kalayin waxaana in tii munaasabadu socotay halkaasi lagu soobandhigaayey habdhaqanka soomaalida sida hidaha iyo dhaqanka iyo suugaanta.

Waxaana munaasabada ka hadlay odayaal dhaqameedyo , culimo ,siyaasiyiin,haween iyo dhaliyaro  oo uhanbaleynayey hogaamiyaha cusub uguna duceeyey in xila alle u fududeeyo.

Ugudanbeyntii Malaaqa cusub Maxamed cadow Maxamed ayaa qudbad dheer halkaasi kajeediyey isagoo ugu horen umahad celiey qasooqayb galayaasha munaasabada wuxuuna sidookale hogaamiyaasha dhaqanka  ubalan qaaday in uu wada shaqayn lasameyndoono lana adkeyndoono wada noolaanshaha beelaha.

Malaaqa cusub  Maxamed Cadow Maxamed ayaa noqday hogaamiye dhaqameeed kadib markii Beesha uu kadhashay kasoo  xulatay gudaheeda una dooratay in uu noqdo Malaaqa guud ee Beesha kadib markii ay ugashay baadi goob dheer.

Qore: Feysal Maxamed Bakaal

No comments:

Post a Comment

Travelling to Berdaale District, 22-November 2025

My journey to  Berdaale District  has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...