Baylah igu helyoo
Booraan igu ridyoo
Baasaha jacel
BuusooBahayee
Baggaad i dishoon
Beerkiyo wadnaha
Birta uga jartee
May bixin laheyd.
Boogtii haddana
Sii ballaarantoo
Bogsan weydayee
Bardihii ku yiil isha Baydhabo
Intuu Guniyo baarbaxay
Caleemuhu Ballaarten
Baxarsaaf la moodyey.
Baddanaan ku dhacay
Sidan uga baxaa
Badbaadaa Alle
Waa adigoys Baddala.

No comments:
Post a Comment