Monday, June 8, 2020

Joe Biden oo maanta booqanaya qoyska George Floyd

















Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga dimqoraadiga Joe Biden ayaa maanta u safraya magaalada Houston, wuxuuna la kulmi doonaa qoyska George Floyd, laba toddobaad kadib markii dhimashada Floyd ee gacanta booliska Minneapolis ay horseedday dibad-baxyo dalka oo dhan ruxay.

Biden ayaa la filayaa inuu ehellada Floyd u yabooho tacsi islamarkaana uu duubo farriin muuqaal ah oo loogu talo-galay in laga baahiyo tacsida Floyd oo Talaadada ka dhaceysa isla Houston.

Biden ayaan la fileyn inuu ka qeyb galo tacsida, si uu uga fogaado inuu arbusho dadka u baroor-diiqaya Floyd, sababo la xiriira askarta ilaalada madaxweynaha ee Secret Service loo yaqaan ee wehliya.

Floyd oo ahaa nin madow ah ayaa geeriyooday 25-kii May kadib markii askari ka tirsan booliska Minneapolis uu madaxa dhulka u dhigay kadibna jilib ka saaray luqanta illaa uu ka naf baxay.

Dhacdadan oo muuqaal laga duubay ayaa horseedday dibad-baxyo waa weyn oo illaa hadda ka socda Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka.

Biden ayaa cambaareeyey sida madaxweyne Donald Trump uu uga jawaabay dibad-baxyada oo intooda badan u socda hab nabadeed, balse mararka qaar horseeday rabshado iyo burbur hantiyeed. Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa ciidamada ugu baaqay inay wax ka qabtaan dibad-baxayaasha.

2 comments:

  1. Saaxiib horey usoco Guulo Qurux badan Ayaan Kuu Rajeynayaa

    ReplyDelete
    Replies
    1. thank you so much saxb qaali, weynuhu haku sharfo.

      Delete

Travelling to Berdaale District, 22-November 2025

My journey to  Berdaale District  has always been meaningful. I have travelled to Berdaale three times , with my last visit in 2015 , and ea...